Hayaan Media

XAQIIJINTA WARKA KA HOR INTA AAN LA SIIDEYN
Xaqiiqda Ayaa Ah Mida Kowaad

War ama maqaal walba oo ka baxaya Raadiya, xaqiiqda ayaa ah mida kowaad ee ah in la sugo. Doorka kowaad ee Suxufiga waa in uu dibedda u soo saaraa xaqiiqda oo aysan ku dabaqneyn wax caro ah iyo sidoo kale siyaasad ama feker inta la sammeyn karo, taasi ayaa fure u ah guusha suxufinimo ee suxufiga xirfadda ah.

Suxufi xaqiiqda uu helo waa in uu war ka sammeeyaa oo uu qaadaa dhigaa, iyada oo xilli kasta loo baahanyahay in suxufiga uu iska ilaaliyo khalad.

haddii feker la dhiibanayo, waa in lagu tilmaamaa sida (fekeradda ku soo baxa qeybta tifaftirka ee wargeysyadda). iska ilaali in ay isku kaa darsamaan xaqiiqda iyo fekerka.

FG. iska hubi xaqiiqda. haddii shaki uu kaa galo warka, iska daa oo ha qaadan

Sidee Ayaa Loo Qoraa War Ka Baxaya Raadiye

Mar waliba xasuusta ku hay oo ha ilaabin in eryadaaada warka ka sammeysan in ay yihiin kuwo lagu hadlayo. Waxaana lagu qiimeyn doonaa sida ay U DHAWAAQAYAAN, ee looma qiimeynayo sida ay u eg yihiin.

U qor warka oo u aqri sida adiga oo ku dhageysanayo qof, micnaha qof aad taqaan. Isku day in aad warka ku gudbiso si fudud oo loo fahmi karo.

Muhiim: warkaaga si kore oo la maqli karo u aqri ka dib marka aad aqriso, waa ka hor inta aadan Istuudiyha gelin ee warka uusan gaarin dhageystayaasha.

Bartilmaameedsiga dhageysayaashaada.

Marka hore is weydii su’aashan? Kuma ayaa ah dhageystayaashaada?

Isku hanaan kuma wejihi kartid dhageystayaal maxali ah ama gudaha ah iyo kuwo dibedda ah. Waxaa suurta gal in iyana aysan isku hanaan aysan aheyn qaabka aad ku wejihi kartid dhageystayaal miyi jooga iyo kuwo magaalo jooga. Waxaa sidoo kale suurta gal ah in aad la socoto oo aad xisaabta ku darsato heerka waxbarsho ee dhageystayaashaada.

Inta warka fahamkiisa uu u jiro dhageystaahaaga, ayaa lagaa doonayaa in aad ku cadeyso oo aad ku saleyso warkaaga.

Habka

Isku day in aad hesho oo warkaaga ay ka muuqdaan gaar ahaan qeybta hore ee warkaaga  waxa la yiraahdo shanta “W” the (five Ws) ama ugu yaraan shanta “W” soo geli labada sadar ee ugu horreeya bagaraafka warkaaga ka dib raaci erayga “how” ama sida warku u dhacay.

Jumaladaha warkaaga ha ahaadeen kuwo yar.  Iska ilaali erayada qalafsan ama jumladaha adag ee aan muhiimka aheyn, haddii jumalad wareedkaada ay kugu noqoto mid dheer, raadi sida aad ku soo yareen laheed. Faahfaahinta muuqaal sawireedka xambaarsan waa mid xiiso gelin karta dhageystayaasha laakiin iska hubi in ay tahay mid warka quseysa ama qeyb ka ah.

Ilaha warka.

Xaqiiqda waan in loo yeelaa il lagu saleeyo mar walba ilaa ma ahee adigu aad tahay qof goob jooge u ahaa dhacadada. Weligaaga ha iska dhigin qof joogay meel aadan tegin ama goob joog u ahaa waxa aadan arkin.

Sheeg ilaha warka aad ka hesho, haddii cida isha u ah warkaaga aysan dooneen in la magacaabo, isticmaal eray xambaaraya sugnaashaha xogta sida tusaale ahaan (“ ilo la isku haleyn karo/ilo xog ogaal ah), ama sheeg nooca il wareed sida tusaale ahaan (“ ilo dipolomaasiyadeed” “ ilo ku dhow dhow dhexdhexaadinta”

Talo muhiimah: hubso marka hore in ishaada warka sida aad u soo bandhigi karto aad ku xiriirin karto warka aad ka heshay, haddii aad dooneyso in aad qariso isha aad warka ka heshay, waxaad u baahantahay in aad dhisto kalsoonida isha aad warka ka soo xiganeyso haddaba ha ku xad gudbin il wareedkaasi.

