Lamaanayaashii Ingiriiska u dhashay oo burcad badeedka geeyeen bariga degmada Xarar Dheere.

burcad-badeed-sw1Wararka Xogta Media barqanimadaan {04 Nov} kasoo gaaraya degmada Xarar Dheere ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi la geeyay Lamaanayaashii u dhashay Britain ee ay dhawaan af-duubteen kooxo Burcad Badeed Soomaali ah.

Degmadaan Xarar Dheere oo ku taala bartamaha dalka Somalia ayaa ah degmo xeebeed noqotay hoyga labaad oo ay burcad badeedka Soomaalida degaan isla markaana ka abaabulaan howl-galada ay ka sameynayaan xeebaha Somalia iyo agagaarkeeda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ujeedada ka dambeysay inay burcad badeedka Lamaanayaasha dhulka keenaan, ayaa ah iyagoo la cabsaday inay ciidamada Ingiriiska xoog ugu soo furtaan hadii ay xeebaha Somalia kusii hayaan isla markaana go’aansadeen inay barriga keenaan.

Berriga ay Kooxaha Burcad Badeedka la soo aadeen Lamaanayaasha Britain u dhashayna waxaa ka jirta cabsi kale oo ah in ay kooxo Islaamiyiin ah ay weeraraan burcad badeedka, kaddibna ay kala wareegaan dadka Ajnabiga ah ee ay haystaan.

Degmada Xarar-Dheere ee gobolka Mudug ayaa waxay xeebta u jirtaa 35 Mile, waxayna tahay degmo ay ku badan yihiin Kooxaha Burcad Badeedka ah ee qabsada Maraakiibta iyo Doomaha ku socdaala xeebaha Soomaaliya.

Kooxaha Burcad Badeedka ah ee haysta Lamaanayaasha Britain u dhashay ayaa waxay dalbadeen lacag madax furasho ah oo gaareysa 7 Milyan oo Doollar oo u dhiganta 4 Milyan oo Pound.

“Waxaan u sheegeynaa qoyska dadka aan heyno in ay dalabkeena xushmeeyaan, waxaana caddeyneynaa in aanan dhibaato u geysan doonin dadka aan heyno, waxaan kaliya dooneynaa lacag madax furasho ah”sidaas waxaa yiri Maxamed Shaakir oo ka mid ah kooxda Burcad Badeedka ah ee heysta Lamaanayaasha howlgabka ah ee Britain u dhashay.

Lamaanayaashan oo lagu kala magacaabo Paul Chandler iyo Rachel Chandler ayaa waxay kooxaha Burcad Badeedka af-duubteen 23-kii bishan, iyagoo xiliga la af-duubanayay ka soo shiraacday Jaziiradada Seychelles , isla markaana ku sii jeeday dalka Tanzania .

Kooxaha burcad badeedka Soomaalida ayaa xiligaan waxaa gacanta ugu jira 8-markab oo dalal kala duwan laga leeyahay iyo shaqaalaha saaran kuwaaso dhamaan ay ka doonayaan lacago madax furasho ah si ay usii daayaan dadka saaran.

Hayaan   Media Development
Xarerdheere,Somalia.

Leave a comment