Magaalada muqdisho waxay wejiga ku haysaa Jihada galbeed Ee badweynta hindiya, isla markaana ay badda hindiya kaga wareegsan tahay saddex jiho.Maanta muqdisho waa caasimada soomaaliya. Dhismayaal casri ah iyo kuwo qadiimi ahba way ku yaallaan. Dad badan iyo gawaari kala duwan ayaad ku arkaysaa. Waa magaalo qurux badan oo ay indhuhu soo jiitaan, waxayna ka mid tahay magaalooyinka ugu quruxda badan magaalooyinka afrikada xorta ah.
Masaajida Muqdisho waxaa kamid ah :
1-Masjidka Jaamaca Xamar-Weyne, waxaa leysku wada raacsan yahay inuu yahay masjidka ugu fac weyn magaalada Muqdisho , waxaa masjidkaas la dhisay 630 hijriga , masjidka wuxuu leeyahay 81 tiir .
2- Masjidka Arbaca-Rukun oo ladhisay bartamihii qarnigii 7aad ee hijriga
3- Masjidka Faqrudiin oo la dhisay 667 hijriga , masjidkaan wuxuu ku caan baxay oo dabiyadiisa aay leeyihiin naqshada kala duwan oo aad u qurux badan oo ka sameysan ruqaan
4- Masjidka Axnaafta oo la dhisay qarnigii 7aad ee hijriga , markii gumeysigii Taliyaaniga dalka qabsaday wey dumiyeen masjidkaas waxey ka duldhiseen baar aay u bixiyeen ‘’ BAR SAVOY’’
Waxaa magaalada muqdisho dhidibada loo aas-asay waqti aad u fog, oo ay taariikhyahanadu ku sheegaan inay ahayd qarnigii labaad Ee taariikhda milaadiga.
Kitaabka taariikhda magaalada Baata (xeebta Afrikada bari) ee lagu qoray afka Sawaaxiliga ayaa waxaa ku qoran qofkii ugu horeeyay ee magaalooyinka xeebaha Afikada Bari aasaasay uu ahaa Khaliifkii Cabdulmalik Ibnu Marwaan sannadku markuu ahaa 77 hijriga, kadib markuu maqlay wararka magaalooyinkaas , wuxuu markaas rajeynaayi inuu halkaas ka dhiso boqortooyo cusub Cabdulmalik Ibnu Marwaan wuxuu halkaas usoo diray rag Suuriyiin , kuwaas oo ah dadkii dhisay magaalooyinka (Baata ) (Malindi) (Zinjibar) (Laamo)
Taariikhyahan Taliyaani ah ayaa wuxuu sheegay inaay aay magaalada Muqdisho ahaan jirtay Islaamka ka hor magaalo weyn
Markii Islaamka uu ku faafay magaalada Muqdisho waxey noqotay meel aay soo hijroodaan dadkii carabta ahaa, dadkaas oo halkaas ka abuuray canacsi Iyo fidinta diinta Islaamka ilaa aay magaalada ka noqoto Minaaradii diinta ee Afrika, dadkaas firkoodi ilaa waqtigan xaadirka ah waxey weli ku noolyihiin magaalada Muqdisho iyo xeebaha Banaadir oo dhan nin magaciisa la dhihi jiray ‘’Ismaaciil Ibn Cumar Ibn Muxammed’’ , ninkaan wuxuu kasoo jeeday reer ‘’ Banii Cafaan’’ wuxuu magaalada Muqdisho uu yimid sannadkii 149 hiriyada.
Muqdisho waxay ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marinka kala qaybin jiray hindiay iyo yurub, ka hor intaa la’qodin kanaanka suweys Ee mara waddanka maser, iskuna xiri jirtay jaziirada carabta iyo xeebta Afrikada bari
Magaalada muqdisho waxay ka koobnaan jirtay lix xaafadood ama degmo. Xaafad kastana waxaa maamuli jiray nin shiikh ah. xaafadaha waxey lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhamaan xaafadahaas loogana tashan jiray arimaha magaalada Qarnigii 4aad ee milaadiga magaalada Muqdisho isku badashay nidaam ama maamul u eg-saldanad.