Codadka warka lagu adkeeyo. (sound bites)

Codadka warka lagu adkeeyo waxaa loo isticmaalaa warbixin ka baxeysa Raadiyaha iyo sidoo kale wararka wakaaladaha oo laga dhigto xigasho toos ah oo qoraal ah si ay warka ugu ekeysiiyaan mid taagan laakiin hubso in ay quseeyaan ama ay qeyb ka yihiin warka kana geli meel ku habboon.

Tixraaca warka

Marka aad tebiso warka ama sheekadda, isku day in aad hesho jawaabaha ka dhalanaya warkaasi gaar ahaan war muhiim ah sida: (furitaan shir nabadeed, saxiixa heshiis xabad joojin) laakiin hubso in aadan gudbineynin aragti hal dhinac ah. Waa in aad isku deydaa in aad hesho aragtiyo is diidaya tusaale ahaan ( hoggaamiyo kooxeedyo kala duwan iskana soo horjeeda iyo bulsho rayid) si kale haddii loo dhigo

F.G: Mar kasta warkaaga ha ahaado mid dheeli tiran oo xaqiiqo ah sida ugu macquulsan.

Qaab dhismeedka warka

Waxaa maskaxdaada ku soo maaxaya xog fara badan ( sida, waxaad joogtaa shir nabad). Sidaasi daraadeeda, waa in aad xulasho sammeysaa, go’aan ka gaar waxa muhiimka ka ah warka aad heyso iyo waxa aan muhiimka ka aheyn, dabadeed warka aad dooneysid in aad gudbido.

Ogow war walba waxa uu leeyahay meel laga abaaro muhiimadiisa, ee isku day in aad fahamto muhiimada warka aad heyso, marka aad heshana faraha ku dhig oo ha sii deynin.

Ka dib warkaaga ku bilow madaxa hore ama midka hoggaanka u ah (lead), qeybta hore ee warkaaga waa in laga fahmi karaa jumlada wax sharxaya, sida kuma ayaa warka yiri? Warka la yiri maxuu yahay? Marka intaasi laga famayo warkaaga, raaci qeybta dambe ee faahfaahinta ah.

U dhis warkaaga sida saddex xagal la rogay, adiga oo warkaaga qeybta ugu muhiimsan soo horumarinaya, inta kale ee muhiimada yar gadaal mari.

La soco Qeybta 3aad iyo waa maxay wareysi?

By. Mohamed Abdi Farah

Hanaanka saxaafada xirfadda ah (Professional Journalism)
Akhristayaasha qiimaha leh gaar ahaan inta daneenaysa saxaafada, waxaan halkan ugu soo gudbinaynaa qeybtii koowaad ee barashada saxaafada xirfada ku dhisan.

Sida Loo Qoro Warbixin Wareed  (News Report)

War waa in uu noqdaa:

deg-deg

sugan

hadaf leh (ku saleysan xaqiiqda)

ilo wareed hagaagsan

dhismo wanaagsan iyo in si fudud loo fahmi karo.

War waxuu u baahanyahay ilo laga soo xigto oo sida kor ku xusan waxaa lagaa doonayaa in warkaada ilo uu yeesho oo laga soo xiganayo, waxaana afka qalaad lagu yiraahdaa (sources of information).

Ilaha Xogta Ama Warka

A- Warbixinada wakaaladaha wararka

B- Bayaanada iyo war saxaafadeedyadda

C -Shir Saxaafadeedyadda

D – Qeybaha Warbaahinta

E- Weriyayaasha

F- Suxufiyiinta kale

G- Marti

La soco Qeybta 2aad

By. Mohamed Abdi Farah

Xarun HMDC oo aad ugu xun falka xariga ah ee koox diimeedka Al Shabaab ay kula kaceen Wariye Cali Yuusuf ayaa ugu baaqday kooxdaasi in ay iska siidaayaan wariyaha.
Xarunta Hayaan Media Development Center  (HMDC) waxay canbaaraynaysaa xariga koox diimeedka  Al shabaab ay kula kaceen wariye Cali yuusuf oo ka howl gala Idaacada Soomaaliweyn ee ku taal Magaalada Muqdisho

Wariyahaan ayaa lagu qabtay  Dagmada Walaweyn oo ka tirsan  gobolka Shabeelaha Hoose,waxana wariyaha xariga loo geystay xila uu ku guda jiray shaqadiisa,waxaana  kadib markii laqabtay loo waday magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose

Hayaan waxay aad u canbaaraynaysaa falkaan  ay ku dhaqaaqeen  Alshabaab,iyadoo falkaasna uu yahay mid ka soo horjeeda  xuriyada hadalka iyo madaxbanaanida saxaafada xorta ah

