Sanadka 2009-ka oo noqday sanadkii ay ugu dhimashada badnaayeen saxafiyiinta Afrika tobankii sana ee ugu danbeeyey.

xasan subeyr

Guddiga difaaca suxufiyiinta {CPJ} ayaa shaaca ka qaadey in Sanadka 2009-ka loo garowsaday in uu yahey sanadkii ay ugu dhimashada badnaayeen suxufiyiinta ka shaqeeya qaarada Afrika markii dib loo eegey tobankii sana ee ugu danbeeyey, waxeyna xaqiijiyiin in 12 ficil oo ka dhan ah suxufiyiinta ay ka dhaceen wadamada ka sareeya saxaraha Afrika, iyadoo ficiladaasina ay naftooda ku waayeen suxufiyiin badan xili ay warar tabaniyeen.

Dalka Soomaaliya oo ah wadan ku yaala geeska bari ee qaarada Afrika waxaa siyaabo kale duwan loogu dilay sagaal wariye oo ka shaqeeynayey warbaahinta gudaha dalkaasi.

Tom Rhodes oo ah isku duwaha barnaamijyada Qaarada Afrika ee CPJ oo ka hadlay warbixintan ayaa sheegey in ay ka sii dareyso xaalada suxufiyiinta Soomaaliya waxa uuna faah faahiyey heerka ay gaarsiisan tahay halista suxufiyiinta ay la kulmi karaan marka ay ka dhex shaqeynayaan wadan sida Soomaaliya oo kale ah.

Maalinkii ugu horeysey sanadkan sii galbanaya ee 2009- ayey aheyd markii Askari ka tirsan ciidamada dowlada taagta daran ee Soomaliya uu toogasho ku diley wariya ka tirsanaa mid ka mid ah warbaahinta horseedka ah ee fadhigeeda uu yahey magaalada Muqdisho ee Radio Shabelle xili uu ku sugnaa isla magaalada uu wararka ka soo tabinayey ee Afgooye.

Isla sanadkaan dhamaadkiisa oo ah bishaan ugu danbeysa sanadkana waxaa dhintey sedex wariya kadib markii qarax ismiidaamin ahaa oo sida la sheego ay ka danbeeyeen koox diimeedka Al shabaab ay ku qarxiyeen xafladii qalin jabinta ee Hotel Shamo halkaas oo sidoo kale ay ku la’deen wasiiro, Ardey iyo Dhaqaatiir aanan wax danbi laheyn.

” Ma garan kartid waxa maalin kasta ka dhacaya Muqdisho” sidaasi waxaa yiri Mustafa Haji Abdinur, oo ah tafaftiraha guud ee Radio Simba oo ku yaala Muqdisho sidoo kalana ah wariyaha sanadkaan ku guuleystey abaalmarinta saxaafadeed ee calamiga ah ee ay bixiso CPJ.

waxaa sidoo kale uu yiri Mustafa Haji Abdinur ‘Waxaan caadi ahaan u deganahay xafiiskeyga amaan darida awgeyd, tira aanan badneyn oo suxufiyiin ah ayaa halkaan ku joognaa , waxaana maxaabiis ku nahay xarumaha aan ka shaqeyno.

Ururka saxafiyiinta qaranka soomaaliyeed ee NUSOJ oo warbixintaan ka hadley ayaa sheegey in dilka bartilmaameydka ah ee lagu hayo saxafiyiinta soomaalida ah ay sabab u noqotay in dhamaan suxufiyiintii tayada lahaa ay ka soo carareen gudaha dalka hadana ay qurba joog ku yihiin wadamada dariska la ah soomaaliya.

Suxufiyiin kale ayaa ku dhintay isla wadamada Nigeria iyo Kenya xili ay ku howlanaayeen baaritaan ku aadanaa musuq-maasuq iyo kuwa ku dhintay iyagoo ka warar ka sameynayey qalalaasooyinka sayaasadeed ee Madagascar.

Ugu yaraan 68 suxufyiin ah ayaa lagu diley aduunka oo dhan xili ay waajibaadkooda shaqo ay hayeen , qaarada Afrikana waxa ay noqotey sanadkaan meesha labaad ee lagu diley wariyayaasha ugu badan ee aduunka ku dhintay marka laga soo tago wadanka Philibin oo ay ku la’deen wariyayaasha ugu badan caalamka sanadkaan 2009-ka.

Hayaan Media Development.

Rotterdam-Netherlands.

Leave a comment