Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Gen. Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa sheegay in ay diyaar garow ballaaran ugu jiraan sidii duulaan ballaaran ugu qaadi lahaayeen Xoogaga Dowladda ka soo horjeeda oo isku ballaariyay gobolada dalka iyo qeybo ka mid ah Caasimada.
Gen. Dhuumaal ayaa wareysi uu siiyay Idaacada VOA waxaa uu ugu horeyn kaga hadlay tababaro Ciidamo Dowladda ka tirsan ku qaadanayaan dalalka Geeska Afrika, waxaana uu sheegay in tababaradaas yahay sidii Ciidamo dhisan lagu yagleeli lahaa.
“Ciidamo badan ayaa tababar noogu maqan dalal badan sida Kenya, Ethiopia, Uganda iyo Jabuuti”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka oo intaa ku daray in maleeshiyaad laga uruuriyay xuduudaha lagu tababarayo dalka Kenya.
Taliyaha ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay sidii ay Ciidamada qalabka sida ula wareegi lahaayeen Gobolada dalka, una soo celin lahaayeen waxa uu ugu yeeray Nidaamkii Dowladda ee bur buray.
“Dagaal ayaan u diyaar garownay, maalmaha soo socdana wax lagu farxo ayaa la maqlayaa”ayuu yiri Gen. Dhuumaal oo sheegay in dagaalka aanu aheyn ciyaar ciyaar, hase ahaatee uu yahay mid u baahan in loo diyaar garoobo.
Hadalka Taliyaha Ciidamada Xooga dalka ayaa ku soo beegmaya xilli Magaalada Muqdisho ay soo gaareen boqolaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lagu soo tababaray dalka Jabuuti, kuwaasoo haatan lagu xareeyay Xerooyin Ciidan.
Hayaan Media Development
News Desk