Xurunta Hayaan ayaa  war saxaafadeed ay ku canbaareynaso  tacadiga loo geystay wariye Cali yuusuf ka soo  saartay Xafiiskooda ku yaala Dalka Nederland gaar ahaan magaalada Utricht waxaana warsaxaafadeedkaas ku saxiixnaa afhayeenka Xaruntaas Bile Gurxan Axmed

Xarunta Hayaan Media Development   Center waxay ugu baaqaysaa maamulka Koox diimeedka Alshabaab ee ka arimiya degmada lagu xiray wariyaha inay siidaayaan isla markaasna  ilaaliyaaan madaxbanaanida Saxaafada,maadaama ay saxaafadu tahay mihnada kaliya ee loogu   adeego bulshada.

Hayaan Media Development Center HMDC.

Utrecht,Netherlands.

Hayaan Media Development Center (HMDC) oo Hindise dhaxalgal ah ku tilmaamtay Ururka Hormarinta Fanka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed (SAAC)
Xarunta Hormarinta Saxaafada Soomaaliyeed ee Hayaan Media Development Center (HMDC) waxa ay halkaan ku muujinaysaa taageerada ay u hayso Ururka Hormarinta Fanka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yiraahdo (SAAC), waxaana ay ugu hambalyaynaysaa hogaanka Ururka fikirka wanaagsan ee ay soo bandhigeen iyo sida ay ugu heelan yihiin hormarinta iyo soo uruurinta Fanka iyo dhaqanka soomaaliyeed iyagoo waliba u maraya qaab nabadeed.

Agaasimaha Guud ee Hayaan Media Abdullahi Jama oo ka hadlay Ururka (SAAC) ayaa sheegay in uu la dhacsan yahay hamiga ku wajahan waxqabadka dhabta ah ee ay soo bandhigeen madaxda da,da yar ee Ururka Hormarinta Fanka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo ah fikir loo baahnaa oo waqtigiisa ku soo beegmay, waxa sidoo kale uu yiri “Fanka iyo Dhaqanka waa waxa ugu horeeya uguna muhiimsan ee bulshada Soomaaliyeed ay ku faani karaan meelkasta ay joogaan, waxaa sidoo kale dhihi karaan waa qaabka kaliya ee bulshada looga dhaadhicin karo hirgalinta Nabada waayo bulshadeena waa bulsho jecel Fanka iyo Dhaqanka”.

Waxa uu intaasi ku daray in Ururada Noocaan ah ee isu xilqaamay hormarinta fanka iyo dhaqanka ay yihiin kuwa dhaxal gal ah loona baahan yahay in la wada taageero si ay u gaaraan hadafkooda, ka Hayaan ahaana waxa uu balanqaaday in ay diyaar ula yihiin qaabkasta oo ay u wada shaqayn karaan maadaama Saxaafada iyo Fanka ay yihiin laba mihnadood oo isquseeya.

Ugu danbayn waxa aan halkaan mahad gaar ah iyo hambalyaba ugu jeedinayaa dhalanyarada soo hinsisay Fikirkaan qaaliga ah iyo kuwa wakiilka ugu ah magaalada Nairobi ee lagu soo Bandhigay anigoo u rajaynaaya in ilaah uu la qarabgalo masuuliyda ay isu xilqaameen oo ah mid aanan sahlanayn.

Hayaan Media Development Center (HMDC).

Utrecht-Netherlands.

Wariye Maxamed Yusuf Ahmed oo loo magacaabay iskuduwaha Mashaariicda Yurub ee Hayaan Media Development Center (HMDC).
Guddoomiye ku xigeen Hay’adda HMDC Mudane,Abdulahi Maxamed Taajirow ayaa Saxaafada usheegay in Maanta gelinkii danbe loo magacaay Wariye Maxamed Yusuf Ahmed inuu noqdo iskuduwaha Mashaariicda Yurub ee Hay’ada Hayaan Media Development Center,waxaana uu intaasi ku daray inuu Wariye Maxamed Yusuf yahay wariye aqoon badan u leh ka shaqeynta howlaha maanta loo magacaabay.

Abdulahi Taajirow ayaa dhinaca kale ku daray in Xarunta Hayaan Media ku howlahan tahay wax ka qabashada kala daadsanaanta ku dhexjirta wariyayaasha Somaliyeed ee Yurub jooga iyo u qabashada Siminaaro lagu kordhinayo Aqoontooda Saxaafadeed,waxaana uu sheegay si taasi looga miro dhaliya loo baahan yahay in la magacaabo u qeybsanaha Hayaan Media ee Mashaariicda Yurub,isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri Guddoomiye ku xigeenka Hayaan Media Abdulahi Taajirow.

