Madaxda Suxufiyiinta Bariga Afrika ayaa socdaal ku maraya dalka Mareykanka halkaas oo ay kula yeelanayaan kulamo iyo wadahadallo Suxufiyiinta Mareykanka, Ururada Shaqaalada, ururada bulshada, hay’adaha difaaca xuquuqda aadahana iyo nidaamka dimuqraadiga.
Wafdigan uu hogaaminaayo Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika isla markaana ah Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan ayaa waxaa ku wehliya socdaalkan Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Uganda, Guddoomiyaha Suxufiyiinta dalka Rwanda iyo madaxa fulinta ee ururka suxufiyiinta bariga afrika oo ay ku mideysanyihiin 12-ka dal ee bariga afrika.
Socdaalka wafdigan oo ah kii ugu horeeyay oo wafdi heerkan ah loo fidiyo casumaad ayaa waxaa ay safar ku marayaan magaalada caasimadda u ah Dalka Mareykanka ee Washington DC iyo magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Madaxda suxufiyiinta Bariga Afrika oo la hadlay madaxda maamulka Cusub ee madaxweyne Barack Obama, xubno ka tirsan Congress-ka Mareykanka iyo hay’adaha u ol oleeya nidaamka dimuqraadiga ayaa hoosta ka xariiqay dhibaatada aan xadka laheyn ee lagu hayo suxufiyiinta gobolka Bariga afrika. Maamulka cusub ee Mareykanka oo aad u daneynaayo dowlad wanaag iyo nidaam dimuqraadi ah oo ka hana qaada bariga afrika ayaa waxaa ay ku booriyeen in xooga saaraan in ay ku cadaayiyaan dowladaha gobolka in ay joojiyaan xadgudubyada ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda.
“Ayadoo ay tahay wax wanaagsan in la taageero dowlad wanaag iyo nidaam dimuqraadi ah hadana waxaan u sheegnay mas’uuliyiinta Mareykanka in heerka Xoriyadda saxaafadda ee ka jira dal ay tahay waxa kaliya ee lagu cabiri karo nooca nidaamka ka jira dal” sidaa waxaa yiri Cumar Faaruuq.
Cumar Faaruuq iyo wafdiga ku wehliya socdaalka oo ay soo dhaweyn weyn u sameeyeen Ururka Suxufiyiinta Mareykanka iyo Ururka Shaqaalaha Mareykanka ayaa sidoo kale ka hadlay sida loogu tunto xuquuqda saxafiyiinta iyo dambiyada aan la ciqaabin ee ka dhanka ah saxaafadda ee ka dhacaya Soomaaliya, Uganda, Rwanda, Eritrea iyo Sudan.
Hogaamiyaasha suxufyiinta Bariga Africa ayaa khudbaddo ka jeediyay xarunta AfricaForum oo ay si qota dheer kaga hadleen xaalada gobolka iyo isbadalada soconaya.
Wafdiga ayaa soo gaaray maalintii khamiista aheyd magaalada New York si ay ula kulmaan Qaramada Midoobay (UN) iyo hay’adaha u ol oleeya xoriyada saxafadda iyo xuquuqda aadanaha.
Kadib kulan ay la qaateen mas’uuliyiin ka socotay xafiiska xoghayaha guud ee qaramada midoobay, gaar ahaan waaxyaha arrimaha siyaasadda iyo nabad ilaalinta, ayaa waxaa ay shir jaraaid ku qabteen xarunta qaramada midoobay halkaas oo ay diplomaasiyiinta iyo suxufiyiinta ay su’aallo dhowr ah ku weydiiyeen.

“Socdaalkeena waa mid aan uga warbixinayno xaalada ay ku sugan yihiin suxufiyiinta bariga afrika. Dabcan suxufiyiinta Soomaaliyeed mushkilada heysata si xoog leh ayaa looga hadlay, waxaana la qiray in ay yihiin geesiyaal lagu aamusin waayay cabsi gelin iyo caga jugleyn balse xabad in lagu aamusiyo la doonayo” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cismaan oo u waramayay Hiiraan Online.
“Ka sokow dhibaatada iyo qalalaasaha ka taagan dalka, waxaa tusaale wanaagsan ahaa in Soomaaliya ay hormuud u tahay gobolka taasoo diplomaasiyiintii iyo qeybihii kale ee aan kula kulanay Washington iyo New York aad usoo dhaweeyeen” ayuu ku daray Cumar Faaruuq.



Xigasho:- Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya