Maxey ka yiraahdeen Beesha Caalamka Qaraxii Shalay ka Dhacay Magaalada Muqdisho

UN Logo123Diblumaasiinta Caalamka ee dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya iyo Ururada kala gedisan ayaa soo saaray cambaareyno umuuqday kuwa aan waxbadan udhaxeyn, markii la hubiyey warka sheegaya in la dilay tiro ka mid ahaa Wasiiradii dawladda KMG ah ee Soomaaliya. Qaramada Midowbay.

War ka soo baxay Xaafiiska Sarkaalka ugu sareeya Qaramada Midowbay Ban Ki Moon ayaa lugu cadeeyey in ay Qaramada Midowbay aad uga xun tahay talaabadii, lugu qaarajiyey wasiiro, wariyaal, Arday iyo Waalidiintood, waxa ayna ku sheegtay in uu ahaa mid ay fulisay Al-Qaacida.

 Ban Ki Moon wuxuu ku canaantay dalalka Soomaaliya la jaarka ah iyo beesha Caalamka in aysan taageerin dawladda KMG ah ee Soomaaliya, isagoo ugu baaqay in ay lagama maarmaan tahay gacan qabashada dawladda Soomaaliya.

 Waxaa ka sii horeeyey Qoraalka Ban Ki Moon warqad gaar ah oo ka timid Axmad Walad Cabdalla taas oo ku dhacday Madaxda dawladda KMG ah ee Soomaaliya, loogana hadlayay talaabadii lugu weeraray shaqsiyaad muhiimad ulahaa dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Golaha amaanka ee Qaramada Midowbay oo fadhi deg deg ah ka yeeshay xaajada Soomaaliya ayaa sheegay in aad uga xun yihiin talaabadii lugu dilay shaqsiyaad ka mid ah dawladda Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in cadaalada la horkeeno cidii ka dambeysay, qaraxaas oo ay sheegeen in ay doonayaan in ay nabad la’aan ku sii hayaan dalka Soomaaliya. Midowga Yurub. Sarkaal ugu sareeya arrimaha dibada iyo Siyaasada ee Midowga Yurub ayaa warfidiyeenada kula hadlay xarunta Midowga Yurub, wuxuuna wax laga walaaco ku sifeeyey talaabadii lugu qarxiyay shaqsiyaad ka mid ahaa dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo ku eedeeyey fulinta weerarkaasi Shabakada Al- Qaacida. Mr, Solana wuxuu sheegay in aad uga xun yihiin, isagoo sheegay in ay taasi muujinayso falal ay horay uga shakisanaayeen Beesha Caalamka oo ah in ay Al-Qaacida howlgal ka samaynayso gudaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in hada loo baahan yahay in gacan bir ah lugu qabto xaalada Soomaaliya.

. Midowga Yurub waxa ay sheegeen in ay bixin doonaan kaalmooyinkii ay ubalan qaaden dawladda Soomaaliya, si wax looga qabto xaaladaha qatarta ah ee ka dhacay caasumada dalka Soomaaliya, kuwaas oo lala begsanayo Madaxda dawladda KMG ah ee Soomaaliya. Midowga Africa. Ururka Midowga Africa oo ay ciidan ka joogaan Soomaaliya ayaa war-murtiyeed usoo saaray wax yar ka dib qaraxii wuxuu sheegay in ay aad uga xun yihiin, uuna falkan la walaal yahay falalka maalin kasta ka dhaca dunida guudkeeda, gaar ahaana goobaha ay joogaan Al- Qaacida, waa sida ay hadalka udhigeene.

Ergayga Midowga Africa ee arrinta Soomaalida ayaa sheegay in ay Midowga Africa aad uga walaacsan yihiin xaajada sii xumaanaysa ee dalka Soomaaliya, ayagoo sheegay in looga baahan yahay caalamka in ay awoodooda iskugu geyaan caasumada Soomaaliya oo ay wax ka qabtaan dhibaatada ka jirta halkaasi.

