Maamulka Xarakada Al-shabaab Degmada Balad-xaawo ayaa albaabada u laabay Radio Maandeeq Degmada balad-xaawo sida ay sheegeen wariyayaal ku sugan degmadaasi.
Radio Maandeeq oo laga dhagaysto Magaloyinka ka tirsan wadamaada kenya itobiya iyo soomaaliya ah waxaa gudaha u soo galeen saakay ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab, waxayan amar ku bixiyeen in deg deg loo xiro howlaha idaacadaasi.
Tififtiraha iyo Agaasimaha Idaacadaasi ayaa sidoo kale lagu wargeliyey in ay raacaan ciidamada amaanka, oo sida la sheegay warqad ka watay dhanka Maamulka.
Koxda Ashabab wali sharaxaad kamaysan bixiin sababaha ay idacada ku muteysatay in albabada lolaabo balse waxaa la filaya in xarakada ay ka carootay wareysi laga qaday sarakisha ciidamada dowlada KMG ee ku sugaaan Doolow.
Wa marki labaad ee la xiro idaacada codka dheer ee Radio Mandeeq mudo hal sano gudeheed ah
soomaaliya ayaa sanadihi ugu danbeyay waxay noqotay xarun lagu dhibateyo saxafada,sido kale waxaa Hawada laga bixiyay idaacado badan waaxaa xaarig iyo jirdil lo geystay wariyryaal ka shaqaynayay idaacadaha madaxa banan ee ka howlgala soomaali
sido kale waxaa naftoda qaliga ah ku wayay wariyeyaal kor uu dhafaya 20 wariye.
Hayaan Media Development
News Desk