Sanadkii 2009 waxa uu ahaa sanad madoobaa oo ay ka buuxeen murugo ka dhalatay dhimasho, barakac, xarig iyo fawdo ka dhana suxufiyiinta iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin sanadeedka uu soo saaray Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ. Sanadkaasi oo qura, waxaa la dilay 9 suxufi kuwaasoo ku guda jiray howlahooda saxaafadeed ama uu ku dhacay weeraro bahalnimo ah oo ay qaadeen cadowga saxaafadda xorta ah, taasoo ka dhigaysa Soomaaliya wadanka ugu khatarta badan suxufiyiinta qaarada Afrika.
Sida lagu sheegay warbixinta sanadkii tagay ee 2009-ka, isu-geyn 12 suxufi ayaa lagu dhaawacay halka 15 kalena lagu xiray weeraro qorsheysan islamarkaana isku xiran oo ka dhan ah saxaafadda dalka geeska Afrika ku yaala ee Somalia. 100 kale oo suxufiyiin ah ayaa loogu hanjabay in la dilayo sababo la xiriira howsha saxaafadeed ee ay ku jiraan. Warbixinta sanadlaha ah ee ku saabsan xadgudubyada ka dhanka ah xoriyada saxaafada xorta ayaa ah mida loogu kalsooni badan yahay ee kasoo baxda dalka Soomaaliya, marka la eego sida ay uga hadasho xaalada ay ku sugan tahay xoriyada saxaafadda iyo xaquuqda suxufiyiinta ayaa waxaa ay ka waramaysaa gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland.
Warbixinta ayaa sanadkan waxa si aad ah uga hadlaysaa dhimashooyinka iyo dhaawacyada loo geystay suxufiyiinta iyo xariga iyaga lagu sameeyey iyo sida boobka iyo burburka loola beegsaday xarumaha warbaahinta isla markaana sida joogtada ah ee dilka loogu hanjabayo, taasoo mararka qaar dhalisay in suxufiyiin badan ay u soo cararaan dalalka deriska cabsi ay ka qabaan in la dhaafiyo noloshooda. “2009-kii waxa uu noqday sanad dhibaato iyo walwal badan oo ay dhaceen waxyaabo argagax leh iyo mowjado dilal fool xun, xarig, hanjabaado dil iyo cabsi gelin ka dhana suxufiyiinta, kuwaasoo gaaray heerkii ugu sareeyey oo aanay jirin wax lala barbardhigo inta la og yahay taariikhda saxaafada Somalia,” ayaa lagu sheegay qeyb ka mida Warbixinta Sanadlaha ah ee ka hadlaysa xadgudubyada ka dhanka xoriyadda saxaafadda.
Cadaadiska iyo xaasidnimada sii socota waxa ay galaafteen nolosha maamulayaal warbaahin, weriyayaal, sawir-qaadayaal iyo filim-qaadayaal kuwaasoo dhamaantood u shaqeeya qeybaha kala duwan ee warbaahinta, waxaana sidoo kale arrimahaasi ka dhashay weeraro lagu dhaawacay tiro badan oo suxufiyiin ah laguna xiray kuwo kale, sida ay sii sheegtay warbixinta cinwaanka looga dhigay “Dagaalka ka Dhanka ah Saxaafada Soomaaliya: Dimasho, Barakacin iyo Walbahaar”. Todobo ka mid ah sagaalka suxufi ee la dilay sanadkan ayaa lagu dilay magaalada Muqdishu halka labada kale lagu kala dilay magaalooyinka Afgooye iyo Beledweyne. “Rasaasta kuwa dadka dila ayaa waxaa ay la dhacayaan suxufiyiinta taasoo dhalisay dil arxan daro ah halka carada dhinacyada dirirsan ayaa si isa soo taraysa lagala dul dhacayo suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahinta sababo la xiriira wararka ay ka sameeyaan dhacdooyinka iyo arrimaha kale ee ku taxaluqa xaaladaha siyaasadeed iyo amaan,” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cismaan, Xoghayaha Guud ee NUSOJ.