 Ergaygu wuxuu sheegay in ciidamada tirade yar ee ka socda Midowga Africa aysan awood buuxda ulaheyn wax ka qabashada falalkan, balse ay hada ilaalo xoog leh ka hayaan Sadexda masuul ee ugu sareysa dawladda Soomaaliya iyo xarumaha ay maamusho dawladda KMG ah oo ay ka mid yihiin goobaha uu dhaqaaluhu uga soo xaroodo. Jaamacadda Carabta.

Ururka Carbeed ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in aad uga xun yihiin talaabadii lugu dilay Wasiiro ka tirsanaa dawladda faderaalka ee Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in looga baahan yahay Soomaalida in ay wada hadlaan oo ay joojiyaan dagaalada ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa ayaa ku sifeeyey qaraxii shalay dhacay, is muujin awooded, balse galaaftay nolosha dad muhiimad ulahaa Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya in ay ku soo biiraan dawladda KMG ah ee Soomaaliya. Mr, Musa wuxuu u arkaya qaraxyadii dhacay kuwa ay fuliyeen dhinacyada ka soo horjeeda dawladda KMG ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaalida oo dhan wada hadal looga baahan yahay.

 IGAD. Urur Gobaleedka IGAD oo ay ka tirsantahay  dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay in aad uga xun yihiin talaabadii lugu dilay Wasiiro ka tirsanaa dawladda faderaalka ee Soomaaliya, Wariyaal, Dhaqaatiir, Arday iyo Waalidkood, waxa ayna sheegeen in ay ka dambeeyaan qaraxaasi, kooxo ay ku sheegeen kuwa fidno wadayaal ka soo horjeeday amaanka, Waxbarashada iyo horumarka dalka Soomaaliyeed.

 IGAD ayaa ku sheegtay caalamka in ay ka gaabiyeen wax ka qabashada xaalada Soomaaliya, isla markaasna ay baneeyeen kaalimo muhiim ah oo ay ka faa’iidaysatay Shabakada Al- Qaacida

. IGAD ayaa ku boorisay in looga baahan yahay dalalka Caalamku in ay caawiyaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, si iskaga difaacdo dhinacyada mucaaradyada ah ee ka soo horjeeda, kuwaas oo hada doonaya in ay afka ciida ugaliyaan dawladda Soomaaliya.

 Itoobiya.

 Raysalwasaaraha dawladda Itoobiya ayaa war ka soo baxay Xaafiiskiisa waxaa lugu sheegay qaraxii shalay dhacay, mid ay masuuliyadiisa qaadayaan Xarakada Al- Shabaab, wuxuuna sheegay in ay fuliyeen weerarkaasi, oo uu sheegay in ay ku muujinayeen tabartooda ku aadan arrimahaas iyo xaalado Siyaasadeed, waa sida uu hadalka udhigaye.

 Meles Zanewi wuxuu sheegay in ay horay dawladiisu sheegtay in ay Soomaaliya ka buuxaan boqolaal dagaalyahano Soomaali & Shisheeye iskugu jira oo tababaro ku soo qaatay meelo kala gedisan, isla markaasna fulin kara howlgal kasta oo laga fulinayo gudaha dalka Soomaaliya. Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa si aad ugu eedeyey masuuliyada qaraxan in ay leedahay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, inkastoo ay Al- Shabaab sheegeen in aysan waxba lug ah ku laheyn qaraxan, hadan Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in ay horay ufuliyeen falkan oo kale, gaar ahaana buu yiri mid la siyaasad ahaa kii Midowga Africa lala beegsaday iyo Magaalada Baladweyne, oo uu shegay in Wasiir sare lugu dilay.

 Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha. Hay’adaha Udooda Xuquuqda Aadanaha ayaa ku sheegay wax laga walaaco qaraxii shalay ka dhacay caasumada dalka Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in ay tasi muujinayso halista ka taagan dalka Soomaaliya, ayagoo sheegay in looga baahan yahay Beesha Caalamka soo qabashada cidii ka dambeysay weeraradii shalay ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya, ee lugu dilay arday Soomaaliyeed, Wasiiro, Wariyaal & Waalidiin, ayagoo sheegay in aysan marnaba udulqaadan doonin falalkaasi, cidii lugu helana Maxkamad la horgeyn doono.

madar334@hotmail.com

Leave a comment