Guddoomiye ku xigeen Hay’adda HMDC Mudane,Abdulahi Maxamed Taajirow ayaa Saxaafada usheegay in Maanta gelinkii danbe loo magacaay Wariye Maxamed Yusuf Ahmed inuu noqdo iskuduwaha Mashaariicda Yurub ee Hay’ada Hayaan Media Development Center,waxaana uu intaasi ku daray inuu Wariye Maxamed Yusuf yahay wariye aqoon badan u leh ka shaqeynta howlaha maanta loo magacaabay.
Abdulahi Taajirow ayaa dhinaca kale ku daray in Xarunta Hayaan Media ku howlahan tahay wax ka qabashada kala daadsanaanta ku dhexjirta wariyayaasha Somaliyeed ee Yurub jooga iyo u qabashada Siminaaro lagu kordhinayo Aqoontooda Saxaafadeed,waxaana uu sheegay si taasi looga miro dhaliya loo baahan yahay in la magacaabo u qeybsanaha Hayaan Media ee Mashaariicda Yurub,isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri Guddoomiye ku xigeenka Hayaan Media Abdulahi Taajirow.

” Markii aanu fiirinay heli taan la’aanta Siminaarada sare loogu qaadayo Saxafiyiinta Somaliyeed ee Yurub,Markii aanu daraasad ku sameynay Xirir la’aanta joogtada ah ee dhextaala Wariyayaasha,arimahaasi iyo kuwa kale oo daba socda Horumarinta dhamaan Howlaha Warbaahinta Somalida ee Yurub ayaanu garowsanay in aanu magacowno Mas’uul howlahaasi oo dhan qabta,waxaana u garanay in Xilkaasi uu kasoo dhalaali karo Wariye aanu kalsooni weyn ku qabno inuu sidii uu wax ugu qaban lahaa saxaafada Somaliyeed oo dhan,kaasi oo ah Maxamed Yusuf Ahmed” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Hayaan Media Development Center.
Dhinaca kale Maxamed Yusuf Ahmed waxaa u si rasmi ah u aqblay Xilkaasi loo magacaabay,isagoona sheegay inuu ka shaqeyn doono dhamaan howlaha baaxada weyn ee loo magacaabay,waxaana uu sheegay in Hayaan Media ay horeyba u balan qaaday wax ka qabashada Baahiyaha Warbaahineed ee heysta Wariyayaasha Somaliyeed meelkasta oo ay joogaan,isagoo arintaasi ka sii hadlaya waxa uu yiri Maxamed Yusuf.

“Waa dhab inay howl baaxad weyn horyaalaan Hayaan Media oo dhan,Laakiin xilka aniga la ii magacaabayse waxaan filayaa inuu yahay xil leh culeyskiisa,sababtoo ah ma sahlana in Yurub wariyayaasha jooga oo dhan wax loo qabto,kuwaasi oo isugu jira kuwa Saxaafadii dhan kasii baxaya,kuwa wali aan baran Luqadaha wadamada ay joogaan iyo kuwa aan sharciyo ka qaadan dalalka ay amaanka kasoo doonteed,Laakiin aniga ahaan waxaan alle ka rajeynayaa iyo garab aan ka helo asxaabteyda kale ee igala shaqeyneysa Hayaan Media in aan wax badan ka qaban doono Xaaladaha Saxafiyiinta Somaliyeed ee ku nool Qaarada Yurub” ayuu yiri Maxamed Yusuf Ahmed.
Iskuduwaha Mashaariicda Yurub ee HMDC Maxamed Yusuf ah waa wariye ka mid ah wariyayaasha ugu caansan Dalka Somalia,waxaana uu mudo 4 sano ah ku nool yahay Dalka Swedan,isagoo horey uga soo shaqeeyey warbaahinta ka howlgasha Dalka Somalia,kuwaasi oo aan ka xusi karno Idaacada Codka Shacabka,Shabelle,Hornafrik,V.O.D.
Maxamed Yusuf Ahmed waxaa dhowr jeer oo hore uusoo gaaray Wadanka Netherlands oo ah halka ay ku taal Xarunta Hay’ada Hayaan Media Development Center,waxaana uu qeyb ka ahaa wariyayaal halkaasi isku dhaafsaday aragtiyo sida wax ay wax u qabsan karaan wariyayaasha Somaliyeed ee Yurub jooga,kuwaasi oo kasoo baxay Somalia kadib markii ay xaalado amaan usii wadan waayeen shaqooyinkoodii saxaafadeed,laakiin kulamadaasi uu Holland u yimid ayaa la dhihi karaa waxay qeyb ka tahay fikradaha lagu aasaasay Xaruntan Hayaan Media Development Center.
Hayaan Media Development Center “HMDC”
Utrecht,Netherlands.
A/s/c Marka Hore Gudomiyaha Mashaaricda HMDC Mudane Mohamed Yuusuf Ahmed, waxan Aad Ugu faraxsanahay Xilka Lomagacabay iyo In Uu Yahay Wariye Caqli Kagal ah Oona Kasobixikara Howsha Culus Ee Lodhiibay ,
Waxan Kalo Aan Aad Ugu Faraxsanahay Marba Marka kadanbeysa HMDC Hormarka Ay Kutalabsaneyso iyo Saxaafada Somaliyed
a/s/c dhaman aqristayaasha bogaan gaar ahaan howlwadenada hayaan media waxakaloo ad ugu farxay ninka lomagacabay G/mashaariicda HMDC mrmohamed yusuf ahmed runtii aqoon waxa uleeyahay dheeri ah waa nin aad uadag kana bixi kara xilkaan loo dhiibay waa wariye aad ufur furan masakax furan aqoon leh marka Gudoomiye wainaad kasoo baxdaa xilkani aad wax uqabataa saxaafadeena somalaia asc