” Markii aanu fiirinay heli taan la’aanta Siminaarada sare loogu qaadayo Saxafiyiinta Somaliyeed ee Yurub,Markii aanu daraasad ku sameynay Xirir la’aanta joogtada ah ee dhextaala Wariyayaasha,arimahaasi iyo kuwa kale oo daba socda Horumarinta dhamaan Howlaha Warbaahinta Somalida ee Yurub ayaanu garowsanay in aanu magacowno Mas’uul howlahaasi oo dhan qabta,waxaana u garanay in Xilkaasi uu kasoo dhalaali karo Wariye aanu kalsooni weyn ku qabno inuu sidii uu wax ugu qaban lahaa saxaafada Somaliyeed oo dhan,kaasi oo ah Maxamed Yusuf Ahmed” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Hayaan Media Development Center.

Dhinaca kale Maxamed Yusuf Ahmed waxaa u si rasmi ah u aqblay Xilkaasi loo magacaabay,isagoona sheegay inuu ka shaqeyn doono dhamaan howlaha baaxada weyn ee loo magacaabay,waxaana uu sheegay in Hayaan Media ay horeyba u balan qaaday wax ka qabashada Baahiyaha Warbaahineed ee heysta Wariyayaasha Somaliyeed meelkasta oo ay joogaan,isagoo arintaasi ka sii hadlaya waxa uu yiri Maxamed Yusuf.

“Waa dhab inay howl baaxad weyn horyaalaan Hayaan Media oo dhan,Laakiin xilka aniga la ii magacaabayse waxaan filayaa inuu yahay xil leh culeyskiisa,sababtoo ah ma sahlana in Yurub wariyayaasha jooga oo dhan wax loo qabto,kuwaasi oo isugu jira kuwa Saxaafadii dhan kasii baxaya,kuwa wali aan baran Luqadaha wadamada ay joogaan iyo kuwa aan sharciyo ka qaadan dalalka ay amaanka kasoo doonteed,Laakiin aniga ahaan waxaan alle ka rajeynayaa iyo garab aan ka helo asxaabteyda kale ee igala shaqeyneysa Hayaan Media in aan wax badan ka qaban doono Xaaladaha Saxafiyiinta Somaliyeed ee ku nool Qaarada Yurub” ayuu yiri Maxamed Yusuf Ahmed.

Iskuduwaha Mashaariicda Yurub ee HMDC Maxamed Yusuf ah waa wariye ka mid ah wariyayaasha ugu caansan Dalka Somalia,waxaana uu mudo 4 sano ah ku nool yahay Dalka Swedan,isagoo horey uga soo shaqeeyey warbaahinta ka howlgasha Dalka Somalia,kuwaasi oo aan ka xusi karno Idaacada Codka Shacabka,Shabelle,Hornafrik,V.O.D.

Maxamed Yusuf Ahmed waxaa dhowr jeer oo hore uusoo gaaray Wadanka Netherlands oo ah halka ay ku taal Xarunta Hay’ada Hayaan Media Development Center,waxaana uu qeyb ka ahaa wariyayaal halkaasi isku dhaafsaday aragtiyo sida wax ay wax u qabsan karaan wariyayaasha Somaliyeed ee Yurub jooga,kuwaasi oo kasoo baxay Somalia kadib markii ay xaalado amaan usii wadan waayeen shaqooyinkoodii saxaafadeed,laakiin kulamadaasi uu Holland u yimid ayaa la dhihi karaa waxay qeyb ka tahay fikradaha lagu aasaasay Xaruntan Hayaan Media Development Center.

Hayaan Media Development Center “HMDC”

Utrecht,Netherlands.

Xarunta Saxaafada Yurub oo Bogeeda internetka ku cadaysay taageerada ay u hayso Suxufiyiinta Soomaaliyeed kadib markii dhowaan ay kulan la qaadatay Hayaan Media
Xarunta saxaafada midowga Yurub ayaa bogeeda internetka ku soo bandhigtey taageerada ay u hayso Xarunta Hormarinta Saxaafada Soomaaliyeed ee Hayaan Media iyo sida ay diyaar ugu tahey in ay kala shaqeyso arimo badan oo ay ka mid yihiin radinta mashaariic hormarineed oo wax loogu qaban karo Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee wali ku dhex shaqaynaya mrxaladaha adag ee ka jira gudaha dalka soomaaliya iyo kuwa ku sugan qurbaha.

