Qoraal kasoo baxay Hogaanka Sare ee Hayaan Media Development Center “HMDC” ayaa lagu taageeray Doorashadii shalay Hogaanka Sare loogu doortay Ururka Wariyayaasha Jubbooyinka ee marka Magaciisa la soo gaabiyo uu yahay “JIJA” .

Shalay aheyd aheyd markii Doorasho si weyn looga shaqeeyey ay ka dhacday Hotelka Barakaat,taasi oo ay ujeedadeedu aheyd sidii Maamul wada jir ah ay ugu sameysan lahaayeen Wariyayaasha ku Midoobay Ururka JIJA,waxaana halkaasi isku soo sharaxay Laba Musharax oo lagu kala magacaabo Abdikhadar Filibin iyo Cali Yaasiin Gurbi oo xubno ka ah Ururkaasi.

Waxaa goobta joogay Xildhibaano,Wariyahaal,Haween,Odayaasha Somalida oo dhamaantood ahaa goobjoogaal u diyaarsanaa la socoshada qaabka ay doorashadaasi u dhaceyso,Waxaana Hay’ada Hayaan Media Development Center “HMDC’ ku tilmaantay qaabkaasi qaban qaabada iyo iskudayada ay wariyayaasha JIJA ku doodanyeen in si Caalami ah doorashooda u dhacdo mid mudan in lagu daydo,maadaama ay tahay mid lala xiririn karo qaabka Doorashada xorta ah ee ka jira Dunida horumartay.
Waxaa halkaasi lagu doortay inuu Guddoomiye ka noqdo Musharixii Cali Yaasiin Gurbe,kaasi oo ay codkooda badi siiyeen wariyayaasha ku bahoobay Ururka JIJA ee kala jooga gudaha Dalka Somalia iyo Dibadaba,Halka Musharixii kale ee la tartaramayey uu bilowgii hore ee doorashadaba ku dhawaaqay inuu xilkii Guddoomiyenimo ka Tanaasulay.

Dhinaca kale Waxay Hayaan Media bogaadin u direysaa Guddoomihii hore ee Ururkan isla markaana ahaa Guddoomiyihi gudiga qabanqaabada Doorashadan Yaxye Jama Samatar,kaasi oo muujiyey Dulqaad iyo Karti ilaa uu maanta soo gaarsiiyey Ururka inuu Doorasho xaqa galo iyo inuu xilkii halkaasi ku wareejiyey,isagoo waliba muujiyey inuu la shaqeeyo Maamulka cusub ee xilkaasi laga wareegay.

Hayaan Media Developmenta Center”HMDC” oo ah Xarunta Horumarinta Warbaahinta Wadamada Geeska Africa oo ay Somalia ku jirto ayaa waxa ay soo dhaweyneysaa Maamulka cusub ee uu yeelay Ururkaasi JIJA,iyadoo sidoo kale balan qadeysa inay la yeelan doono wada shaqeyn buuxda oo ku wajahan wax ka qabashada iyo ka taageerida Howlaha Baaxada leh ee horyaalada ururkaasi.
Maadaama Hayaan Media ay ku wajahan tahay Horumarinta Warbaahinta Somalia iyo Difaacida wariyayaasha Somaliyeed ee ku sugan Somalia,Waxaan Ururka JIJA u balan qaadi doonaa in aan isaga kala xiriri doono dhamaan howlaha Hayaan Media ee ku wajahan Gobolada uu Ururkaasi ka dhisan yahay.

Hayaan Media ayaa horey waxaa ay xiriri wada shaqeyn la yeelatay oo sidan oo kale ah Urur Somaliya Warbaahinteeda ka shaqeeya iyo Kuwa Dunida horumartay,kuwaasi oo kala ah Marka Somalia laga hadlayo NUSOJ,SOMEPED,MAP iyo JIJA oo Maanta Hogaankooda sare la dhisay,Halka Caalamkana aanu xirir dhaw la leenahay Ururada kala ah,EJC,PRESSNOW oo labaduba fadhi ku leh Wadanka Holland.
Hadafka Hayaan Media ahaa ah so dhaweynta iyo wax wada qabsiga dhamaan Hay’adaha iyo Shaqsiyaadka ka shaqeeya Horumarinta Warbaahinta Somalia iyo mida Aduunkaba.
Sawirada Doorashadii Hogaanka JIJA:-








