Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa kulan la qaatay maanta taliyaasha amaanka ee wasaaradaha Amniga iyo arimaha Gudaha ee Puntland ka dib markii uu ku soo laabtay shalay magaalada Garoowe .
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sidoo kale kulamo la qaatay saaka golaha Wasiirada, waxaana kulankaas diirada lagu saaray xaalada amaanka guud ee Puntland iyo sidii loo adkeyn lahaa.
Wasiirka amaanka ee Puntland Jen C/laahi Saciid Samatar ayaa aad uga hadlay arimaha amaanka isaga oo ugu baaqay saraakiisha iyo waxgaradka Puntland in ay iskaashtaan meelna uga soo wada horjeestaan cadawga Puntland ee ku dhuumaalaysanaya gobalada Puntland.
Taliyaasha ciidamada Booliska, Daraawiishta, Sirdoonka & Wasaaradda arrimaha gudaha, Amniga ee Puntland ayaa si gaar ah ula kulmaya Madaxweynaha dawladda Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole waxaana lafilayaa in ay dhinacyadan si xasaasi ah uga wada hadlaan amaanka Puntland.
Taliyaasha Sirdoonka Puntland ee loo yaqaan PIS ayaa la filayaa in ay xog badan u soo gudbin doonaan madaxweynaha Puntland iyo cida ka danbeysa falal amaan daro oo ka dhacay deegaanada Puntland iyo dad badan oo ay u qabteen arinkaas.
Kulanka saaka ay wada qaateen Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole golaha wasiirada,Taliyaasha ciidamada Booliska, Daraawiishta, Sirdoonka & Wasaaradda arrimaha gudaha, Amniga ee Puntland ayaa waxaa laga soo sari doonaa war saxaafadeed saacadaha soo socda.
Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay khilaafka DFKM iyo Puntland isaga oo sheegay in uu ka xun yahay in DFKM uu hogaamiyo shariif ay marna ogolayn horumarka Puntland wuxuuna hoosta ka xariiqay in Puntland ay howlaheeda horumarinta ay sii wadan doonto cidna aysan marti uga noqon doonin
xigasho
M_M Deeq
Halgan.net