XAQIIJINTA WARKA KA HOR INTA AAN LA SIIDEYN

Professional journlism1

Xaqiiqda Ayaa Ah Mida Kowaad

War ama maqaal walba oo ka baxaya Raadiya, xaqiiqda ayaa ah mida kowaad ee ah in la sugo. Doorka kowaad ee Suxufiga waa in uu dibedda u soo saaraa xaqiiqda oo aysan ku dabaqneyn wax caro ah iyo sidoo kale siyaasad ama feker inta la sammeyn karo, taasi ayaa fure u ah guusha suxufinimo ee suxufiga xirfadda ah.

Suxufi xaqiiqda uu helo waa in uu war ka sammeeyaa oo uu qaadaa dhigaa, iyada oo xilli kasta loo baahanyahay in suxufiga uu iska ilaaliyo khalad.

haddii feker la dhiibanayo, waa in lagu tilmaamaa sida (fekeradda ku soo baxa qeybta tifaftirka ee wargeysyadda). iska ilaali in ay isku kaa darsamaan xaqiiqda iyo fekerka.

FG. iska hubi xaqiiqda. haddii shaki uu kaa galo warka, iska daa oo ha qaadan

Sidee Ayaa Loo Qoraa War Ka Baxaya Raadiye

Mar waliba xasuusta ku hay oo ha ilaabin in eryadaaada warka ka sammeysan in ay yihiin kuwo lagu hadlayo. Waxaana lagu qiimeyn doonaa sida ay U DHAWAAQAYAAN, ee looma qiimeynayo sida ay u eg yihiin.

U qor warka oo u aqri sida adiga oo ku dhageysanayo qof, micnaha qof aad taqaan. Isku day in aad warka ku gudbiso si fudud oo loo fahmi karo.

Muhiim: warkaaga si kore oo la maqli karo u aqri ka dib marka aad aqriso, waa ka hor inta aadan Istuudiyha gelin ee warka uusan gaarin dhageystayaasha.

Bartilmaameedsiga dhageysayaashaada.

Marka hore is weydii su’aashan? Kuma ayaa ah dhageystayaashaada?

Isku hanaan kuma wejihi kartid dhageystayaal maxali ah ama gudaha ah iyo kuwo dibedda ah. Waxaa suurta gal in iyana aysan isku hanaan aysan aheyn qaabka aad ku wejihi kartid dhageystayaal miyi jooga iyo kuwo magaalo jooga. Waxaa sidoo kale suurta gal ah in aad la socoto oo aad xisaabta ku darsato heerka waxbarsho ee dhageystayaashaada.

Inta warka fahamkiisa uu u jiro dhageystaahaaga, ayaa lagaa doonayaa in aad ku cadeyso oo aad ku saleyso warkaaga.

Habka

Isku day in aad hesho oo warkaaga ay ka muuqdaan gaar ahaan qeybta hore ee warkaaga  waxa la yiraahdo shanta “W” the (five Ws) ama ugu yaraan shanta “W” soo geli labada sadar ee ugu horreeya bagaraafka warkaaga ka dib raaci erayga “how” ama sida warku u dhacay.

Jumaladaha warkaaga ha ahaadeen kuwo yar.  Iska ilaali erayada qalafsan ama jumladaha adag ee aan muhiimka aheyn, haddii jumalad wareedkaada ay kugu noqoto mid dheer, raadi sida aad ku soo yareen laheed. Faahfaahinta muuqaal sawireedka xambaarsan waa mid xiiso gelin karta dhageystayaasha laakiin iska hubi in ay tahay mid warka quseysa ama qeyb ka ah.

Ilaha warka.

Xaqiiqda waan in loo yeelaa il lagu saleeyo mar walba ilaa ma ahee adigu aad tahay qof goob jooge u ahaa dhacadada. Weligaaga ha iska dhigin qof joogay meel aadan tegin ama goob joog u ahaa waxa aadan arkin.

Sheeg ilaha warka aad ka hesho, haddii cida isha u ah warkaaga aysan dooneen in la magacaabo, isticmaal eray xambaaraya sugnaashaha xogta sida tusaale ahaan (“ ilo la isku haleyn karo/ilo xog ogaal ah), ama sheeg nooca il wareed sida tusaale ahaan (“ ilo dipolomaasiyadeed” “ ilo ku dhow dhow dhexdhexaadinta”

Talo muhiimah: hubso marka hore in ishaada warka sida aad u soo bandhigi karto aad ku xiriirin karto warka aad ka heshay, haddii aad dooneyso in aad qariso isha aad warka ka heshay, waxaad u baahantahay in aad dhisto kalsoonida isha aad warka ka soo xiganeyso haddaba ha ku xad gudbin il wareedkaasi.

Codadka warka lagu adkeeyo. (sound bites)

Codadka warka lagu adkeeyo waxaa loo isticmaalaa warbixin ka baxeysa Raadiyaha iyo sidoo kale wararka wakaaladaha oo laga dhigto xigasho toos ah oo qoraal ah si ay warka ugu ekeysiiyaan mid taagan laakiin hubso in ay quseeyaan ama ay qeyb ka yihiin warka kana geli meel ku habboon.

Tixraaca warka

Marka aad tebiso warka ama sheekadda, isku day in aad hesho jawaabaha ka dhalanaya warkaasi gaar ahaan war muhiim ah sida: (furitaan shir nabadeed, saxiixa heshiis xabad joojin) laakiin hubso in aadan gudbineynin aragti hal dhinac ah. Waa in aad isku deydaa in aad hesho aragtiyo is diidaya tusaale ahaan ( hoggaamiyo kooxeedyo kala duwan iskana soo horjeeda iyo bulsho rayid) si kale haddii loo dhigo

F.G: Mar kasta warkaaga ha ahaado mid dheeli tiran oo xaqiiqo ah sida ugu macquulsan.

Qaab dhismeedka warka

Waxaa maskaxdaada ku soo maaxaya xog fara badan ( sida, waxaad joogtaa shir nabad). Sidaasi daraadeeda, waa in aad xulasho sammeysaa, go’aan ka gaar waxa muhiimka ka ah warka aad heyso iyo waxa aan muhiimka ka aheyn, dabadeed warka aad dooneysid in aad gudbido.

Ogow war walba waxa uu leeyahay meel laga abaaro muhiimadiisa, ee isku day in aad fahamto muhiimada warka aad heyso, marka aad heshana faraha ku dhig oo ha sii deynin.

Ka dib warkaaga ku bilow madaxa hore ama midka hoggaanka u ah (lead), qeybta hore ee warkaaga waa in laga fahmi karaa jumlada wax sharxaya, sida kuma ayaa warka yiri? Warka la yiri maxuu yahay? Marka intaasi laga famayo warkaaga, raaci qeybta dambe ee faahfaahinta ah.

U dhis warkaaga sida saddex xagal la rogay, adiga oo warkaaga qeybta ugu muhiimsan soo horumarinaya, inta kale ee muhiimada yar gadaal mari.

La soco Qeybta 3aad iyo waa maxay wareysi?

By. Mohamed Abdi Farah

1 Response to " XAQIIJINTA WARKA KA HOR INTA AAN LA SIIDEYN "

  1. boqol says:

    waad ku mahadsantahay sida wanagsan sxb afgooye war bixino badan wan kaa sugeynaa thnks

Leave a comment