
Magaalada Utrecht ee dalka Holland waxaa manta ka furmay shir looga hadlayay xaaladda ay ku sugan Suxufiyiinta Soomaalida Yurub iyo kuwa joog gudaha Dalka Somalia,waxaana ka soo qeyb galay wariyayaaal Somaliyeed oo kala yimid Dalalka Uk,Holland,Swedan,Talyaniga,Norway iyo Dalka Kenya waxaa inta uu socday halkaasi lagu soo bandhigay arimo badan oo salka ku haya Xaalada Wariyayaasha Somalida.
Shirkan iminka uga furmay Dalka Holland Wariyayaashan Somaliyeed ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’ada Horumarinta Warbaahinta ee la yiraahdo Hayaan Media Development Center “HMDC” taasi oo inta badan ka shaqeysa sidii wariyayaasha kasoo jeeda Bariga iyo Geeska Africa oo ay Somalida qeyb ka tahay.
Waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Hay’ada Hayaan media Cali Dahir Eid,kaasi oo dhamaan kasoo qeyb galayaashii shirka kusoo dhaweeyey shirka isla markaana uga mahadceliyey waqtiga ay usoo hureen shirka looga hadlayo horumarinta iyo wax u qabadka wariyayaasha Magaca Somaliyeed wata ee dunida daafaheeda kala jooga,isagoona hadalkiisa ku sii daray inay Wariyayaasha Somaliyeed u kala qeybsan yihiin kuwa Dalkii ku dhibaateysan iyo kuwa dibada ku lumiyey xirfadii wariyenimo oo ay lahaayeen.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay Ali Dahir Eid inay Hayaan Media ahaan wado kasto u marayaan sidii wariyayaasha Somaliyeed garab taageero horumarineed loo siin lahaa,isagoo tusaale ahaan usoo qaatay Laba Shir oo ay u qabteen Wariyayaasha Somaliyeed,kuwaasi oo midna uu bishii December ee sanadkii 2009 ku qabteen Nairobi iyo midka Maanta wariyayaasha Somaliyeed ee yurub uga furmay Holland,laakiin waxaa uu hoosta ka xariiqay inay shirarkaasi ka heleen xog badan oo lagu horumarin karo wariyayaasha iyo fikrado lagu xalin karo,aqoondarada Saxaafada Somalida heysta.
Ali Muse Abdi oo ah Wariye ka tirsan Wakaalada wararka Faransiiska ee {AFP} isla markaana ahaa maanta Shir Gudoonka Shirka Maanta ka furmay Holland ayaa sheegay inay Wariyayaasha Somaliyeed Yurub jooga fursad u tahay inay helaan kulamo ay uga wada hadlayaan dhibka heysta iyo sida wax looga qaban karo,iyadoo dhinaca kale uu ku dheeraaday ka hadalka taariikhdii saxaafadda Somalia ay soo martay,taasi oo aheyd faa’iido badan ay ka heleen dhamaan wariyayaashii shirkaasi kasoo qeyb galay.