“Taariikhda Somalia, 12-kii bilood ee la soo dhaafay waxay ku dhamaadeen marxaladii ugu madoobeed uguna halista badneed ee saxaafada dalka soo marta. Shaqada iyo nolosha suxufiyiinta waxa ay noqotay mid aan qiimo laheyn oo aan muhiim aheyn halka weerarada ka dhanka ah suxufiyiinta ay iska sii socdaan. Badi dadka geysta dilalka waa la yaqaan laakiin ma jirto cadaalad lagu xaal mariyo dhibanayaasha,” ayuu sii raacsiiyey Cumar Faaruuq hadalkiisa. Marka laga soo tago dilalka beegsiga leh, xirfadlayaasha saxaafadda ayaa waxaa sidoo kale lagu dhibaateeya aagaga dagaalka. Dhinacyada diriraya ee koonfurta Soomaaliya ayaa u arka, suxufiyiinta xirfada leh ee u go’ay inay daboolka ka qaadaan runta, in ay yihiin kuwa laba weji ku shaqeynaya ama kuwa la jira kooxaha kacdoonka. Suxufiyiinta ka howl-gala koofurta Soomaaliya ayaan dooneyn inay u talaabaan deegaano badan oo koonfurta ah cabsi ay u qabaan amaankooda dartiis. Tani waxa ay deegaanadaasi daah ka saartay wararka una ogolaatay in falalka aan la sheegin ee arxan darada ah ee ka sii socda inaan la tabin. Suxufiyiinta ayaa khataro badan kala kulma marka ay safrayaan aagaga ay ka jiraan wararka dhabta ah ee u baahan in la soo tabiyo.
Iyadoo ay jiraan dhamaan tirooyinkani xanuunka badan ayaa su’aasha waxa ay tahay maxay tahay sababta saxaafadda Soomaaliya loo bartilmaameedsanayo. “Weerarada dhimashada leh ee lagu hayo saxaafadda ayaa waxay u dhacayaan sabab ah saxaafadda oo si xoog leh u dooneyso in ay si xirfad ku jirto oo madax-banaan u waranto iyo diidmadooda ah inay raacaan u hogaansamaan maamulada jira iyo kooxaha mucaaradka, kuwaasoo la yimaado dhaqamo arxan daro ah oo keenaya qalbi jabka,” ayuu yiri Cumar Faaruuq. Dhimashada ku timaada dadka u shaqeeya warbaahinta, hanjabaada, dhaawaca ayaa ku qasbay suxufiyiin badan inay dalka isaga baxaan ama ay ku barakacaan gudaha dalka halka kuwo kale oo ku sugan gaar ahaan gobolada koonfurta iyo bartamaha lagu qasbay inay maraan faaf-reeb waxa ay tabinayaan.
Suxufiyiin badan oo ku sugan Muqdisho, Bayadhabo, Jowhar, Kismaayo iyo Beledweyne ayaa dhibaato ku qaba waqtigii ay baari lahaayeen wararka laga helayo kooxaha hubeysan. “Xarumo badan oo warbaahineed ayaa ku ekaaday inay soo daayaaan barnaamijyo madadaalo ah oo kaliya ay isaga hareen sheegista wararka iyo barnaamijyada taagan,” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cismaan. Amaanka shaqsiyadeeda ee weriayaasha leh xirfada warbaahineed ee Puntland ayaa noqotay arrin dab ku shidan yahay. Cadaadisyo muuqda oo ka dhana warbaahinta ka jirta Puntland ayaa ah kuwo si wanaagsan loo agaasimo. Iyadoo si nabadgalyo ah awooda loogu wareejiyay madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa haddana waxaa caadi noqday oo sii socda weeradada iyo caga-jugleynta lagu hayo saxaafada gobolada waqooyi bari ee Soomaaliya. Puntland, ku xadgudub xuquuqda shaqsiyadeed iyo si xun u adeesiga sharciga ayaa sababay inay si aad ah u kordhaan weerarada ka dhanka ah warbaahinta.
