Soomalidu Ma Dad Khilaafka Jecelbaa “Dood Furan”

Tan iyo markii ay dhacday dawladii dhex ee Somalia sanadkii 1991 waxaa si isdaba jooga loo qabanayay shirar dib u heshiisiin ah oo aan guulaysanin, kii u danbeeyay waxaa lagu dhisay dawlad ku shaqaysa nidaamka fadaraalka,
 hadaba waxaa qalinku is waydiinayaa waxa ku dhacay somalidii iyo waxa badalay, waxa kale oo u is waydiinayaa su’aalahan, soomalidu ma dad khilaafka jecelbaa? Ma dad aan is fahminbaa? Ma dad kala luuqadaa ?.!!!!

Inta aanan u galin su’aalahaasi jawaabtooda, aan isku dayno sida ay baalasha taariikhda ugu yaalan oo ay uga muuqdaan markaad bogaga tariikhda soo rogtaba.

Ka soo bilaw xornimo doonkii waa laysku khilaafsanaa, dawladihii ka danbeeyay xornimo doonka sidaas oo kale, markii ay dhacday dawladii siyaad barana waxaa la noqday kooxo is khilaafsan oo kala aragtiyo duwan, bal u fiirso Caydiid iyo Cali Mahdi waa is khilaafeen, Cabdiqaasim iyo Raysal wasarihiisii waa is kilaafeen, C/laahi Yuusuf iyo Cali Geedi waxay isku maan dhaafeen masarax siyaasada ilaa ay seeftu qaadatay Cali Geedi, sidaas si le’eg waxaa khilaaf ba’an oo sababay inuu tareenka ka dago C/laahi Yuusuf oo ahaa laacib in badan ku guulaysatay masarax siyaasad somalida, uu  dhex maray Nuur Cade iyo C/laahi Yussuf.

Iska kaalay xagaas, waxaa laga yaabaa inaad is tidhaahdo waa siyaasad iyo xaalkeed, dhan kale waxaa is khilaafay labadii ay diini isu gaysay waa Sheikh Shariif iyo Xasan Daahir Aways, bal hadan u fiirso waxaa khilaaf  xoogani dhex maray maxkamadihii islaamiga iyo Alshabab oo isku koox mudooyin badan, waxaba ha ku dheeraan ee bal hadan eeg kooxihii diinta lagu tirinayay iyo jihad doonka waa Ahlu Suna Wal Jamaaca iyo Alshabab, ha ku sii fogaane bal u sii fiirso Maxamed Dheere iyo xubnihii uu ku xigeenda u xushay ilaa ay isagii ka tuureen, bal hore u sii soco waxaa laba garab ah kuwii larabay inay siyaasaada ka fogaadaan waa sport-gii.

Iska soo dhaaf waa Soomaali iyo xaalkeed ee waxaa imika laga cabsi qabaa in budhcad badeedu is khilaafto oo ay horseedo khilaaf badeed oo reer waliba sidii bariga uu isbaaro badeed meel dhigto, waayo bal u sii fiirso beelihii somaaliyeed, bal ugu horayn eeg Hawiye oo samaystay gole matala waxaa durbadiiba laga daba sameeyay mid kale, sidaas ayaa beelkasta oo Somaliyeed ay isu khilaafsan tahay min magaalo ilaa tuulo.

Hadaba markaad si gun dheer u daristo taariikhda somalida waxaa kuu soo baxay in soomalidu yihiin dad u ehela khilaafka oo  wajigooda dhabta ahi  Somalidu  kaas oo ah khilaaf iyo in ay gole kasta ku kala kacaan intii alle u naxariistay mooyaane.

Farhan Mahamed
Farxaan42@hotmail.com

3 Responses to " Soomalidu Ma Dad Khilaafka Jecelbaa “Dood Furan” "

  1. abdiweli says:

    Hah weye jawaabtu hadi aysan somalidu qilafka jecleyn wa hore ayay dowlad noqon lahayeen

  2. saynab xirsi says:

    aniga waxay ila tahay in somalida aysan qilaaf jecleyn waxaa ku kalifana in ay marwalba dagalaman in ay tahay marka hore farogalin shisheeye marka xigta gaajo iyo iyo hanti la,an tas ayay sababaysa in la isku tanasuliwaayo

  3. shirwa says:

    yeah yes yab fikrada ah in somalidu qilaafka jeceshay ayan qabaa bcz laysh baa taala mesha waa waxa anu u heshiini la’nahay sxbyaal mida xigta waxan oran kara somalidu danteeda waxa ay ka jeceshay qilaafka wana mida dowlad lo la’yahay xabada iyo dandeena keba weyn wa mid mesha ku jirta in la iswaydiyo maskaxda ha shaqeyso somaaliyeee toosa oo kaca wad qalibanteene …

Leave a comment