Xarumaha Hayaan Media Development Center iyo European Journalism Center oo ka wada hadlay horumarinta Saxaafada geeska Afrika.

jaamac

Kulanka ay maanta yeesheen Xarunta Horumarinta Saxaafada Soomaaliyeed ee Hayaan Media Development Center  (HMDC) iyo Xarunta Horumarinta Saxaafada Midowga Yurub ee European Journalism Center (EJC) ayaa waxa ay si weyn uga hadleen qaabka ugu wanaagsan ee ay u wada shaqeyn karaan labadaasi xarumood.

Kulanka oo qaatay saacado ayaa waxa uu ka dhacay xarunta  EJC ay ku leeyihiin magaalada Maastricht ee dalka Netherlands, waxaa masuuliyiintii kulankaasi isku arkey  ee labada dhinac ay isla meel dhigeen ahmiyada ay leedahay in iskaashi buuxa la yeesho oo laga shaqeeyo horumarinta warbaahinta gaar ahaan kordhinta tayada suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku kala baahsan daafaha caalamka iyo kuwa weli ku shaqeeya daruufaha adag  ee gudaha Somalia.

garyare1

Aggaasimaha guud ee Hayaan Media Development Center Abdullahi Jama Ali  ayaa ugu horeyn ka warbixiyey xaaladaha adag ee dhinaca amaanka ee ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta ku sugan gudaha Somalia iyo baahida ay u qabaan in laga taageero horumarinta dhinaca xirfadahooda shaqo, waxaa sidoo kale uu ka hadlay qiimaha ay ka xarun ahaan ay u leedahay inay wada shaqeyn la yeeshaan ururka suxufiyiinta Midowga Yurub.

Maareeyaha sare ee mashruuca horumarinta warbaahinta ee EJC, Josh LaPorte ayaa aad u soo dhoweeyey warbixinta la siiyey isagoo ku amaanay Hayaan Media dadaalkeeda ku aadan horumarinta saxaafada Somalia, urur ahaana ay u arkaan inay muhiim u tahay xarun noocaani ah oo ka howlgasha gudaha Somalia iyo guud ahaan bariga Afrika.

“waxaan kaa shaqeynaa horuminta saxaafada Midowga Yurub, waxaana mashaariic ka sameynaa wadamo badan oo Afrika, balse Somalia nooma suuragelin amaan darida ka jirta awgeed, laakiin hada ka dib  waxaan noo muuqata fursad weyn mar haddii aan helnay urur shaqadiisa ay tahay horumarinta saxaafada awoodna u leh inuu mashaariic ka fulayo gudaha Somalia,” ayuu yir Mr LaPorte oo intaasi ku daray in barnaamijyo badan ay kala shaqeyn doonaan Hayaan Media Development Center, kuwaasoo ay ugu muhiimsan yihiin tababarada iyo kulamada caalamiga ah ee ka dhacaya qaarada Afrika iyo caalamka oo dhan.

Abdiweli Ibrahim Aden (Gareyare) oo ah isku-duwaha barnaamiyada geeska Afrika ee Hayaan Media oo ka mid ahaa masuuliyiinta kulankaasi goob jooga ka ahaa ayaa isna  sheegey  in haddii la helo iskaashi buuxa oo dhex mara Hayaan iyo suxufiyiinta Yurub ay fursad weyn taasi u tahay suxufiyiinta Soomaaliyeed oo kuwooda ugu tayada badnaa ay xaalada amaan iyo mid nololeed ay ku haysato wadamada deriska la ah Somalia.

Marjan Tillmans, oo ah ku xigeenka maareeyaha horumarinta mashaariicda ee EJC oo iyana kulankaasi hadal ka jeedisay ayaa balan qaaday in wixii mashaariic ah ee ku aadan geeska Afrika ay kala tashan doonaan Hayaan Media si loo abaaro baahida saxaafadeed ee rasmiga ee ka jirta gudaha Somalia iyo geeska Afrika.

Ugu dambey xarumahan ayaa si isku mid ah u cambaareeyey dilalka iyo xadgudubyada sii socda ee ka dhanka saxaafada madaxabanaan ee Somalia, iyagoo talo ahaan u soo jeediyey in la tixgeliyo xoriyada hadalka iyo warbaahinta madaxabanaan..

Hayaan Media Development Center.

Utrecht-Netherlands.

5 Responses to " Xarumaha Hayaan Media Development Center iyo European Journalism Center oo ka wada hadlay horumarinta Saxaafada geeska Afrika. "

  1. Marka hore, waxaan u hanbalyeynayaa Hayaan Medio, dadaalkooda ku aadan sidii ay mashaariic ugu heli lahaayeen suxufiyiinta soomaaliyeed, marka xigana waxaan si gaara u bogaadinayaa saaxiibadeyda gaarka ah ee howshaan isku xilqaamay, waxaana u rajeynayaa in uu ilaaheey ka dhigo kuwii dadaalkooda ka mira dhaliya, Hanbalyo, Hanbalyo, halkaana ka sii wada dadaalkiina, hana la arko wax qabadkiina, thanks all,

  2. Grote Feliciteren
    Waan idinku hanbalyeenayaa daadalka aad ugu jirtaan horumarinta saxaafada Somalia iyo suxufiyinta.
    Waxaan idin leeyahay meesha ka sii wada
    Dahir Ali Kamin

  3. asc wan idin salamay dhaman bahda saxafadda somlaiyed gar’ahan bahda isku howshay samata bixinta saxafadda tacdareesan daafaha dunida gar’ahan somliya, kenya iyo melo kale waxana ula jeeda bahdaas hayaan media hambalyo hambalyo hambalyo

Leave a comment