“Suxufiyiinta ayaa lagu eedeyaa inay halis ku yihiin amaanka ayna fidiyaan dacaayado ka dhana hogaamiyayaasha Puntland. Wararka xasaasiga ee madaxa banaan ayaa lagu asteeyaa inuu khatar ku yahay amaanka iyo xeerka sharciga iyo sharafta hogaamiyayaasha,”. Suxufiyiinta ayaa ka cawday tixgelin la’aan kaga timaada destuurka Puntland ee ay soo bandhigaan booliska iyo sirdoonka Puntland. Intii lagu guda jiray sanadkii 2009-kii, caburin iyo qalalaaso ka dhan ah warbaahinta Somaliland ayaa sii socday oo sii lixaadsaday. Cadaadiska ayaa gaaray meeshiisii ugu sareysay intii lagu guda jiray xiisadahii doorashada markaasoo masuuliyiinta iyo taageerayaashooda Somaliland ay sii xoogeysteen inay ku tuntaan suxufiyiinta ka hadlay warar aysan jecleysan. “Dembiyadii dhacay sanadkii la soo dhaafay ee ka dhanka ahaa suxufiyiinta ayaa ah kuwo weli joogta ah oo aan ka go’in xasuusteena iyo tan suxufiyiinta adduunka taasoo ah inaan sii laba laabno dadaalkeena ku wajahan la dagaalanka cadaalad-darada iyo fowdada aan macnaha laheyn. Waanu sii wadi doonaa halgankeena si loo helo isbadel, loo xaqiijiyo xushmad la siinayo xaqa warbaahinta iyo ilaalinta suxufiyiinta,” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cismaan.
Cumar Faaruuq waxa kale oo ku dhawaaqay inay sii wadi doonaan inay ugu baaqaan dowladaha iyo sidoo kale saaxiibada caalamka iyo kuwa gobolka inay qaadaaan talaabo deg dega oo ay ku joojinayaan hirarka dembiyada dhacaya laguna cadaadiyo masuuliyiinta gudaha si ay u aqoonsadaan ayna u fuliyaan waajibaadka ka saaran dhowrista xaquuqda aadanaha. “rabitaankeenu waa mid cad – waxaanu sii wada doonaa inaan isku soo aruurino suxufiyiinteena, maamulada warbaahinta iyo ururada bulshada rayidka si loo raadiyo cadaalad, kana hortagno ficilada caburinta leh, oo aan magacowno isla markaana ceebeeno kuwa fowdada ka dhanka ah saxaafadda wada iyo in cod la siiyo dhamaan suxufiyiinta gaar ahaan kuwa ku nool kuna shaqeenaya xaaladaha cadaalad darida, cabsida iyo cadowtooyada joogtada,” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cismaan.
Mohamed Abdi Farah “Afgooye”
Utrecht,Netherlands.
waa wax laga xumaado in sabab la,aan loo laayo waxgalka bulshada,suxuufi,aqoonyahan,shacab,siyaasi,sheikh,ganacsade etc.in kastoo somalinimadu yaraatay, qaranimo diidka ne ka buuxaan inta aan kor ku xusay.Hadane waxaad moodaa,in suxuufinimadu ay noqotay NGo,oo cid walba waxa ay rabto ku hadasho.mid ay dhab ka tahay in uu daacad u noqdo shaqadiisa,mid rabo in uusan aqoontiisa suxuufi ee ku saleysan,qibradii iyo waayo aragnimadii dagaaladii sokeeye kala jaanqaaday,in bulshaweynta soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan ,shaqsi,siyaasi,ganacsade,aqoonyahan,lagu aflagaadeeyo websiteyada ama idaacadaha,taas oo sabab u tahay aqoonla,aanta anshaxa saxaafada.balse mar un lala tiigsantoono sharciga saxaafada caalamiga.gaar ahaan kuwa ku sugan wadamada horeyumarey ama The developed world. waxaan ka codsaneynaa in dowlada ku meel gaarka ah,gaar ahaan wasaarada warfaafinta, ay talaabo ka qaado,ku wa ku qaraabto saxaafada.aqoon ama qibrad saxaafad na macad uga soo bixin. Mudane. cumar faaruuq, waxaan u sheegi lahaay in dhibka ka dhacaayo wadanka ay cid waliba ogsoon tahay, balse looga baahan yahay,daladiisa ama hayadiisa,in uu xooga saaro siduu u mideyn lahaa,suxuufiyiinta.maalmahaan sheegashadooda soo badatay,suxuufinimadu waa aqoon.ma ahan wax cid walba sheegan karto,tirakoob dhab ah na lagu sameeyo,shaqsi kastone aqoontiisa iyo qibradiisa suxuufinimo,lagu xishmeeyo,doorashooyin xor ah na la sameeyo.sidaas ayaa Qaranka ummadda soomaaliyeed ,mid africa iyo mid caalamiba lagu matali karaa. Qolooyinka suxuufinimada ka beensheegane laga qabto shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.mahadsanidiin.