Xarunta Saxaafada Yurub oo Bogeeda internetka ku cadaysay taageerada ay u hayso Suxufiyiinta Soomaaliyeed kadib markii dhowaan ay kulan la qaadatay Hayaan Media

 

GGGG

Xarunta saxaafada midowga Yurub ayaa bogeeda internetka ku soo bandhigtey taageerada ay u hayso Xarunta Hormarinta Saxaafada Soomaaliyeed ee Hayaan Media iyo sida ay diyaar ugu tahey in ay kala shaqeyso arimo badan oo ay ka mid yihiin radinta mashaariic hormarineed oo wax loogu qaban karo Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee wali ku dhex shaqaynaya mrxaladaha adag ee ka jira gudaha dalka soomaaliya iyo kuwa ku sugan qurbaha.

Xarunta oo soo xiganaysa kulankii dhowaan ay la qaadatey Aqaasimaha Guud ee Hayaan Madia iyo Isku duwaha  mashaariicda Geeska Africa Abdullahi Jama iyo Abdiweli Garyare  sida ay u kala horeeyaan ayaa sheegtay in ay ka go,an tahay sidii Xarunta Hayaan ay ugu mid noqon lahayd ururada ka muuqda masraxyada saxaafada aduunka si ay indhaha beesha caalmka ugu soo jiido dhibka amaandarada ah ee haytsa bahda saxaafada Soomaaliyeed oo ah caqabada ugu wayn ee hortaagan hormarinta warbaahinta wadanka geeska Afrika ee Soomaaliya.

waxaa sidoo kale ay sheegeen in ay sida ugu sahlan ee suuragalka ah ay ugu wada shaqayndoonaan kulamo dooda ah iyo aqoon iswaydaarsi oo ay ku kulminayaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa ku sugan wadamada dariska la ah Dalka.

Halkaan ayaa ka akhrisan gartaa Warbixinta uu Ururka European Journalism Center (EJC) ka soo saaray taageerida Ururka Hayaan Media  oo aad ka aqrisan kartaa dhamaan arimaha ay ka hadleen ee ku aadan taageerada ay u hayaan Xarunta Hayaan Media Development Center (HMDC)

Hayaan Media Development Center (HMDC)

Utrecht-Netherlands.

3 Responses to " Xarunta Saxaafada Yurub oo Bogeeda internetka ku cadaysay taageerada ay u hayso Suxufiyiinta Soomaaliyeed kadib markii dhowaan ay kulan la qaadatay Hayaan Media "

  1. Waxaan idin leeyahay Hambalyo Hambalyo Hambalyo, waa horumar weyn uu ku tilaabsaday Ururkan Hayaan Media,
    waxaan aad ugu faraxsanahay dadaalka dheeriga aad samaayseen, waana horumar loo baahnaa inay kusii tilaabsato bahda Saxaafada.

  2. Jamal Ahmd Osman says:

    Waa arrin wanaagsan, Waana wax lagu farxo go ahead Hayaan iyo dhamaan saxafiyiinta Soomaaliyeed meelkaste oo ay joogaan… Guul baan u rajeyn

  3. aad aya ugu farxay markaa arkay hayaan wayo manta saxaafda somalia oo ku kalahayaantay wadanka dibadiisa in laisku keeno waaye waxa na kufaraxsanahay dadaalka aad wadiin waayo manta saxaafada somalia waxa ay ku shaqeneesa ayadoo indha la taasi macnaheda waxa kwadaa saxafada somalia waxaa ay kujirtaa marxalad adag aad aya ugu faraxsanahay hayan medea noqda kuwii shaqo dhab ah layimaada warkaliya wax mataro shaqo muuqatana waloo bahan yahay

Leave a comment