Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Gobolka Bari oo Bosaaso lagu dilay

kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkWaxaa  Caawa fidki lagu dilay bartamaha magalada boosaso  gudomiya maxkamada sare ee Gobolka bari   Shiikh Maxamed Cabdi Awaare

 

Marxuumka ayaa waxaa la xaqiijiyey in dabley afka soo duubatay ay ku dishay xili uu kasoo baxayey Masjid ku yaal nawaaxiga suuqa weyn ee magaalada Bosaaso, halkaasi oo la sheegay inuu Guddoomiyaha u dhintay tacshiiradii la la beegsaday.

 

Waxaa warar is khilaafsan kasoo baxayaa cida weerarkan ka danbeysay inuu hal qof ahaa ama koox hubeysan.

 

Ciidamada nabad ilaalinta ee Puntland ayaa waxay sheegeyn weli inaanan loo-qaban wax dad ah oo lagu tuhmaayo dilka gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Gobolka Bari

Hase ahate waxay shegen in ay gabi ahanba aay xireen wadoyinka  soo gala mesha uu dilku ka dhacay

Amniga magalada Bosaaso ee gobolka bari  ayaa  ayantanba  aad uu liitay ayado ay ka dheceen qaraxyo isdaba jog ah Malmihi ugu danbeyay .

 

Hayaan Media Development

News Desk

Leave a comment