
Hayaan Media Development Center (HMDC) waxa ay shaacinaysaa in ay magacowday Maareeyaha u qaabilsan fullinta Mashaariicda ay Xarunta ka samayndoonto gudaha dalka Soomaaliya, waxaana ay u magacowday Mustafa Xaaji Cabdi Nuur oo ah Xoghaya Guud ee Ururka Warbaahinta Nabada iyo Hormarinta Soomaaliyeed ee Somali Media for Peace and Development (SOMEPED).
Xoghayta Xarunta Hayaan Media Shaadiya Muxumed Cabdi oo soo bandhigtay magacaabista Mustafa Xaaji ayaa sheegtay in maanta uu ku soo biirey Suxufi karti iyo aqoonba u leh fulinta mashaariicda islamarkaasna kaga filnaandoono howlaha laga samayndoono gudaha dalka,maadaama xubnaha ugu badan ee Hayaan Media ay ku nool yihiin dalka Dibadiisa.

“Waxaan maanta dhihi karnaa in Hayaan ay joogto Magaalada Muqdisho ee xarunta Dalka iyo gobolada kale oo dhan, waxaana taas ay muujinaysaa in Hayaan aysan ahayn qurba joog oo kaliya balse ay ka mid yihiin Suxufiyiinta Tirada yar ee nafsadooda u huraya u shaqaynta dalkooda iyo dadkoodaba” sidaasi waxaa tiri Xoghayta Hayaan Media Shaadiya Muxumed waxaana ay intaasi ku dartey in sidoo kale ay Shaacindoonaan wakiilada wadamada kale ee Yurub iyo kuwa dariska la ah dalka soomaaliya”.
Xoghayta ayaa sidoo kale sheegtey in ay Ururka uu Xoghaya Guud ka yahey Mustafa Xaaji (SOMEPED) ee Dhowaan looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho uu ka mid noqday Ururada ay Hayaan Media la yeelatay wadashaqaynta dhinaca Hormarinta Saxaafada Soomaaliyeed.
Dhinaca Kale Shaadiya waxa ay wax laga xumaada ku tilaamtey ugaarsiga wali lagu hayo Suxufiyiinta Soomaaliyeed, waxaana ay ugu baaqdey dhamaan dhinacyada ku lug leh siyaasada aanan jihada laheyn ee soomaaliya in ay tixgaliyaan Xoriyada Saxaafada islamarkaasna ay ay kala shaqeeyaan Sidii loo hormarin lahaa Saxaafada Soomaaliyeed.
Mustafa Xaaji Cabdinuur waxaa uu ka mid yahay Suxufiyiinta ugu caansan dalka iyo Dibadaba, waxa uuna ka soo shaqeeyey Idaacado ay ka mid yihiin DMC, STN, Shabelle, Simba iyo Wakaalada wararka caalamiga ah ee AFP, iyadoo dhowaana uu ku guulaystay Abaal marin Saxaafadeed oo heer caalami ah oo ay magaalada NewYork ku guddoonsiisay Hay’ada Caalamiga ah ee (CPJ).
Hayaan Media Development Center.
Breda-Netherlands.
Marka hore waxaan aad ugu hambalyeynayaa howsha baaxadda leh ee ay ku talaabsatay Hayaan Media Development, aniga oo ku kalsoon kartida hogaanka hayaan waxaan rajeynayaa in ay howsha sii laba laabaan dhawaana horumar la taaban karo ay u horseedaan dhamaan bahda saxaafadda soomaaliya oo waayadan dambe ay ragaadiyeen kooxo mooryaan saxaafadeed la dhihi karo oo aflagaadada un magaca ku raadiya. marka xiga waxaan aad ugu hambalyeynayaa sxbkey Mustafa Xaaji Cabdi Nuur, waxaan leeyahay xilkaas weyn ee mustaf loo dhiibay alaha la garab galo waana hubaa in uu ka soo dhalaali doona.
waxaan ugu baaqayaa dhamaan bahda saxaafadda in ay u istaagaan horumarinta mihnadoda oo ay iska daayaan tafaraaruqa.
waxan aad usoo dhaweynayaa Hormaraka weyn ay Ku Talabsatay Hayaan Media Developmen,Iyo sido kale sxbkeyga Mustafa Xaji Cabdi Nuur, xilka Loo Xilsaray In uu Illah Lagarab Galo ,Saxafada somaliya Hor Mar Ay Gaarto