
Waxaa maanta ka jira Soomaaliya Warbaahin saameyn ku leh bulshada Soomaalida iyo dhamaan caalamka, iyadoo ay jiraan tiro wariyaal Soomaaliyeed oo kaga faa’iideystay fursadan in ay shaqo kaga helaan qaar ka mid ah wakaaladaha caalamka, gaar ahaan dunida Hormartay, waxana taasi ay sharaf u tahay jiilka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee doonaya inay soo galaan Maslax warbaahineed.
Inkastoo ay su’aali ka taagantahay hab-dhaqanka Warbaahinta Xorta ah ee Soomaaliya ka jirta, waxaa misna dhinaca kale jira xadgudubyo ay suxufyiyiintu kala kulmayaan dhagar qabayaal dambiilayaal ah oo doonaya inay cirib tiraan madaxbanaanida, shaqsiga iyo shaqsiyaadka. ujeedada ugaarsiga suxufiga Soomaaliga ah waxa ay salka ku haysa arrimo badan oo aan illaa hada la kala cadeyn, hase ahaatee ay dhici doonto, la xisaabtan kuwa ka dambeeyay dilka wariyaal fara badan oo qiimo ugu fadhiyay shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta.
Shaki kuma jiro in warbaahinta Soomaaliya ka jirta laftigeedu ay qalad leedahay, waxana taasi u daliil ah tirada wariyaasha Soomaaliya oo sii kordhaya, iyadoo aysan jirin Machad saxaafadeed oo kala saara, suxufiga dhabta ah iyo kan iska yeel yeelka ku yimid Madasha warbaahinta.
Midnimada Saxaafadda Xorta ah.Marka laga hadlayo saxaafad, waxaa mamnuuc ah in qaybaha warbaahintu, ay u loo lamaan sida siyaasiinta, ama gole dowladeed oo daqli dartiis isku qab-qabsada, Tiiyo ay jirto in saxaafaddu aysan ahayn meel lacag fara badan laga helo, laakin waxa loo socdaa ay yihiin sumcad iyo magac-wanaagsan oo bulshada lagu dhex yeesho.
Midnimada warbaahinta Soomaalidu waxay u baahantahay in laga wada-shaqeeyo, iyadoo aysan marnaba suuragal ah ahayn in loolan lagu gaaro u jeedooyin aan ku haboonayn warbaahinta caalamka.
Maqaalkan waxaan uga golleeyahay dhowr arrimood oo quseeya warbaahinta xorta ah ee ka hanaqaaday Soomaaliya, wixii ka dambeeyay bur-burkii dowladdii Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre 1991.
Dagaalka saxaafadda Soomaalida.Iyadoo aysan jirin cid aan gaar ugu eedeynayo dhibaatada ku dhacday suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo warbaahinta, waxa jira khilaaf u muuqda mid siyaasadeed oo ku sii baahaya qaybaha warbaahinta Soomaalida iyo suxufiyiinta dhexdooda, waxaana taas u daliil ah, loolanka muuqda ee waayihii u dambeeyay ka dhex jiray dhalinyaro suxufiyiin Soomaaliyeed kuwaas oo qaar kood ay ku sugan yihiin wadanka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi.
Tirada Badniga Ururada Saxaafadda Soomaalida.Dhab ahaantii waa arrin lagu qoslo dadka qaarna ay ka nixi doonaan markaad maqasho, illaa 5 urur oo sheeganaya inay ka turjumayaan warbaahinta xorta ah ee Soomaaliya, iyadoo Ururadaasi qaar kood ay u muuqdan kuwa xambaarsan ajande siyaasadeed amase ay ku xiran yihiin ilo siyaasadeed, taasina waa mid lagu tir-tirayo, Warbaahinta Xorta ah ee ka jirta Soomaaliya.
Maxaa haboon in la falo.Rayi ahaan waxay ila tahay in laga waan-toobo dariiqa hada billowga ah ee loolanka siyaasada u muuqda,iyadoo ay muqadas tahay in taas bedelkeeda culeyska la saaro waxbarasho- saxaafadeed cidii rabta inay xirfad ka dhigato. waxana sidoo kale ila qurxoon in laga wada shaqeeyo midnimada warbaahinta Soomaaliya, si ay suuragal u noqoto in lala xisaabtamo, kuwa sheeganaya magac suxufi Soomaaliyeed, iyadoo aysan jirin xitaa inuu aqoonsi ka haysto warbaahinta uu sheeganayo inuu ka tirsanyahay, hanoqoto Idaacad, Wargeys, Website, Telefishin iyo wixii la mid ah.
Soojeedin.Dhamaan, suxufiyiinta Soomaalida waxaan ka codsanayaan inay illaaliyaan anshaxa saxaafadda, iyagoo u dhega-nuglaanaya baaqyada ka imaanaya ururaa caalamiga ah ee saxaafadda dunida, kuwaas oo dhamaantood ku dhiiragalinaya had iyo jeer suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan midnimadooda, islamarkaana ay ka fogaadaan wax walba oo u muuqda loolan siyaasadeed.
Hadddii aan ku guuleysano midnimada saxaafadda Soomaaliya waxaa hubaal ah inaan cadaalada horkeeni karno, dambilayaashii ka dambeeyay dilka suxufiyiintii Soomaaliyeed ee la laayay muddooyinkii la soo dhaafay,waana in aan xoogga saarnaa ka warqabka carruurtii iyo hooyooyinkii ay ka tageen asaxaabteenu, intii aan dagaal saxaafadeed ku jiri lahayn.
Maxamed Maxamuud Odowa.
faracade20@hotmail.com
Kampala, Uganda.