Waa Sidee Xaalada Suxufiyiinta ka howgalo Magaalada kismaayo?

canabMar aan maanta la kulmay Wareysi gooni ahna la yeeshay Xubin sare oo ka tirsan Ururka Suxufiyiinta jubbooyinka JAJ oo booqasho dhawaanahani ugu maqnaa magaalada kismaayo ee xarunta jubbada Hoose ayuu iiga waramay xaalada Wariyaasha ka howlgalo iyo sida ay ushaqeeyaan. Masuulkaani oo diiday in la shaaciyo magaciisa ayaa ka waramayo inta Wariyaal shaqada laga joojiyay kuwa xabsiyada la dhigay iyo waliba labadii bilood ee ugu danbaysay wariyaashii lagu amray in ay iskaga baxaan magaalada kismaayo waxaana hadaldiisa kamid ahaa sidan

Dhibatooyin fara badan ayey kala kulmaan xiliyada ay raadinaya wararka xaqiiqada ku saleesan saxafiiyinta ku nool magalada kismayo ee xarunta gobalka jubbada hoose.

Maamulka ka arimeyo maagalada kismayo ayaa Wariyasha ku nool magaladasi kala kulmo dhibaatooyin isugu jiro Xabsi Jirdil Caga jugleen farabadan xiliyada ay ka hadlayan Xaqiiqada dhabta ah ee ay u bahan yahiin dadweynaha in loo soo bandhigo.

Bishii oktoober ee sanadkaan 2009 ayaan waxan ku sugan magalada kismayo waxaana indhahayga qabteen wariyaal farabadan oo shaqadooda u joojiyay amar ka soo baxay maamulka ka jira magaalada kismaayo waxaan aad ula yaabay mar aan arkay wariyaal tiradooda gaaraya 4 wariye oo hal maalin la dhigay xabsiga dhexe waxaan kaloo arkay gabdho saxafiyiin ah oo oo u waramayay idaacadaha ka baxsan magaalada kismaayo oo guryaha lagu amray inay joogaan sidaasna ku waayay shaqadooda.

Waxaa Amar ka bixitaan ah 48saac gudahood ee magaalada kismaayo lagu amray ilaa 5 wariye oo wakiil u ahaa tvyada iyo idaacadaha soomaaliya ka howlgalo Wariyaasha waxaa kamid ahaa

Mahad Maxamed Cisman oo u sheeqenayay tvga Horncabla ee fadhigiisu yahay magaalada hargeysa isagoo lagu amray inuu u shaqeeyo idaacad ku hadasha afka maamulka ka jiro kismaayo isagana uu diiday sidaas darteedna oga soo baxay magaalada.

Sidoo kale waxa loo Hanjabay wariye kaafiyo Maxamed Xasan oo u shaqeenesay idaacada iyo tvga hornafrik oo ayadane lagu amray iney maagalada iskaga baxdo haddi kale ay la kulmi doonto dil aan cidna loo haysan. iyadoo midaasna keentay in ay wariye kaafiyo Maxamed Xasan iskaga soo tagto howlihii saxaafad ee halkaasi ka haysay iyo waliba in ay ku dhiiran waydo la noolaanshaha reerkooda.

intii aan ku sugnaa magalada kismayo waxaan ku arkay maamulka ka arimiyo in suxufiiyinta aysan wararka tabinaya karin ilaa warkooda ay soo marsiiyan maamulka si ay u joojiyaan wararka ka soo horjeeda shaqada ay ka hayaan gobalada jubbooyinka.

Wariye u shaqeenaya webka xogsheeg ayaa waxa loo taxaabay xabsiga maagalad kismayo wariyahan oo lagu magacabo C/xakiin Maxamed Shugri Wariyaha oo ahaa nin aad u firfircoon shaqada saxaafadana wax badan ka yaqaano ayaan jirin wax cadeen ah oo lagu hayo mana jirin intii uu xabsiga ku jiray saxafi u doodi karo xuquuqdiisa.

Kowdii Bisha oktoobar 2009 ayey aheyd markii dagaal Qarar uu ka dhacay magaalada kismayo midkaas oo u dhaxeeyay Ururada xisbul islaam iyo alshabaab oo ayaga isku heesto gacan ku heeynta magalada xeebta ku taalo ee kisamyo waxaan loo ogolaan wax saxaafad ah oo tabin karto marka laga tago idaacada sida gaar ah ay u leeyihiin Ururka alshabaab ee iminka gacanta ku hayo magaalada

Dagaalkii kadib ayaa waxaa shir gooni ah loo qabtay saxafiyiinta ku sugan magaalada kismaayo waxaana maamulka alshabaab ku amreen inaan wax war ah laga samayn karin Ururka xusbul islaam oo ku sugan duleedka magaalada waxaana aad u yaraaday wariyaasha sida xortaa ugu warami jiray idaacadaha banaanka ka ah gobalka iyadoo ay ku koobnaadeen shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo dhagaysiga idaacada ku hadasha maamulka ka jira gobalada jubbooyinka.
intii uu Wareysiga ii waday wariyahaani ayaa waxaa wajigiisa aad ka dheehan kartaa cabsida uu ka qabo maamaulada inta badan ka jira gobalada soomaaliya ee aan ogoleen shaqada saxaafada hadii ay tahay mid ka hadlayso xaqiiqada wuxuuna hadalkiisa ku soo koobay dhibaatada ka jirta magaalada kismaayo ee lagu hayo wariyaasha ma ahan mid aan hal maalin ku soo kaabi karo waxaana aan aad oga xumahay in aysan jirin wariyaal si xor ah oga shaqeeyo marka laga tago kuwo ku sahqeeyo afka maamulka ka arimiyo magaalada kismaayo ee xarun jubbada hoose.

isku soo wada duub kadib Wareysigaas aan la yeeshay mid kamida xubnaha ugu sareeyo Ururka Suxufiyiinta jubbooyinka JAJ oo dhawaan ka soo laabtay magaalada kismaayosocdaal uu ku tagay ayaa waxaa Shir jaraa id qabtay gudoomiyaha Ururka ay ku midaysan yihiin wariyaasha jubbooyinka (JAJ) Yaxye Jaamac Samatar (Jucfe) waxa uuna si kulul u Canbaareeyay dadka si gaarka ah u diidan shaqada saxaafadeed ee wariyaasha kismaayo iyo waliba maamulaka ka arimiyo kuwaasoo maanta Wariyaasha jubbooyinka Qaxooti ka dhigay isagoo maamaulka ugu baaqay inay joojiyaan dhibaatada iyo waxyeeleenta ay ku hayaan wariyaasha waxaana la ogsoon yahay in aysan maanta ku sugneen magaalada kismaayo wariyaashii ugu Caansanaa oo ay ku kala firxeen wadamada dariska la ah dalka soomaaliya.

Canab Cabdi Axmed

canabcabdi8@hotmail.com

Nairobi, kenya

Leave a comment