Xarunta oo soo xiganaysa kulankii dhowaan ay la qaadatey Aqaasimaha Guud ee Hayaan Madia iyo Isku duwaha  mashaariicda Geeska Africa Abdullahi Jama iyo Abdiweli Garyare  sida ay u kala horeeyaan ayaa sheegtay in ay ka go,an tahay sidii Xarunta Hayaan ay ugu mid noqon lahayd ururada ka muuqda masraxyada saxaafada aduunka si ay indhaha beesha caalmka ugu soo jiido dhibka amaandarada ah ee haytsa bahda saxaafada Soomaaliyeed oo ah caqabada ugu wayn ee hortaagan hormarinta warbaahinta wadanka geeska Afrika ee Soomaaliya.

waxaa sidoo kale ay sheegeen in ay sida ugu sahlan ee suuragalka ah ay ugu wada shaqayndoonaan kulamo dooda ah iyo aqoon iswaydaarsi oo ay ku kulminayaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa ku sugan wadamada dariska la ah Dalka.

Halkaan ayaa ka akhrisan gartaa Warbixinta uu Ururka European Journalism Center (EJC) ka soo saaray taageerida Ururka Hayaan Media  oo aad ka aqrisan kartaa dhamaan arimaha ay ka hadleen ee ku aadan taageerada ay u hayaan Xarunta Hayaan Media Development Center (HMDC)

Hayaan Media Development Center (HMDC)

Utrecht-Netherlands.

Hayaan Media oo Hambalyo u direysa Hogaanka Cusub ee Ururka JIJA,Kaasi oo shalay lagu doortay Shirkii ka dhacay Magaallada Nairobi
Qoraal kasoo baxay Hogaanka Sare ee Hayaan Media Development Center “HMDC” ayaa lagu  taageeray Doorashadii shalay Hogaanka Sare loogu doortay Ururka Wariyayaasha Jubbooyinka ee marka Magaciisa la soo gaabiyo uu yahay “JIJA” .

Shalay aheyd aheyd markii Doorasho si weyn looga shaqeeyey ay ka dhacday Hotelka Barakaat,taasi oo ay ujeedadeedu  aheyd sidii Maamul wada jir ah ay ugu sameysan lahaayeen Wariyayaasha ku Midoobay Ururka JIJA,waxaana halkaasi isku soo sharaxay Laba Musharax oo lagu kala magacaabo Abdikhadar Filibin iyo Cali Yaasiin Gurbi oo xubno ka ah Ururkaasi.

Waxaa goobta joogay Xildhibaano,Wariyahaal,Haween,Odayaasha Somalida oo dhamaantood ahaa goobjoogaal  u diyaarsanaa la socoshada qaabka ay doorashadaasi u dhaceyso,Waxaana Hay’ada Hayaan Media Development Center “HMDC’ ku tilmaantay qaabkaasi qaban qaabada iyo iskudayada ay wariyayaasha JIJA ku doodanyeen in si Caalami ah doorashooda u dhacdo mid mudan in lagu daydo,maadaama ay tahay mid lala xiririn karo qaabka Doorashada xorta ah ee ka jira Dunida horumartay.

Waxaa halkaasi lagu doortay inuu Guddoomiye ka noqdo Musharixii Cali Yaasiin Gurbe,kaasi oo ay codkooda badi siiyeen wariyayaasha ku bahoobay Ururka JIJA ee kala jooga gudaha Dalka Somalia iyo Dibadaba,Halka Musharixii kale ee la tartaramayey uu bilowgii hore ee doorashadaba ku dhawaaqay inuu xilkii Guddoomiyenimo ka Tanaasulay.

Dhinaca kale Waxay Hayaan Media bogaadin u direysaa Guddoomihii hore ee Ururkan isla markaana ahaa Guddoomiyihi gudiga qabanqaabada Doorashadan Yaxye Jama Samatar,kaasi oo muujiyey Dulqaad iyo Karti ilaa uu maanta soo gaarsiiyey Ururka inuu Doorasho xaqa galo iyo inuu xilkii halkaasi ku wareejiyey,isagoo waliba muujiyey inuu la shaqeeyo Maamulka cusub ee xilkaasi laga wareegay.

Hayaan Media Developmenta Center”HMDC” oo ah Xarunta Horumarinta Warbaahinta Wadamada Geeska Africa oo ay Somalia ku jirto ayaa waxa ay soo dhaweyneysaa Maamulka cusub ee uu yeelay Ururkaasi JIJA,iyadoo sidoo kale balan qadeysa inay la yeelan doono wada shaqeyn buuxda oo ku wajahan wax ka qabashada iyo ka taageerida Howlaha Baaxada leh ee horyaalada ururkaasi.

Maadaama Hayaan Media ay ku wajahan tahay Horumarinta Warbaahinta Somalia iyo Difaacida wariyayaasha Somaliyeed ee ku sugan Somalia,Waxaan Ururka JIJA u balan qaadi doonaa in aan isaga kala xiriri doono dhamaan howlaha Hayaan Media ee ku wajahan Gobolada uu Ururkaasi ka dhisan yahay.

