Hayaan Media Developmenta oo ka walwalsan dhaqanka xoriyad la dirirka ah ee Puntland ay kula kacayaan suxufiyiinta.

 

Hay’ada hormarinta saxaafada iyo saxafiyiinta soomaaliyeed ee Hayaan Media Developmenta waxa ay cambaareyneysaa xariga aanan loo meel deyin ee sida sharci darada ah ay maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland kula kaceen wariyaha u soo warama Idaacada VOA-da.

afgooye2

 waxaana Hay’ad ay codsaneynaa in sida ugu dhagsiyaha badan ee suuragalka ah ay ugu ogoladaan xoriyadiisa wariyahahaas si gobolka uusan ugu muuqan meel lagula dagalamo xoriyada saxaafada.

xadgudubyadan ugu danbeeya ee ka dhanka ah xoriyada saxaafada soomaaliya ee ka dhacey maamulka goboleedka Puntland ayaa waxaa lagula kacey wariye Maxamed Yasin oo u soo waramayey VOA somali kadib markii rag hubeysan oo ka tirsanaa ciidamada amaanka Puntland kala baxeen guriggiisa oo ku yaala magaalada Gaalkacyo kadibna ay xabsiga dhagen iyadoo maalin ka horna askari katirsan ciidamada amaanka ku rasaaseeyey garoonka magalada agaasimaha idacada Radio Gaalkacyo Xasan Maxamed Jama oo qaar ka mid ah rasaasta lala beegsadey ay ka dhex baxeen dharkii uu xirnaa balse nasiib wanaag wax dhaawac ah kama soo gaarin mana jirto wax loo raacdey askarigii falkaas ka danbeeyey.

Guddoomiya Hayaan Media Developmenta Maxamaed Abdi Faarax Afgooye oo ka hadley marxalaad ka dhanka ah xoriyada saxaafada Puntland ayaa sidoo kale sheegey in wariyaha xiran hada ka hor laga dhaawacey garabka kadib markii isagoo watey gaarigiisa ay rasaaseeyeen ciidamada amaanka hadana waa taas xabsiga la dhigey marka arintaan waxa ay cadeyn u tahey sida aysan wax tixgalin ah ugu laheyn suxufiyiinta gobolada Puntland.

waxaa uu intaasi ku darey in Puntland laga doonayo in ay noqoto meel ay ku soo cararaan suxufiyiinta madaxa banaan marka dhibka ka soo wajahaan raga ugaarsada waayadaan danbe ee ma ahan wax aan ka fileyney in sidaan ay noola dhaqmaan ayuu yiri laakiin si kastey ahaataba waxaan rajeyneyna in isfaham fiican iyo wada shaqeyn buuxda ay yeeshaan saxaafada madaxa banaan iyo waaxda warfaafinta maamulka goboleedka Puntland.

Hayaan News Desk.

 

 

 

Utrecht-Netherlands.

Leave a comment