Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Baledweyne mas’uuliyin katirsan ururka Xizbul Islaam ayaa lagu magacaabay guddoomiye cusub oo ay yeelato magaalada Baledweyne.
Munaasabadda lagu magacabayay a gudomiyaha ayaa kadhacday xarunta Gobolka ee Magaalada Baledweyne halkaas oo ay ku shireen mas’uuliyiin sarsare oo katirsan Ururka Xizbul Islaam.
Kulanka ayaa markii uu soo geba gaboobay waxaa saxaafaddala hadlay Muuse Cabdi Caraale xoghaya gaashaandhigga Xizbul Islaam oo ku dhawaqay in Shiikh Shuuriye Faarax Sabriye loo magacaabay guddoomiyaha ururka Xizbul Islaam ee magalada Baledweyne.
Muuse Cabdi Caraale ayaa intaas ku daray inay waqtiyada soo aadan dhisayaan xubnaha kale ee maamulka ururka Xizbul Islaam ee magaalada Baledweyne.
Magalada Beledweyne aya noqotay mel ay inta badan ku hardamaan Ciidamada Xisbul Islam iyo kuwa Dowlada kmg eyado hadba kox u gacan gasha.
Hayaan Media Development
News Desk