Hayaan Media ayaa horey waxaa ay xiriri wada shaqeyn la yeelatay oo sidan oo kale ah Urur Somaliya Warbaahinteeda ka shaqeeya iyo Kuwa Dunida horumartay,kuwaasi oo kala ah Marka Somalia laga hadlayo NUSOJ,SOMEPED,MAP iyo JIJA oo Maanta Hogaankooda sare la dhisay,Halka Caalamkana aanu xirir dhaw la leenahay Ururada kala ah,EJC,PRESSNOW oo labaduba fadhi ku leh Wadanka Holland.

Hadafka Hayaan Media ahaa ah so dhaweynta iyo wax wada qabsiga dhamaan Hay’adaha iyo Shaqsiyaadka ka shaqeeya Horumarinta Warbaahinta Somalia iyo mida Aduunkaba.

Sawirada Doorashadii Hogaanka JIJA:-

Afhayeenka Xarunta Hayaan Media Bile Gurxan oo soo saaray Warsaxaafadeed ku aadan Maalinta Saxaafada Somalia iyo Howlaha Hayaan Media
Xarunta Hayaan media developmenta oo ah Xarun madaxbanaan isla markaana ka shaqeysa hormarinta Saxaafada ayaa dhamaan ugu hanbalyaysay saxafiyiinta maalinya saxaafada Soomaaliya ee 21 janaayo ee sanada 2010.

Xaruntu waxay saxaafada Soomaaliya la qeybsanaysaa farxada ay maalintaas u leedahay bahda saxaafada,iyadoo sidoo kale la qeybsanaysa dhibaatada haysta saxaafada ayna ogsoontahay Hayaan inay saxfayiinya xilgaan ka howlgasha gudaha dalka inay xaalad adag ku shaqeyaan

hadaba Xarunta Hayaan ayaa soo saartay qodbo ku saabsan xaalada saxaafada soomaliya,qodobadaas oo ka kooban 9 qodob oo kala ah:

1:-  in Saxfiyiinta Soomaaliya ay ka shaqeeyaan Nabada iyo hormarka wadanka si loo helo qaran soomaaliyed oo degan

2:-  in ay u adkeystaan Saxafiyiinta xaalada adag ee ka jirta wadanka bulshdana ay u adeegaan

3 :- inaysan ka caajisan ama ka baqanin howshooda saxaafadeed

4:-  inaysan u dhagraaricin caga jugleynta, dilka, dhaawaca iyo xariga lagu hayo saxaafada

5 :- inay ka digtoonadaan cid kasta oo doonaysa inay magaca saxaafada wax ku burburisa ama sharfata saxaafada wax u dhibaysa

6 :- inay dhaxdooda isku kalsoonaadaan si qalbi furana ay wada shaqeeyan iskana ilaaliyaan wax kenaya in lagu kala dilo ama laga dhigo saxaafada meel la isko jiidjiido sida siyaada oo kale

7 :- waxay u soo jeedinaysaa madaxda iyo milkiilayaasha inay xaqdhowraan xaquqda saxfiyiinta xaalada adag ku shaqeynaya

8 :- waxaan sidoo kale u soo jeedinaynaa dhinacayda kala duwan ee isku haya siyaasada Soomaaliya inay ilaaliyaa xaquuqdada saxfiyiinta ay leeyihiin ay u fadudeeyaan howlahooda saxaafadeed

9:-  waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha caalamaka oo ay ugu horeeyaan kuwa u doodada xaquuqada bini’aadamka inay garab siiyaan saxafiyiinta ku tabaalaysan dalalka dariska la ah Soomaaliya

Dhinaca kale  Hayaan Media Development Center “HMDC” waxay cadaynaysaa inay garabtaagantahay saxafiiyinta Soomaaliya. ujeedka loo dhisayna ay ugu horeyso hormarinta saxafiyiinta. sidaas darteed Hayaan waxay u soo jeedaa mar kasta inay kaqeybqaadato hormarinta saxaafada,sida tabarada, aqoon is waydaarsiga, tayeynta qalabka saxaafada wacyigalinta, iyo wax yaabo kale ee la xiriira Horumarinta Warbaahinta Somaliya.

qoraalkan ayaa ka soo baxay shir ay isugu yimaadeen xubnaha Hayaan Media Development Center 21 bishaan oo ku beegned maalinta saxaafada Soomaaliya waxaan qoralkaan saxaafada ka hor aqriyay afhayeenka Hayaan Media Devoloment Center , Bile Gurahan Ahmed oo sidoo kale ka warbixiyay kulankii dhexmaray Hayaa Media iyo European journalism Center (EJC) waxuuna sheegay Bile Gurahan in kulnkaas u ahaa mid hormar ay ka gaareen labada dhinac, maadaama la qorsheeyay in meelo badan la iska kaashado.

