SOMEPED ; ” Waa Urur loo baahdaa oo ku soo beegmey waqtigiisa” sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Hayaan Media Development Center(HMDC)

somped

Xarunta Hayaan ee Hormarinta Saxaafada Soomaaliyeed waxa ay soo dhoweyneysaa Ururka maanta looga dhawaaqey magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomalaiya laguna magac caawey Ururka Warbaahinta Nabada iyo Hormarinta Soomaaliyeed ee (SOMEPED), Xarunta waxa ay u aragtaa in loo baahnaa ururkaan islamarkaasna uu ku soo beegmey xili loo baahnaa maadaama inta badan ururada Saxaafada Soomaaliyeed ay ka dhisan yihiin dalka dibadiisa,

waxaan sidoo kale aan rajeyneynaa in uu noqdo mid ka dhabeeya hadafkiisa hormarineed ee dhinaca Saxaafada sida uu sheegey Xoghayaha Guud ee ururkaasi Mustafe Xaaji C/nuur oo aan u aragno in uu yahey Suxufi leh waayaragnimada iyo aqoonta lagu maareyn karo howlaha ururkaasi, waxaan sidoo kale kula talineynaa in uu muujiyo adkeysi iyo dulqaad dheeraad ah maadaama uu qaadey masuuliyad weyn oo ku aadan Nabadeynta iyo Hormarinta Saxaafada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Xarunra Hayaan Mohamed Abdi Farah (Afgooye) oo ka hadlayey argtidiisa ku aadan SOMPED ayaa yiri : Waa Urur loo baahna oo ku soo beegmey waqtigiisa” waxa uuna intaasi ku darey oo uu yiri : ka Hayaan ahaan waxaan qabnaa in ay tahey wax wanaagasn oo lagu farxo in Urur wata hadafka noocaan ah islamarkaana ay wadaan Suxufiyiin nagu weyn uu ku soo biiro masraxa Saxaafada taas oo muujineysa in Suxufiyiinta ay u taagan yihiin hormarinta mihnadooda saxaafadeed iyo ka qeyb qaadashada nabadeynta dalka dagaalada ay halakeeyeen ee Soomaaliya.

 

Hayaan Media Development Center.

Utrecht-Netherlands.

Leave a comment