
Xarunta Hayaan Media Development Center(HMDC) oo ah Xarun Saxaafadeed oo fadhigeeda uu yahey Dalka Netherlands, waxa ay soo dhoweyneysaa fikirka dhaxalgalka ah ee “Mascud Talk Show” oo ay u aqoonsatey in uu yahey kii ugu horeeyey ee ebed ka soo maaxdey suxufi soomaaliyeed oo waliba da,yar.

waa barnaamij muhiim u ah umuda soomaaliyeed meelkasta ay joogaan kaas oo isu keeni kara fikirada kala duwan ee dadka ay kala aaminsan yihiin islamarkaasna ay kula jaanqaadi karaan hormarka dunida ay ka gaartey tabinta barnaamijyada sidaan oo kala ah waxaa sidoo kale waxa uu noqonayaa madal ay ku kulmaan dhamaan suxufiyiinta soomaaliyeed ee amaandarida awgeed ugu soo cararey gudaha dalka.
‘Suxufiga Fikirka keeney ee Maxamed C/nuur Mascuud waa Suxufi da,yar oo ka shaqeysiiyey maskaxdiisa kadibna ku guuleystey in taariihkda saxaafada soomaaliyeed uu ku soo kordhiyo fikir weyn oo jiridoona waligiis’ sidaasi waxaa yiri Abdullahi Jama oo ah Aqaasimaha guud ee Xarunta Hayaan Media Development Center, waxa uuna intaasi ku darey in maanta barnaamijkaas uu yahey barnaamij ay leeyihiin suxufiyiinta soomaaliyeed loogana baahan yahey in ay kala shaqeyaan Macud sii socoshada barnaamijka hadii ay ahaan laheyd talo iyo waxqabadba.

‘hambalyo ayaan leeyahey Mascud anigoo sidoo kale ugu hambalyeynaya asxaabta kale ee suxufiyiinta ah ee taageeradooda qaaliga ah ku soo bandhigey xafladii furitaanka, waana wax nalooga baahan yahey dhamaanteen in aan taageerto fikirada noocaan ah ee dhisaya sumcada suxufiyiinta soomaaliyeed, Mr Jama ayaa ugu danbeyn ku soo gabagabeeyey hadalkiisa in Xarunta Hayaan ay taageerakasta ee suuragal ah ay diyaar ula tahey sidii barnaamijkaas uu u gaari lahaa ilaa heerka ugu wanaagsan ee macquulka ah.
Hayaan Media Development Center.
News-Desk.
Utrecht Netherlands.