
Xaruntu waxay saxaafada Soomaaliya la qeybsanaysaa farxada ay maalintaas u leedahay bahda saxaafada,iyadoo sidoo kale la qeybsanaysa dhibaatada haysta saxaafada ayna ogsoontahay Hayaan inay saxfayiinya xilgaan ka howlgasha gudaha dalka inay xaalad adag ku shaqeyaan
hadaba Xarunta Hayaan ayaa soo saartay qodbo ku saabsan xaalada saxaafada soomaliya,qodobadaas oo ka kooban 9 qodob oo kala ah:
1:- in Saxfiyiinta Soomaaliya ay ka shaqeeyaan Nabada iyo hormarka wadanka si loo helo qaran soomaaliyed oo degan
2:- in ay u adkeystaan Saxafiyiinta xaalada adag ee ka jirta wadanka bulshdana ay u adeegaan
3 :- inaysan ka caajisan ama ka baqanin howshooda saxaafadeed
8 :- waxaan sidoo kale u soo jeedinaynaa dhinacayda kala duwan ee isku haya siyaasada Soomaaliya inay ilaaliyaa xaquuqdada saxfiyiinta ay leeyihiin ay u fadudeeyaan howlahooda saxaafadeed
9:- waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha caalamaka oo ay ugu horeeyaan kuwa u doodada xaquuqada bini’aadamka inay garab siiyaan saxafiyiinta ku tabaalaysan dalalka dariska la ah Soomaaliya
Dhinaca kale Hayaan Media Development Center “HMDC” waxay cadaynaysaa inay garabtaagantahay saxafiiyinta Soomaaliya. ujeedka loo dhisayna ay ugu horeyso hormarinta saxafiyiinta. sidaas darteed Hayaan waxay u soo jeedaa mar kasta inay kaqeybqaadato hormarinta saxaafada,sida tabarada, aqoon is waydaarsiga, tayeynta qalabka saxaafada wacyigalinta, iyo wax yaabo kale ee la xiriira Horumarinta Warbaahinta Somaliya.
qoraalkan ayaa ka soo baxay shir ay isugu yimaadeen xubnaha Hayaan Media Development Center 21 bishaan oo ku beegned maalinta saxaafada Soomaaliya waxaan qoralkaan saxaafada ka hor aqriyay afhayeenka Hayaan Media Devoloment Center , Bile Gurahan Ahmed oo sidoo kale ka warbixiyay kulankii dhexmaray Hayaa Media iyo European journalism Center (EJC) waxuuna sheegay Bile Gurahan in kulnkaas u ahaa mid hormar ay ka gaareen labada dhinac, maadaama la qorsheeyay in meelo badan la iska kaashado.
Bile ayaa hadalkiisa intaas ku sii daray in Hayaan Media ay tahay hay’ad madaxbananan isla markaana ay aasaaseen Saxafiyiin uu ku tilmaamay rag qibrad u leh howlahan oo kale sidoo kalana Kalsooni ku heysta waxa ay qabanayaan,taasi oo dhabaha u xaareysa inay si daacadnimo ku jirto wax ugu qabtaan Saxafiyiinta Somaliyeed meelkasta oo ay joogaan.
“haddii la maqlo waxbaa la semeeyay waa qasab inay jiraan dad meelo kale wax ka fiiriyo, laakin uma hakanayno, waayo waxaa ka weyn ujeedka aan higsanayno cid kasta oo saxafi ah way ka shaqeyn kartaa Xaruntaan Hayaan Media “ayuu yiri Bile Gurhan oo hadan yiri ” Waxaan dhisanahay wax yar hadiiba waxan qabanay howlo badan,waxaana ka mida inaan wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Hayaan Media Maxamed Cabdi Faarax ” Afgooye ” uuna ka mid ahaa Abdiweli Garyare ayaa Nairobi u dirnay si ay ula soo kulmaan wariyaasha halkaasi Jooga kulan balaarna kula qaatay hoteelka Barakaat,Waxaa halkaasi inooga soo baxay wax badan oo muhiim u ah Howlaha Hayaan Media,Maadaama aan halkaasi la isku dhaafsaday aragtiyo ku aadan Fikradaha wariyayaashaasi iyo Baahiyahooda” ayuu yiri Afhayeen Bile Gurhan
waxuu kaloo sheegay inay shir balaran la qaateen Xarunta Hormarinta Saxafiyiinta Yurup kasoo lagu casuumay madaxda hayaan waxuuna kulankaas ahaa mid kaalin muhiim ah ulahaa saxfiyiinta Soomaliya maadama magaca saxaafada Soomaaliyeed ay matalayayeen madax hay’ada hayaan Media isagoo sheegay inay halen balan qadyo muhiima oo ku saabsan in saxaafada Soomaaliya la hormariyo
sidoo kale waxuu sheegay afhayeenku in ay dhawaan bilaabayaan howlo ay ka qabanayaan gudaha Soomaaliya kuwasoo isgu jirodoona siminaaro, doodo aqoon kororsi ku saleysan kor uqaadida aqoonta saxfiyiinta, waxaana howshaas fulinaya mareeyaha maashaaricada xurunta Hayaan ee Soomaaliya Mustafa Xaaji Cabdi Nuur oo dhawaan la magacaabay.
waxuu kaloo sheegay inay wariyaasha ku sugan yurup iyo kulamo u qabandoonaan iyadoo wadanka Netherlands oo xarunta ugu weyn Hayaan Media ku taalo lagu qabtay kulamo hordhac ah oo saxfiyiinta jooga wadankaan Netherlands ay isku arken waana arimo muhiim ah ayuu yiri Bile.
Mar la weydiiyey afhayeenka inay dhici karto dad ka soo horjeda Xaruntaan cusub ee Hayaan Media waxuu yiri ” in lagaa soo horjesto maxuma,lakiin wax qabad ayaa muhiima midna ogaada saxaafadu ma ahan siyaasad. waa mihnad ku dhisan in dadka wax fiican loo tabiyo kuna salaysan in la kordhiyo maskaxda dadka, Mida kalena Waan ku sheegaayo Hayaan Media ma ahan Xarun dhahaysa yaan cid kale wax sameysan, Cidii wax qabanaysa ha sameeyaan meel wax qabata, haddii aad aragtiin qof dhayaha Bile maxuu Shaarkaan u gashtay mala ogeyn aniga markii uu Shaarkan gashanayey iimana shegin waa wax laga filin karo soomaalida,Laakiin anaga ma ahan mid aan uga joogsan doono wax u qabashada Dadkeena iyo Dalkeena u hamuun qaba Horumarinta dhinaca Warbaahinta” ayuu warkiisa kusoo afmeeray Afhayeen ka Xarunta Hayaan Media Development Center “HMDC”
Hayaan Media Development Center ”HMDC”
Utrecht,Netherlands.