Guddoomiyaha Hayáda Warbaahineed ee Hayaan Media Development Maxamed Abdi Farah “Afgooye” ayaa cambaareyn dusha uga tuuray Xariga Wariyaha Idaacada shabelle ee Magaallada Baydhabo,waxaana uu sheegay inay Maamulka Al Shabaab yihiin kuwa ku deg dega Xariga wariyayaasha iyo Idaacadaha ay ka shaqeeyaan.
Maxamed Abdi Farah “Afgooye” ayaa sheegay inay xirir la sameeyeen Magaallada Baydhabo si ay wax badan uga ogaadaan sababta ay Al Shabaab u xireen Wariye Muxuyadiin Xusni,Waxaana uu intasi ku darey inay ilaa hada la aqoon sababta ay Al Shabaab ku xireen wariyahaasi.
“Waxaa soo weeraray Wariye Xusni Ciidan ka tirsan Maamulka Shabab,wax ay u sheegeen ma leh kaliya waxay ku amreen inuu xiran yahay,waxaa la dhigay Xabsi uu habeenkii labaad seexanayo ilaa hadana waxaanu la’nahay wax ay ku sheegtaan,Marka laga reebo wararka uu Gobolkaasi uga diro Idaacada Shabeele oo laga yaabo inay dhibsadeen,Laakiin waxaan ugu baaqeynaa inay deg deg ku siidaayaan wariyahaasi ay xireen” Ayuu yiri Guddoomiye Afgooye oo Maanta la Hadlayey Warbaahinta.
Dhinaca kale Waxa uu ugu Baaqay Dhamaan Maamulada ka jira Somalia inay qadariyaan Xoriyada hadalka iyo Madaxbanaanida Warbaahinta Somalia,isagoo sheegay in haddii aan laga shaqeyn difaaca warbaahinta ay imaan doonto dib u dhac ku yimaada Umadeena hada la jaanqaaday warbaahinta Dunida ka jirta.
Dhawaan ayey aheyd markii Maamulka Shabaab ee Baydhabo xireen Laba Idaacadood oo ka howl geli jiray Magaalladaasi,kuwaasi oo kala ah Warsan iyo Jubba,taasi oo ka dhigeysa in Maamulka Baydhabo ka yahay mid usoo tafa xeytay caburinta Warbaahinta Madaxa Banaan.