Aragtida Hayaan Media Development Center ee ku aadan Xaalada Suxufiyiinta Soomaaliyeed

 

gataaaaaa

Xarunta Hormarinta saxaafada soomaaliyeed ee Hayaan Media Development Center(HMDC) waa Xarun saxaafadeed oo la aasaasey bishii Febraayo ee sanadkii 2009 si loo hormariyo islamrkaasna loo difaaco xuquuqda saxufiyiinta soomaaliyeed meel kasta ay dunida ka joogaan iyadoo la ilaalinayo xeerarka caalamiga ah ee saxaafada iyo dhaqanka soomaalidaba.

 

Ujeedada laga leeyahey mahan in wax faa,ida ah laga helo ama shaqsiyaad gaar ah loogu edeego ee waa in ay u sinnaataa dhamaan suxufiyiinta soomaliyeed ee u diyaarsan in ay hormariyaan aqoontooda saxaafadeed islamarkaasna u baahan in laga taageero dhinacyada qalabka warbaahineed ee u sahla waajibaadkooda saxaafadeed.

 

xarunta ma ahan mid ku kooban suxufiyiinta aasaasey ee waa mid albaabadeeda ay u furan yihiin suxufi kasta ee wax ku soo kordhin kara.

Marka aan intaas ugu gudubno hordhaca ku aadan Xarunta Hormarinta Saxaafada Soomaaliyeed ee Hayaan Media Development Center waxaan halkaan ku soo bandhigeynaa halka aan ka taagan nahey iyo sida aan u aragno dhaliilaha loo soo jeediyo saxaafada soomaaliyeed ama ay iyaga isu jeediyaan.

 

Dhaliilaha loo soo jeediyo saxaafada ama ay iyaga isu jeediyaan.
 
 
Dhaliilaha loo soo jeediyo saxaafada soomaaliya waxaa ka mid ah in wixii ka danbeeyey markii ay bartilmaameyd u noqdeen dhinacyada isku haya arimaha soomaaliya ay bilaabeen dhismaha ururo fara badan oo saxaafadeed kuwaas oo dhamaantood is wada mucaaradsan waa sida ay qabaan dadka saxaafada aanan ku jirin ee dhaliila habdhaqanka suxufuyiinta.

Anaga ka Hayaan ahaan waxaan aaminsan nahey in suxufikasta ama suxufiyadkasta ay la soo shirtagi karaan waxa ay karaan hadii ay ahaan lahaayeen urur ka shaqeynaya arimaha saxaafada oo ay dhistaan ama hindisayaal kale oo ku aadan dhinaca saxaafada, waxaana fikirkaasi aan u aragnaa in uu yahey iskudey wanaagsan oo mudan in la soo dhoweeyo laakiin ururka ama hindisaha waa in uu wataa magac cusub oo aanan aheyn magac horey ay u qaateen suxufiyiin kale, waxaana sidaas u leenahey si looga fogaado isku dhac iyo isqabqabsi ku aadan magacyada isku midka ah.

 

waxaan sidoo kale halkaan ku cadayneynaa islamarkaasna aan soo dhoweyneynaa in suxufiyiinta ay bilaabaan tartan saxaafadeed oo ku saleysan Aqoon,karti,waaya aragnimo, howlkarnimo,dulqaad,waxqabad iyo fikrad wanaagsan oo lagu kala dheereyn karo laguna qiimeyn karo suxufigii ama ururkii la imaada taas oo aan aaminsan nahey in ay meesha ka saareyso eedaha ay suxufiyiinta isu jeedinayaan.

 

waxaan si weyn ugu soo horjeednaa been abuurka, aflagaadada iyo eedeymaha joogtada ah ee ka dhanka ah xeerarka iyo anshaxa saxaafada iyo waliba is abaabulkasta ee u muuqda in lagu duminaayo ururada saxaafadeed ee jira.

 

Been abuurka iyo Aflagaadada waa xadgudub weyn oo uusan sameyn karin qof suxufi ah, suxufigii sameeyana ama horey u sameeyey waa wax u diiwaan gashan oo aan la isaga hareynin anagoo waliba la kaashaneyna ururada saxaadeed ee dalka iyo kuwa caalamiga ah si loo soo afjaro dhaqamada noocaas ah, waxaana ka codsaneyna suxufikasta ama ururkasta in uu nagala shaqeeyo sidii loo heli lahaa cadaymo ku aadan suxufiyiinta ku kacey dhaqamada noocaas ah.

 

Hayaan Media Development Center iyo Ururada kale ee Saxaafada.
 
ttttttttttttttttt
Xarunta Hayaan waa xarun saxaafadeed oo ka madax banaan dhamaan ururada saxaafadeed ee soomalida waxa ayna dhamaan ururadaasi u aragtaa in ay yihiin ururo wata howlahooda u gaar ah ee ku aadan saxaafada mana jirto wax dhib ah oo ay ku qabto jiritaanka ururadaasi.

Hayaan waxa ay ogoshahey in ay wadashaqeyn la yeelato urur kasta ee ka shaqeeya arimaha saxaafada soomaaliyeed, waxaana ilaa iyo hada ay wada shaqeyn la leedahey Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee ”NUSOJ” oo ay u aragto in uu yahey ururka kaliya ee buuxiyey booskii caalamka ay ku lahaayeen Suxufiyiinta Soomaalida.

 

Aragtida Hayaan ee ku aadan NUSOJ.
 
