Mustafa Xaaji Cabdi Nuur Wariyaha wakaalada wararka ee AFP uga soo warama Magaalada Muqdisho ayaa ku guuleystay abaalmarinta Key Press tasoo la xiriirat howl karnimmadiisa shaqo waxaana sidoo kale abalmarintaasi kula guuleystay seddex wariye oo kale.
” Wuxuu la mid yahay aqoonsiga aad i aqqnsateen aqoonsi aad siiseen suxufiyiinta tirada yar ee ilaa haatan ka shaqeynaya Soomaaliya” ayuu yiri Mustafe oo ka hadlayay xafladii Committee to Protect Journalists ee lagu gudoonsiinayay abaalmarinta International Press Freedom Awards.

Mustafe wuxuu sheegay in ururka CPJ ay mar walba ay la garab taagnaayeen wariyaasha shaqadooda u halista gashay, 6 wariye ayaa la dilay sanadkan kaliya gudaha soomaliya, 18 wariye ayaa la dilay laga soo bilaabo sanadkii 2005ta gudaha dalka Soomaaliya.
Mustafe oo ka hadlayay xaflada ayaa yiri ” Inuu abaalmarintan u qaaday kuwa maalin kasta xirfadan shaqo (Wariyenimo) naftooda halista u geliya, iyo kuwa dhiigooda u quuray inay noqdaay wariyayaal”, wuxuuna sheegay inay abaalmarintaan tahay mid dhirigelin u noqonaysa Suxifiyiinta Soomaaliyeed.
Dhinaca kale waa wariyahii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo ku guulaysta Abaalmarintaan oo kale, wuxuuna Mustafa yahay Waritaasha kuwooda ugu degan ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.
Hayaan Media Development.
Waa arin ama talaabo lagu farxo.waxaan filayaa in uu u horseeday Mustafa wadada saxda ah ee suxuufinimo,kuwa ku shaqeynaya,wax allaale wixii lid ku ah anshaxa saxaafada.waxaana kula talin lahaa, in ay isku dayaan,in ay u hogaansamaan ama bartaan nidaamka ay saxaafada caalamka u howlgasho ama ku shaqeeyaan.dacaayadaha,hurinta colaadaha,tabinta wararka aan loo hubsan,iyo wixii la mid ah, na ka waan toobaan. una dhaqmaan,sida suxuufi dhab ah.Mr. mustafa,ka sii wad dadaalkaada meeshaas.mahadsanid.
Mustapha is a great journalist for somali media.
Thanks for his won on Key press Awards.
Sxbkeey Mustafe guulo kalaa u rajeynayaaa