Hayaan Media Development Center (HMDC) oo Hindise dhaxalgal ah ku tilmaamtay Ururka Hormarinta Fanka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed (SAAC)

culture2

Xarunta Hormarinta Saxaafada Soomaaliyeed ee Hayaan Media Development Center (HMDC) waxa ay halkaan ku muujinaysaa taageerada ay u hayso Ururka Hormarinta Fanka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yiraahdo (SAAC), waxaana ay ugu hambalyaynaysaa hogaanka Ururka fikirka wanaagsan ee ay soo bandhigeen iyo sida ay ugu heelan yihiin hormarinta iyo soo uruurinta Fanka iyo dhaqanka soomaaliyeed iyagoo waliba u maraya qaab nabadeed.

Agaasimaha Guud ee Hayaan Media Abdullahi Jama oo ka hadlay Ururka (SAAC) ayaa sheegay in uu la dhacsan yahay hamiga ku wajahan waxqabadka dhabta ah ee ay soo bandhigeen madaxda da,da yar ee Ururka Hormarinta Fanka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo ah fikir loo baahnaa oo waqtigiisa ku soo beegmay, waxa sidoo kale uu yiri “Fanka iyo Dhaqanka waa waxa ugu horeeya uguna muhiimsan ee bulshada Soomaaliyeed ay ku faani karaan meelkasta ay joogaan, waxaa sidoo kale dhihi karaan waa qaabka kaliya ee bulshada looga dhaadhicin karo hirgalinta Nabada waayo bulshadeena waa bulsho jecel Fanka iyo Dhaqanka”.

culture 1

Waxa uu intaasi ku daray in Ururada Noocaan ah ee isu xilqaamay hormarinta fanka iyo dhaqanka ay yihiin kuwa dhaxal gal ah loona baahan yahay in la wada taageero si ay u gaaraan hadafkooda, ka Hayaan ahaana waxa uu balanqaaday in ay diyaar ula yihiin qaabkasta oo ay u wada shaqayn karaan maadaama Saxaafada iyo Fanka ay yihiin laba mihnadood oo isquseeya.

Ugu danbayn waxa aan halkaan mahad gaar ah iyo hambalyaba ugu jeedinayaa dhalanyarada soo hinsisay Fikirkaan qaaliga ah iyo kuwa wakiilka ugu ah magaalada Nairobi ee lagu soo Bandhigay anigoo u rajaynaaya in ilaah uu la qarabgalo masuuliyda ay isu xilqaameen oo ah mid aanan sahlanayn.

Hayaan Media Development Center (HMDC).

Utrecht-Netherlands.

Leave a comment