 
Nusoj waa ururkii ugu horeeyey ee u istaagey in uu ka shaqeeyo arimaha saxaafada soomaaliya kaas oo markii la aasaasayey lagu bilaawey contrabution ay sameeyeen suxufiyiin soomaaliyeed oo isu tagey, dadaal iyo waxqabad badan kadibna ku guuleystey in uu buuxiyaan booskii caalamka ay ku lahaayeen suxufiyiinta soomaalida.

waa la dhaliili karaa, waana la badali karaa lakiin waa in loo maraa nidaam waafaqsan sharciga saxaafada balse Anaga Hayaan ahaan waxaan ka soo horjeednaa in Urur jira ilaa heerkaasna ka gaarey saxaafada soomaalida iyo mida caalamka in lagu eedeeyo waxyaabo aanan cadeyntooda la soo bandhigi karin iyo in laga sameeyo qoraalo been abuur ah oo meel looga dhacaayo shaqsi ka mid ah Ururkaasi, in Urur la macaarado ama dhaliilihiisa la soo bandhigo ma ahan in la weeraro shaqsiyada qof ka mid ah hogaanka Ururkaasi.

 

Mida kale hadii la damco in la sameeyo Urur lagula tartamaayo Nusoj waa wax fiican waayo tartanka waan aaminsanahey laakiin waa in lala yimaadaa magac kale iyo waxqabad muuqda oo looga hormari karo ee mahan in Ururka iyo hogaankiisa laga dhamaan waayo ilaa heer laga been abuurto.

 

waxyaabahaas oo kale mahan wax aad wax ugu dhimi kartaan qofka aad la tartameysaan ee asaagiina ah ee waa wax aad ku dhisaysan sumcadiisa adinkana aad isku bahdilaysaan.

 

Guuxa Suxufiyiinta.
 
 
Guuxa suxufiyiinta waxaan ula jeednaa in ay maalmahaan soo baxayaan warar sheegaya in la damacsan yahey in la sameeyo urur saxafadeed oo wata magaca suxufiyiinta qaranka iyadoo ururkaasina uu hoostagayo wasaarada warfaafinta dowlada kumeelgaarka ah.

Arintaas waxaan u aragnaa in ay tahey mid ay wax ka qaldan yihiin waayo wasaarada waa afhayeenka dowlada, ururkii hoostagana waxa uu ka mid noqonaa afhayeenada dowlada ee ma noqonaayo urur saxaafadeed oo badax banaan.

 

Ugu danbeyn waxaan mahadweyn usoo jeedineynaa dhamaan asxaabta suxufiyiinta ah ee ku guuleytey in aysan ku lug yeelan been abuurka iyo eedeymaha aanan cadaymaha loo heynin ee waayadaan la wadwado, waxaana ka codsaneynaa in laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa isfaham iyo tartran aqoon ku saleysan oo ka dhex sameysma dhamaan bahda saxaafada soomaaliyeed.

 

Abdullahi Jama Ali.

General  Director of Hayaan Media Development Center
 
 
  
   

 

 

 

 

2 Responses to " Aragtida Hayaan Media Development Center ee ku aadan Xaalada Suxufiyiinta Soomaaliyeed "

  1. Farax says:

    waa wax lala yaabo in Saxaafadii xitaa uu gaaray dabkii foosha xumaa ee ka jiray Somalia ee ku dhisnaa Been abuurka iyo Aflagaadada iyo xitaa wax isku quurid laáanta umadeena daashatay 20 kii sano ee la soo dhaafay.

    Ma filayo in saxaafada wadada cad qabsan doonto inta ay ku dhex jiraan Dadka Fowdada ku dhexwadaa ay iska qabanayaan. Hayaan Media iyo NUSOJ waxaan leeyahay Guuleysta isla markaana noqda Astaan dhinaca Horumarka Saxaafada looga hadaydo.

    Laakiin taasi dadaal badan ayey u baahan tahay,Hadase Saxaafada CEEBTEEDA ayaan aragnaa haddii aan nahay Bulshada Somaliyed,mardhaw waxaa dhici karta in Saxaafada Somalida oo dhan waxa ay soo gudbiso aan iska dhaafno,waa haddii aaan wax laga qaban sida ay hada tahay .

  2. Rohit cade says:

    Adyan uso dhaweynaya dhaman hayaan media iyo Nusoj oo ah ururka suxufiyan qaranka
    Hadan dhinac u ego dhanka saxafada malmahan dambe waxa so ifbaxayay saxafi moryan isku badalay danenaya in ow dumiyo ururka suxufinta qaranka hadaba dhankas markan eego waxa ino sharaf xuma ah in la dumiyo urur dhisan intan wax arkayay waxan arkay sadax wariye oo kuso dardarmay in ay dumiyan NUSOJ iyo waliba XIRIRKA KUBADA CAGTA EE DALKENA SOMALIA BALSE UMA SURTA GALEYSO MANTA HADI AN DHAHNO KALAAYA AN AFKA IDIN BUXINO WANA RACAYAN LAKIN MALO BAHNO IN AD NOQATO WARIYE Caloshis u shaqeyste ama cada qate waxa lo bahan yhay in ad dacad u noqoto dadkada iyo dalkadaba wad mahad santihin HAYAAN MEDIA ADIGANA NOQDA KUWI DADKA IYO DALKA WAX TARA AMA ISKA NOQDO KUWA MANTA AFLAGADA U MARIAYA WARIYASHA KALE AMA DHAHA WXA KA DAMBEYAY AFDUBKEYGA NUSOJ MAXAY KUGU AFDUBANEYSA NUSOJ MAXAD HEYSA NAFTA AYAD BEEN U SHEGEYSAN DHEH KUWAS NUCAS U DHAQMA WAA ARXAN DARO WALAHI ANIGA HADI AN AHAY WARIYA KU SUGAN QURBAHA WAXAN LEYAHAY ISKA DAYA KALA QEYBSAMIDA OO NOQDA HAL DHINAC WAN WADA GULEYSAN KARNA MARKAS

Leave a comment