Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kaga qeyb galaya Shir ay yeelanayaan Magaalada Addis Ababa Madaxda Bariga Afrika iyo Dowladda Sacuudiga, kaasoo loogu magacay daray Iskaashiga Dalalka Bariga Afrika iyo Dowladda Sacuudiga.
Madaxweyne Shariif ayaa shirkan sheegay inuu fursad u yahay u yahay umadda Soomaaliyeed, isla markaana uu horseedi doono nabad iyo amni buuxa oo laga helo bariga Africa.
Booqashada Madaxweynaha ayaa ah tii saddexaad oo isagoo Madaxweyne ah ku tago magaalada Addis Ababa, isagoo horaantii sanadkan markii loo doortay xilka Madaxweynenimada uu kaga qeyb galay shir madaxeedka Midowga Afrika.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa Saciid Yuusuf Nuur ayaa sheegay in shirkaas oo socon doona ilaa 18-ka Bishan diirada lagu saarayo iskaashi dhinaca dhaqaalaha iyo maalgashi dhex mara Dowladda Sacuudiga iyo dalalka Bariga Afrika.
Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ku sugan ilaa 7-Hogaamiye ee ka socotay dalalka Bariga Afrika, waxaana ka mid ah Madaxweynaha Jabuuti, Kenya, Uganda, Sudan, Soomaaliya, Tanzania iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo dalkiisa lagu qabanayo.
Caawa ayaa la filayaa in Madaxdaas isku arkaan Casho sharaf gooni ah oo ay la qaadan doonaan Madaxda ka socoda Dalka Sacuudiga oo iskaashiga buuxa la yeelan doona dalalka Geeska Afrika.
Hayan Media Developmen
News Desk