Qarax bom ayaa gordhaweyd ka dhacay magaalada Boosaaso kaasi oo inta laga warqabo gaystay khasaare dhaawac ah oo soo gaaray ciidanka ilaalada Dekada Magaalada Boosaaso.
Sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan ciidanka Dekada magaalada Boosaaso qaraxaan ayaa ahaa banbada gacanta laga tuuro taasi oo si kama ah uga fakatay askari ka tirsan ciidanka ilaalada dekada magaalada Boosaaso.
Qaraxaan ayaa waxaa dhaawac ka soo gaaray askarigi bonbada ka dhacday iyo laba askari oo kale kuwaasi oo loola cararay isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso,lamana oga dhaawacoodu inuu yahya mid halis ah iyo mid fudud.
Magaalada Boosaaso ayaa malmihi ugu danbeysay hoy u noqotay qaraxyo isdaba jog ah kuwaas oo an qasaro badan ka gaysan magalada .
Hayaan Media Development
News Desk