Xarunta Hayaan Development Center oo aad ugu Xumaatey Weerarkii loo geystey Idaacadaha Gobolka Mudug.

gaalkacyo1

Maamulka iyo xubnaha Xarunta Hormarinta Saxaafada Soomaaliyeed ee Hayaan Media Development Center (HMDC) waxa ay si wada jir ah u cambaareynayaan weerarkii loo adeegsadey bambaanooyinka gacanta laga tuura ee habeenkii jimcaha loo geystey xarumaha Idaacaha ka shaqeeya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Weerarkaan ayaa waxaa loo geystey seddex xarumo Idaacadood oo kala ah Radio Gaalkacyo, Hobyo iyo Codka Mudug , iyadoo wararkana ay sheegayaan in halkaasi ay dhaawacyo ka soo gaareen qaar ka mid ah suxufiyiintii uu weerarka ku qabsadey Xarumahaasi.

Guddoomiya ku xigeenka Xarunta Hayaan Media Development Center Abdullahi Mohamed Hussein Taajirow oo muujinayey sida ay u dareemeen xanuunka uu leeyahey weerar noocaas ah oo lagula kacey warbaahin madax banaan ayaa sheegey in ay tahey wax laga xumaado oo dhabar jab ku ah xoriyada saxaafada badaxa banaan taas oo keeni karta in ay wada saameyso dhamaan xarumaha saxaafadeed ee ka howlgala gobolka.

Mr Taajirow ayaa ugu baaqey waxgaradka, odayaasha, aqoonyahada iyo ururdada bulshada rayidka iyo kuwa saxaafada ee ku sugan gobolkaasi in ay iska kaashadaan sidii wax looga qaban lahaa dambiilayaasha geystey ficilada xoriyad la dirirka ah ee ka dhacey Magaaladaasi Gaalkacyo.

waxa uuna ugu danbeyn caafimaad u rajeeyey Suxufiyiinta dhaawaca ka soo gaarey weerarkaasi, ka xarun ahaana waxa uu balan qaadey in ay ku howlan yihiin sidii lagu ogaan lahaa cidii ka danbeysey weerarkaasi iyagoo la kaashana shacabka degaanadaasi.

 

Hayaan Media Development Center.

News Desk.

Utrecht-Netherlands.

Leave a comment