Xarun HMDC oo aad ugu xun falka xariga ah ee koox diimeedka Al Shabaab ay kula kaceen Wariye Cali Yuusuf ayaa ugu baaqday kooxdaasi in ay iska siidaayaan wariyaha.

stop jounXarunta Hayaan Media Development Center  (HMDC) waxay canbaaraynaysaa xariga koox diimeedka  Al shabaab ay kula kaceen wariye Cali yuusuf oo ka howl gala Idaacada Soomaaliweyn ee ku taal Magaalada Muqdisho

Wariyahaan ayaa lagu qabtay  Dagmada Walaweyn oo ka tirsan  gobolka Shabeelaha Hoose,waxana wariyaha xariga loo geystay xila uu ku guda jiray shaqadiisa,waxaana  kadib markii laqabtay loo waday magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose

Hayaan waxay aad u canbaaraynaysaa falkaan  ay ku dhaqaaqeen  Alshabaab,iyadoo falkaasna uu yahay mid ka soo horjeeda  xuriyada hadalka iyo madaxbanaanida saxaafada xorta ah

Xurunta Hayaan ayaa  war saxaafadeed ay ku canbaareynaso  tacadiga loo geystay wariye Cali yuusuf ka soo  saartay Xafiiskooda ku yaala Dalka Nederland gaar ahaan magaalada Utricht waxaana warsaxaafadeedkaas ku saxiixnaa afhayeenka Xaruntaas Bile Gurxan Axmed

Xarunta Hayaan Media Development   Center waxay ugu baaqaysaa maamulka Koox diimeedka Alshabaab ee ka arimiya degmada lagu xiray wariyaha inay siidaayaan isla markaasna  ilaaliyaaan madaxbanaanida Saxaafada,maadaama ay saxaafadu tahay mihnada kaliya ee loogu   adeego bulshada.

Hayaan Media Development Center HMDC.

Utrecht,Netherlands.

Leave a comment