Sidoo Kale Mr,Ali Muse waxaa uu Hay’adda Hayaan Media uga mahadceliyey sida ay isugu xil-saareen wax u qabashada wariyayaasha Somaliyeed,isagoona sheegay in lama huraan ay tahay wax ka qabashada xirfada wariyayaasha Somalida ee Yurub ee sii lumeysa iyo garabsiinta wariyayaasha saaxiibadooda ah ee gudaha Somalia jooga,isagoo hadalkiisa watana waxa ii yiri :-
“Runtii waa farxad iyo wax la soo dhaweeyo howlaha Hay’ada Hayaan Media,waxaana tani u arkaa inay tahay tilaabo ku dayasho mudan,waad ogtihiin howlaha Hay’ada dadka bilabay waxay ku aasaaseen iyagoo wadankan Holland ku cusub,waxay u dhabar adeegeen inay waqtigooda iyo maalka ay leeyihiin geliyaan wax ka qabashada Dhibka wariyayaasha,Taasi maanta waxaan is leeyahay waa u rumowday dadkii soo hindisay fikirkan Hayaan Media,sababtoo ah maanta dadkeenan halkan wada fadhiya ee Africa iyo Yurubta kale isaga yimid waxaa isugu kaala keenay waa Hayaan Media,waxaana rajo badan ka qabaa inay wax ka qabtaan baahida wariyayaasha Somaliyed” ayuu yiri Ali Muuse Abdi,waxaana isaga oo hadalkiisa sii wata yiri :-
” Waxaa Dabeecad ahaan wariyayaasha Somalida noqotay in haddii la dhiso urur wariyayaasha wax u qabanaya,ay kuwa kale ka daba hadlaan,,kuwaasi oo aan ku hishiin inay urur kasi la tartama inay dhistaan,laakiin taasi badalkeeda raba inay kan la dhisay burburiyaan oo aan marnaba waxba la helin,Taasi waxan oran karaa waa ayaan daro,waxaase usoo jeedin lahaa dhamaan wariyayaasha Somaliyed meelkasta oo ay joogaan,haddii ay dhacdo inay urur aysan ku qanacsaneyn arkaan,inaysan mucaaradina ay dhistaan Urur kale oo ay wax ku qabsan karaan,Sababtoo ah Dalkan Holland oo kale,waxaa iminka ka jira Ururo badan oo Saxaafada ka shaqeeya hadana ma ahan kuwa is mucaaradsan,Wadadaasi oo kale ayaan la rabi lahaa inay qaadaan wariyayaasha Somaliyeed” ayuu yiri Ali Muuse Abdi.
Dhinaca kale waxa isagana Hadalka lagu soo dhaweeyey Mustafe Xaaji Abdinuur oo ah Xiriiriyaha Mashaariicda Hayaan Media ee Somalia isla markaana ah Xoghaya Guud ee Ururka Someped ayaa isaga oo Muqdisho jooga,halkaasi ka jeediyey Khudbad iftiimineysa xaalka ay ku sugan yihiin Wariyayaasha Somaliyeed,isaga oo xusay in loo baahan yahay sidii garab iyo taageero loogu heli lahaa wariyayaasha Somaliyeed ee gudaha jooga,waxaana xubnihii shirka kasoo qeybgalay uu u jeediyey inay wajahaan waxqabad dhab ah oo loo sameyn karo saaxiibada wali ku negi Somalia.
Mr,Hildebrand Bijleveld oo ah Editor in chief Press Now oo inta badan ka shaqeysa taageerida iyo horumarinta Warbaahinta,baryahana si weyn ugu mashquulsaneed wax u qabashada wariyayaasha Somaliyeed ayaa waxaa uu halkaasi ka jeediyey inay wariyayaasha Somaliyeed dhab ahaan ugu baahan yihiin kor u qaadista waxbarashadooda,isagoona sheegay inay Somalia ka sahlan tahay wariyaha inuu qalabka warbaahinta ee waxduubo qaato,kadibna uu ku shaqeysto xirfadii wariyenimo,isagoo aan wax badan ka ogeyn shuruucda saxaafada,Laakiin waxaa uu sheegay in Maanta ay somalida ka caawinayaan sidii loo heli lahaa Xarun Media Center ah,taasi oo sadex meelood midkood laga dhigi doona,kuwaasi oo kala ah,Puntland,Somaliland iyo Jabuuti.
Dhinaca kale waxaa uu siweyn usoo dhaweeyey dadaalka Hay’ada Hayaan Media kawado Dalka Somalia iyo Yurub,isagoona sheegay inay qabteen wax badan inta yar oo ay jireen,taasi oo uu sheegay inay yar ka dhigan tahay himilo wanaag laga fisho mustaqbalka dhaw,waxaana uu hadalkaasi sii raaciyey inay meelo badan kawada shaqeyn doonaan Hay’ada Hayaan Media.
Wariyayaal badan ayaa halkaasi ka hadlay,waxaana ka mid ahaa Mowliid Xaaji Abdi oo ah Agaasimaha idaacada iyo TV ga SBC shirkana uga yimid UK,Maxamed Yusuf Ahmed oo isagana ahaa wariye kasoo shaqeeyey Muqdisho wax badan iminka shirkan uga soo kicitimay Dalka Swedan,Abdirisaq Shiikh Aduun oo ah Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliyeed ee “NUSOJ” oo isagana Swedan ku nool iyo Xasan Liisho.