MAGACA MUQDISHO
Waxay kaloo Taariikhyahanadu isku qilaafeen magaca (Muqdisho) asal ahaan meesha uu kasoo jeedo, waxaa lasheegay in magaalada markeedi hore la dhihi jiray (Xamar) iyo magacyo kale oo lamid ah sida (Xamar jab jab) (Xamar Cade), waxaa macquul ah in magacyadaas dhamaan magaalada loogu yeeri jiray waqtiyo kala duwan aay magaalada qadiimka ah aay soo martay, sida isbadalada xaga qaabka dhismaha , degaanka iyo siyaasadaba Qaar kamid ah taariikhyahanada ayaa waxey cadeeyeen magaca (XAMAR ) uu horeeyay , laakinse hadana waxaa aay isku qilaafeen micnaha (XAMAR) , oo ah magac bulshadu aad u taqaan weliba dhanka suugaanta iyo maah maahyada , Soomaalida ilaa iyo waqtigaan aan ku jirno wey adeegsadaan magaca (XAMAR).
Micnaha (XAMAR) carabi ahaan waa (Alxamraa), qaar kale magacaas waxay ku macneeyeen inaay ka timid kalmada (XIMYAR), oo ahayd dowlad Islaamka ka hor xukumi jirtay yaman. Dawladaas waxey gacanta ku haysay ganacsiga xeebaha bariga Afrika oo ay magaalada Muqdisho ka mid ahayd.
Magacaabida magaalada Muqdisho waxaa la’sheegaa in magacaas asal ahaan uu yimid kalimada (Maqcad Shaah) oo loola jeedo kursiga Boqorka oo lagu sii macneeyo (meesha ugu wanaagsan ee boqorka fadhiisto ama xarun ka dhigto), sida lasheegay Muqdisho waxaa qarnigii 6aad ee hijriyada xukumi jiray faarisiyiinta marka soomaalida wey kari waayeen ku dhawaaqida (Maqcad Shaah ) waxeyna u badaleen magaca hada (Muqdisho) kalmada waa laba erey kala duwan ereyga Maqcad waa carabi ereyga labaad shaah waa faarisi oo loola jeedo boqor .
DOWLADIHII IYO MAAMULADII MUQDISHO KA TALIN JIRAY.
Waxaa magaalada Muqdisho soo xukumi jiray dowlado iyo Saldanado , maamuladaas qaarkoodi waxaa sameeyay dadkii ugu horeeyay carabta ahaa ee halkaas soo degay , qaar kalena waxey kamid aheyd qeyb katirsan qilaafadii Islaamka ee waqtigaas jirtay iyo maamulo aay sameysteen qabaail soomaaliyeed iyo kuwii isticmaarka.
Waxaa dowladahaasi ka mid ahaa:-
1- Dawladii Ximyar : waqtigii ‘’ Ascad ibnu Karbi ‘’ oo ahaa mid kamid ah boqoradii ka talin jirtay yaman qarnigii 4aad ee Miilaadiga. Dowladaan waxey kaloo soo xukuntay magaalooyinka Marka iyo baraawa.
2- Dawladii Umawiyiinta waqtigii Cabdulmalik Ibnu Marwaan
3- Dawladii Xalawaan oo Muqdisho ka talineysay bilowgii qarnigii 6aad ee hijriga , waxaan magaalada xukumayay Maxamed Shaah ka tirsanaa maamulka Xalawaan ee Ciraaq.
4- Dawladii Zuzaan oo bartamihii qarnigii 6aad ee hijiriga Muqdisho xukumayay.
5- Dawladii Shiiraaziyiinta oo qarnigii 7aad hijriyadaa , dowladaas waxey ku caan baxday dhisida Masaajida waaweyn oo leh qaab faarisi.
6- Dawladii Faqrudiin oo aasaasay Suldaan Abubakar Faqrudiin , qarnigii 13aad ee Miilaadiga , kadib markii uu ku guuleystay inuu soo afjaro qilaaf ka dhaxeeyay qabaailkii Muqdisho deganaa.