Bile ayaa hadalkiisa intaas ku sii daray in Hayaan Media ay tahay hay’ad madaxbananan isla markaana ay aasaaseen Saxafiyiin uu ku tilmaamay rag qibrad u leh howlahan oo kale sidoo kalana Kalsooni ku heysta waxa ay qabanayaan,taasi oo dhabaha u xaareysa inay si daacadnimo ku jirto wax ugu qabtaan Saxafiyiinta Somaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

“haddii la maqlo waxbaa la semeeyay waa qasab inay jiraan dad meelo kale wax ka fiiriyo, laakin uma hakanayno, waayo waxaa ka weyn ujeedka aan higsanayno cid kasta oo saxafi ah way ka shaqeyn kartaa Xaruntaan Hayaan Media “ayuu yiri Bile Gurhan oo hadan yiri ” Waxaan dhisanahay wax yar hadiiba waxan qabanay howlo badan,waxaana ka mida inaan wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Hayaan Media Maxamed Cabdi Faarax ” Afgooye ” uuna ka mid ahaa Abdiweli Garyare ayaa Nairobi u dirnay si ay ula soo kulmaan wariyaasha halkaasi Jooga kulan balaarna kula qaatay hoteelka Barakaat,Waxaa halkaasi inooga soo baxay wax badan oo muhiim u ah Howlaha Hayaan Media,Maadaama aan halkaasi la isku dhaafsaday aragtiyo ku aadan Fikradaha wariyayaashaasi iyo Baahiyahooda” ayuu yiri Afhayeen Bile Gurhan

waxuu kaloo sheegay inay shir balaran la qaateen Xarunta Hormarinta Saxafiyiinta Yurup kasoo lagu casuumay madaxda hayaan waxuuna kulankaas ahaa mid kaalin muhiim ah ulahaa saxfiyiinta Soomaliya maadama magaca saxaafada Soomaaliyeed ay matalayayeen madax hay’ada hayaan Media isagoo sheegay inay halen balan qadyo muhiima oo ku saabsan in saxaafada Soomaaliya la hormariyo

sidoo kale waxuu sheegay afhayeenku in ay dhawaan bilaabayaan howlo ay ka qabanayaan gudaha Soomaaliya kuwasoo isgu jirodoona siminaaro, doodo aqoon kororsi ku saleysan kor uqaadida aqoonta saxfiyiinta, waxaana howshaas fulinaya mareeyaha maashaaricada xurunta Hayaan ee Soomaaliya Mustafa Xaaji Cabdi Nuur oo dhawaan la magacaabay.

waxuu kaloo sheegay inay wariyaasha ku sugan yurup iyo kulamo u qabandoonaan iyadoo wadanka Netherlands oo xarunta ugu weyn Hayaan Media ku taalo lagu qabtay kulamo hordhac ah oo saxfiyiinta jooga wadankaan Netherlands ay isku arken waana arimo muhiim ah ayuu yiri Bile.

Mar la weydiiyey afhayeenka inay dhici karto dad ka soo horjeda Xaruntaan cusub ee Hayaan Media waxuu yiri ” in lagaa soo horjesto maxuma,lakiin wax qabad ayaa muhiima midna ogaada saxaafadu ma ahan siyaasad. waa mihnad ku dhisan in dadka wax fiican loo tabiyo kuna salaysan in la kordhiyo maskaxda dadka, Mida kalena Waan ku sheegaayo Hayaan Media ma ahan Xarun dhahaysa yaan cid kale wax sameysan, Cidii wax qabanaysa ha sameeyaan meel wax qabata, haddii aad aragtiin qof dhayaha Bile maxuu Shaarkaan u gashtay mala ogeyn aniga markii uu Shaarkan gashanayey iimana shegin waa wax laga filin karo soomaalida,Laakiin anaga ma ahan mid aan uga joogsan doono wax u qabashada Dadkeena iyo Dalkeena u hamuun qaba Horumarinta dhinaca Warbaahinta” ayuu warkiisa kusoo afmeeray Afhayeen ka Xarunta Hayaan Media Development Center “HMDC”

Hayaan Media Development Center ”HMDC”

Utrecht,Netherlands.

Shaadiya Muxumad Cabdi oo Shaacineysa Magacaabista Maareeyaha Mashaariicda Xarunta Hayaan Media Development Center (HMDC) ee dalka Soomaaliya.
Hayaan Media Development Center (HMDC) waxa ay shaacinaysaa in ay magacowday Maareeyaha u qaabilsan fullinta Mashaariicda ay Xarunta ka samayndoonto gudaha dalka Soomaaliya, waxaana ay u magacowday Mustafa Xaaji Cabdi Nuur oo ah Xoghaya Guud ee Ururka Warbaahinta Nabada iyo Hormarinta Soomaaliyeed ee Somali Media for Peace and Development (SOMEPED).

