Shir weyne aadu balaaran oo aysoo qaban qaabiyeen Haweenka Jaaliyada SSC isla markaana aykasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee Jaaliyada SSC ee kala ah Aqoonyahano,Culumo’awdiin,Siyaasiyiin,Haween,Dhalinyaro iyo Wariyayaal ayaa ka furmay Magallada Vlaardigen West .
Shirkan oo ciwaan looga dhigay isbarasho guud iyo Wada Tashi ayaa waxaa furay Maxamed Yusuf Jamac “ indho Sheel” oo ka mid ahaa waxgaradkii shirkaasi kazoo qeyb galay ayaa ugu horeyn dadkii shirkaasi fadhiyey uga mahadceliyey waqtiga ay usoo hurwen shirkan,isagoo intaasi kadibna sheegay inay kawada hadli doonaan Arimo badan oo dhex yaal Jaalliyada SSC ee Holland.
Dhinaca kale Wasiirkii hore ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Dowladii Carta Eng,Ahmed Maxamud Xandulle ayaa shirkaasi lagu soo dhaweyey inuu halkaasi ka jeediyo Hadaladiisa ku aadan isku imaatinka Jaaliyada SSC iyo sidii ay u sameysan lahaayeen isku duubni mid ah.
Eng,Ahmed Xandulle waxaa uu sheegay inay wax weyn tahay kulamadan sidan oo kale ah,kuwaasi oo lagu soo anbaqaadayo ka shaqeynta xiririirada joogtada ah ee Jaaliyada SSC leedahay,waxaana uu ugu baaqay intii Halkaasi joogtay inay la yimaadaan dadaalo horumarineed oo lagu amaano Jaaliyada SSC ee Holland.
Waxaa uu Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Tamarta sheegay in Jaaliyadaha Dibada ay qeyb weyn ku leeyihiin Arimaha Dalka Somalia,Laakiin taasi waxa ka horeysa ayuu yiri sidii Jaaliyada SSC iyaga dantooda Holland ahaan uga shaqeyn lahaayeen,kadibna waxaa uu hadalka usoo afmeeray in shirkan la isugu yimid loo baahan yahay sidii looga dhigi lahaa inuu noqdo mira dhal.
Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Haweenka kala ah Sahro Muuse Xuseen “Samawada” Caasho Cabdi Kilin,Sahra Gamaadiid iyo Hodan Dirir ayaa waxaa Halkaasi afkooda kuhadashay Sahro Gamaandiid taasi oo ku dheeraatay arimaha ku qaaday inay shirkan soo qaban qaabiyaan,waxaana ay arintaasi ku sheegtay markii ay arkeen iska warqab la’aanta mudooyinkii danbe soo kala dhex galay Jaalliyada SSC ee Wadanka Netherlands.
Waxaa Sidoo kale ay Sahro ay sheegtay in manta wixii ka danbeeya dadka shirka kazoo qeyb galay looga baahan yahay inay la yimaadaan is badal dhinaca xirirka ah iyo iska warqab ka guud ee muhiimkan u ah Danta Jaalliyada SSC,taasi oo ay sheegtay inay u danqadeyn Haweenka shirka soo qaban qaabiyey sidii loo taabo gelin lahaa.
Ugu danbeyntii Waxaa la guda galay shir hoosaad ka madax banana Saxaafada kaasi loo lagu falan-qeynayey sidii Jaaliyada u sameysan laheyd Gudi ka shaqeeya dantooda isla markaana sii ambaqaadada howlaha kale ee horyaalada Jaaliyada sida ka hadlida Arimaha Siyaasadeed iyo Amaan ee ka jira gudaha Dalka Somalia iyo xitaa sidii ay Jaalliyada SSC qeyb ugu yeelan laheyd dhaqdhaqaaqyada kajira isla Dalkan Holland.
Waxaa Shirka lagu doortay Shan xubnood oo noqonaya Gudiga Jaaliyada SSC ee Holland kuwaasi oo sii dhisan doona Maamulkooda u gaarka ah,waxaana kamid ah Gudiga la dhisay dadka loo magacaabay :-
Maxamed Yusuf Jama “Indhi Sheel”
Prof,Maxamuud Jaamac
Abdilaahi Maxamed Xaashi
Caasho Shire Qaadane
Caasha Badeed
Shantan Xubnood ayaa noqon doona gudiga ay Jaalliyada SSC u dhiibteen xilka ka shaqeynta danahooda gaar ahaaneyd iyo isku duubnida guud ee Jaaliyadaasi,waxaana bilaha soo socda laga sugayaa wax qabashada danaha jaaliyada ee loo dhibtay iyo soo dhameystirka garabyada Maamulka Jaalliyada SSC.
Cali Dahir Ciid.
Hayaan Media Development.
Vlaardigen,Netherlands.
Waa arin lagu farxo haddiiba Jaaliyada SSC Holland fahmeyn sidii ay maamul u sameysan lahaayeen,waxaase ugu baaqayaa inuusan shir kooda noqon hadal oo kaliya ee uu noqdo wax qabad iyo isku xir rasmi ah.
Hambalyo Hambalyo Jaaliyada SSC.
Haweenka SSC Holland waan idin kuamaanayaa Shirka aad soo qaban qaabiseen,Horey ayaa loo yiri dumar waa abaabul,ragna waa col iyo ciidan u joog,marka howshiiina abaabulka meesha kasii wada.
Wixii wanaag ah ee dadaalkiina kasoo baxana waxa uu noqon doonaa mid aan ku dayan doono kuweena kale ee Yurubta jooga.
Ma riyaa ma runbaa waxa aan arkaayo ee ah shir SSC oo Holland ka dhacay,waxaan horey ula yaabanayaa kii Kenya oo aan is lahaa waa dhalanteed,Laakiin midkan Holland ka furmay markii aan arkay waxaa iis oo baxday in Reer SSC isku soo tafaxeyteen horumarinta iyo isku duubnida dantooda.
Waa guul haddii aad sidaasi kusii wadaan.
Gabar aan dhawaan Xayeysiin barnaamij HOOYO MACAAN la dhaho ku arkayey ayaan hadana iiga dhex muuqata Jaaliyada SSC walee muuqaalkaaga iyo hadalka Hooyo Macaan ayaan ka fahmay in aad aheyd Jaaliyada SSC.kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Sahro Muuse.
Waa hubaal in raga ay yihiin col u joog un oo aysan fahmeynin nabada iyo isku duubnida,hade haweynow maanta waa doorkeenii ee halkaasi aan kasii wadno Nabada iyo isku duubnida Jaaliyada SSC.
La socda Gobolada SSC gacanta kuma jiraan waxaa ay sugayaan dadaalada Jaaliyadaha SSC oo aan kala go’laheyn ..
Mahadsanidiin