Waxaana dhamaantood wariyayaashaasi iska qireen inay muhiim tahay wax ka qabashada dhibka wariyayaasha heysta,iyagoo shegay inay wariyayaal ka badan 100 ay joogaan Yurub,laakiin hadana aysan jirin kuwa xirfadoodii sii wata,waxaana dhinaca kale ay sheegeen inay Hay’ada Hayaan Media uga mahadcelinayaa ,Niyada iyo dadaalka shirkan lagu qabtay Holland,waxaana dhinaca kale ay ugu baaqeen dhamaanba wariyayaasha somaliyeed ee yurub jooga inay tafaraaruqa joojiyaan isla markaana ay wajahaan xaqiiqada Yurub ka jirta oo ay ugu horeyso waxbarashada xirfada qofkasta oo uu sheeganayo.
Guddoomiyaha Dallada Somalida ay k mideysan yihiin ee FSAN Xuseen Qadiib oo isagana shirkaasi hadalo ka jeediyey ayaa sheegay inay markii ugu horeysay u tahay ka qeyb galka shir wariyayaal ay isugu imaanayaa,isaga oo sheegay inay wax badan ka walwalsanaayeen dhibka ka jira somalida uguna horeeyan wariyayaasha,waxaana uu dhinaca kale sheegay inay Hayaan Media leeyihiin wada shaqeyn ,hada iyo wixii ka danbeeyana ay sii xoojin doonan sare u qaadista xirirka labada Hay’adood.
Abdiweli Ibrahim Garyare oo ka tirsan Madaxda Hay’ada Hayaan Media isla markaana ka mid ah Wariyayaasha Somaliyeed inta ugu magaca dheer ee iminka ka shaqeeya Tvga Universal TV ayaa waxaa uu shirkasi ka sheegay inay jiraan fursado wax loogu qaban karo wariyayaasha Somaliyeed,laakiin waxa uu taasi barbardhigay inay fursadahaasi dhinac socdaan,sida ay wariyayaasha diyaar ugu yihiin ka faa’iideysiga fursadaasi,isagoo arintasi hadlayana waxa uu yiri :-
” Waa dhab inay halkan jaanis yaalo,Laakiin caqli iyo garasho lagu fahmo inay helaan wariyayaasha ayey ku xiran tahay,ma aqaan goorta iyo xiliga ay wariyayaasha Somaliyeed la mid noqon doonan sida wariyayaasha umadaha kale,kuwaasi oo helay fursado waxbarasho,kadibna helay furado ay kusii wataan shaqadoodii iyaga oo halkan jooga” ayuu yiri Abdiweli Garyare,waxaana ii intaasi raaciyey ” Hayaan Media ma ahan Ururka Suxifiyiinta Somaliyed ee Holland ama Yurub,taasi oo aad moodo inay dadka qaar ku doodaan,Hayaan Media haddii an idin sharaxo,waa Hay’ad ka shaqeysa taageerida iyo horumarinta wariyayaasha iyo warbaahinada Bariga iyo Geeska Africa,Taasi macnaheedu waxa uu noqonayaan in Hayaan Media ay ka mugweyn tahay urur ay leeyihiin ama wax ka qabta wariyayaasha Somaliyeed arimahooda un,marka dadku waa inay kala gartan Hay’ad wax taageerta oo ay dhici karto xitaa inay garabsiiso ururka wariyayaasha noocey doonan ha isku raaceene” ayuu yiri Abdiweli Ibrahim Garyare.
Ugu danbeyntii shirkaasi oo ahaa midkii ugu horeeyey oo ay abid wariyayaasha Somaliyeed Yurub isugu yimaadaan isaga oo kale ayaa kusoo dhamaaday sidii loo qorsheeyey,waxaana dhamaadkii shirkaasi laga soo saaray Cambaareyn ku aadan dilkii wariyihii Galkacyo lagu dilay dhawaan iyo Xariga ilaa iminka uu xiran yahay Agaasimihii Idaacada Horseed Media ee Boosaaso Abdifitax Jama Mire,waxaana lagu wadaa xubinii shirkan dibadaha uga yimid inay dib ugu noqdaan Dalalkii ay ka yimaadeen.
Nuuradiin Macalin Mukhtaar (Diinow)
Magaalada Utrecht Holland