Xoghayta Xarunta Hayaan Media Shaadiya Muxumed Cabdi oo soo bandhigtay magacaabista Mustafa Xaaji ayaa sheegtay in maanta uu ku soo biirey Suxufi karti iyo aqoonba u leh fulinta mashaariicda islamarkaasna kaga filnaandoono howlaha laga samayndoono gudaha dalka,maadaama xubnaha ugu badan ee Hayaan Media ay ku nool yihiin dalka Dibadiisa.

“Waxaan maanta dhihi karnaa in Hayaan ay joogto Magaalada Muqdisho ee xarunta Dalka iyo gobolada kale oo dhan, waxaana taas ay muujinaysaa in Hayaan aysan ahayn qurba joog oo kaliya balse ay ka mid yihiin Suxufiyiinta Tirada yar ee nafsadooda u huraya u shaqaynta dalkooda iyo dadkoodaba” sidaasi waxaa tiri Xoghayta Hayaan Media Shaadiya Muxumed waxaana ay intaasi ku dartey in sidoo kale ay Shaacindoonaan wakiilada wadamada kale ee Yurub iyo kuwa dariska la ah dalka soomaaliya”.

Xoghayta ayaa sidoo kale sheegtey in ay Ururka uu Xoghaya Guud ka yahey Mustafa Xaaji (SOMEPED) ee Dhowaan looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho uu ka mid noqday Ururada ay Hayaan Media la yeelatay wadashaqaynta dhinaca Hormarinta Saxaafada Soomaaliyeed.

Dhinaca Kale Shaadiya waxa ay wax laga xumaada ku tilaamtey ugaarsiga wali lagu hayo Suxufiyiinta Soomaaliyeed, waxaana ay ugu baaqdey dhamaan dhinacyada ku lug leh siyaasada aanan jihada laheyn ee soomaaliya in ay tixgaliyaan Xoriyada Saxaafada islamarkaasna ay ay kala shaqeeyaan Sidii loo hormarin lahaa Saxaafada Soomaaliyeed.

Mustafa Xaaji Cabdinuur waxaa uu ka mid yahay Suxufiyiinta ugu caansan dalka iyo Dibadaba, waxa uuna ka soo shaqeeyey Idaacado ay ka mid yihiin DMC, STN, Shabelle, Simba iyo Wakaalada wararka caalamiga ah ee AFP, iyadoo dhowaana uu ku guulaystay Abaal marin Saxaafadeed oo heer caalami ah oo ay magaalada NewYork ku guddoonsiisay Hay’ada Caalamiga ah ee (CPJ).

Hayaan Media Development Center.

Breda-Netherlands.

Hayaan Media Development Center (HMDC) and European Journalism Center (EJC) discuss over media development in East Africa.
Members from Hayaan Media Development Center met with officials of the European Journalism Center on Tuesday 19 Jan. 2010 over the possibility of better relationship and cooperation between the two organizations towards promoting media activities.

The meeting took place in Maastricht, Netherlands as the HMDC and EJC officials underlined the importance of projects to enhancing the profession of the qualified Somali journalists spread out in the world particularly those still operating in Somalia under hard conditions.

The general director of Hayaan Media Development Center Abdullahi Jama Ali detailed about the insecurity problem in which the journalists work inside Somalia and their needs to be supported on the side of upgrading their professionals.

He sees the meeting with EJC as profitable and helpful to the continuation of the activities relating to energizing of Media doings.

The senior project manager Media Development of the European Journalism Center Josh LaPorte welcomed the briefings given praising HMDC’s efforts towards Media Development in Somalia regarding it as the appropriate and timely organization that has the capacity to maintain such greater media tasks in east Africa region.

“We as EJC works on media development in European Union countries and we carry out media projects in many African countries but we had no access to reach out Somalia because of the insecurity.  But now we can have the opportunity as long as we began contacting an organization based in Netherlands that works on media development and has the competence to perform projects inside Somalia,” said Mr. LaPorte adding that EJC will work closely with HMDC primarily creating trainings and workshops in Africa and throughout the world.

Abdiweli Ibrahim Aden (Gareyare), the East Africa project coordinator of HMDC who told the meeting that if full collaboration between EJC and HMDC is certain that would be a big achievement to the Somali journalists particularly those suffering in the countries neighboring Somalia.

Marjan Tillmans, project manager media development of EJC, speaking at the meeting pledged that they will consult with HMDC over the coming projects to meet the needs of the media people in Somalia.

Hayaan Media Development Center.

Utrecht-Netherlands.