7- Dawladii Burtaqiiska oo magaalada Muqdisho xukumayay waqti gaaban sannadkii 1502 Miilaadiga , Burtaqiiska waxey dadkii degenaa magaalooyinka Muqdisho, baraawe iyo marka deganaa kala kulmeen iska cabin xoog leh oo aay ku diidan yihiin maamulkoodi, waxaana iska caabisntaas hoggaaminaysay boqortooyadii Biyo-maalka.
8- Dawladii Mudafar oo Muqdisho xukumeysay bilowgii qarnigii 6aad ee Miilaadiga.
9- Dawladii Cumaan waa waqtigii Suldaan Barqash oo ahaa suldaankii Sinjibaar oo xukumayay xeebaha bariga Afrika bartamihii qarnigii 18aad ee Miilaadiga, markaas waxey magaalada Muqdisho siyaasad ahaan raacsaneyd Suldaankii reer Cumaan ee joogay Sinjibaar.
10- dowladii Taliyaaniga oo magaalada Muqdisho qabsatay 1892 Miilaadiga , kadib markii hashiis la gashay Suldaankii reer Cumaan ee Muqdisho katalinaayi inuu ka tanaazulo xukunka ee uu qaato lacag dhan 140 kun Rubiya sannad walba.
Billowgii 50 meeyadii waxey magaalada Muqdisho heshay maamul dowlad hoose ah , intii lagu guda jiray Gobonimo raadinta 1950-1960 Ee dawladii daakhiliga ahayd Ee uu Hoggaaminaayay Ra’iisulwasaare C/laahi Ciise Maxamuud.
1960 kii markii xornimada la’helay, waxey magaalada Muqdisho noqoday caasimada dalka Soomaaliya, iyadoo ay sal dhigteen baarlamaankii ugu horeeyay oo xor ah, kana koobnaa 123 mudane.
1969-kii- 1991kii waxay muqdisho soo dhawaysay dawladii kacaanka.
1991-200 magaalada muqdisho waxay hoy u noqotay maamul la.aan iyo fawdo, maalmo yar ka dib markii uu dagaalku kal diray dawladii lagu soo dhisay waddanka jabuuti Ee uu hoggaaminayay Cali Mahdi Maxamed.
2000 kun illaa 2004, waxay soo dhawaysay dawladii lagu soo dhisay waddanka jabuuti Ee uu hoggaaminayay Dr. C/qaasim salad xasan.
2004 illaa 2006, waxaa saldhig ka dhigtay dawladii lagu soo dhisay waddanka Kenya Ee uu hoggaaminayay C/laahi yuusuf axmed.
Sannadkaan 2009-ka waxay salka dhigtay dawlada lagu soo dhisay wadanka jabuuti Ee uu hoggaaminayo Shiikh shariif Sh. Axmed.
C/naasir M. Cumar (Zero)
C/o Seattle Washington- USA.
abdinasserzero@hotmail.com
.
Taariikhda Magaalada Muqdisho
.
Magaalada muqdisho waxay wejiga ku haysaa Jihada galbeed Ee badweynta hindiya, isla markaana ay badda hindiya kaga wareegsan tahay saddex jiho.
Maanta muqdisho waa caasimada soomaaliya. Dhismayaal casri ah iyo kuwo qadiimi ahba way ku yaallaan. Dad badan iyo gawaari kala duwan ayaad ku arkaysaa. Waa magaalo qurux badan oo ay indhuhu soo jiitaan, waxayna ka mid tahay magaalooyinka ugu quruxda badan magaalooyinka afrikada xorta ah.
Waa magaalo aad qadiimi u ah, magaceedana waxaa la’yaqiinay waqti aad u fog, gaar ahaan waqtigii faraaciinta maser. Qarniyadii 6aad illaa 7aad waxaa magaalada muqdisho laga dhisay masaajido iyo munaarado aad u qurux badan, kuwaasoo ka haray raadkii taariikh ku yeelashadii carabta iyo beershiya.