nolol haddii aad haysatid oo aysan jirin nabad noloshaasi wax faa,iido ah malahan.
Aqristow waxaad maqlaysaa shacabkii Soomaaliyeed oo cabanaya kuna calaacalaya ilaahoow nabad na sii dhibtan nahaysana naga dulqaad si aan u helno Nabadgelyo iyo Barwaaqo taam ah,Waxbarasho iyo Caafimaadna u helaan caruurtayada.
Wax waliba way noo hagaagi lahaayeen, balse isagga kama uusan fekerin dhaqankiisa iyo waxa uu faraha kula dhex jiro Soomaaligaa calaacalaya, Haddaba ma ogaan kartaa waxa maankiisa dhex jiifa ama laabtiisa uu ku hayo?.
Dadka waxay xukmin karaan oo keliya waxa daahirka ah ee la arkayo, laakiinse waxa qofka laabtiisa dhexyaal ma garan karo aadanaha.
Nin caan ah oo aad tiqiin wuxuu isagga uu yahay ayaa kuu sheegaya in uu nabadda jecel yahay kana shaqaynayo sidii nabadda loo dhalin lahaa, laakiinse malagu bartay nin nabadeed isagga?.
Shaqsigaas dibnaha uun ka sheega nabad horayna u laayay dhalinyaro uu u dagaal geliyay hab beeleed balse ay isaggu dantiisa keliya ka eeganaya kuna beer laxawsanayay in reer hebel beeshooda duulaan ku yihiin adeegsanaya dad ay madax martay qabyaalad. kuwaasi leh dhaqanka noocaasi ah waxaa taageerayaal u ah; Shiikh, Tuug, Ganacsade, Haween, Dhalinyaro iyo Aqoonyahan beeshiisa ah.
Shaqsigaa aan kuu sifeeyo waa ruux wejiyo badan; habka beesha markii uu ku fashilmo oo lakala badin waayo wuxuu isku rogayaa nidaamka Isbahaysiga. sidaan horayba u soo aragnay markii dagaaladdii kululaa ee DAD iyo Duunyba galaaftay in dad la laayo, qaarna la baro kiciyo, hantidii dadkana la boobo, haweenkiina la kufsado, dhalinyaradiina laabta qabiil loogu buuxsho mooyaanee aan wax kalle laga dhaxlin oo shacabkiina la arkay ii uu eber yahay ayaa waxaa la samaystay isbahaysiyo ay shuraako ku noqdeen kuwii dalka burburiyay dadkiina laayay.
Haddaba Shacabka Soomaaliyeed ee sidaas loo galay ayaan weli quusan oo ku dhahaya hadaan hebel wax noqon waxba ma soconayaan oo weli waxay rabaan dulinimadii dantiisa eegte uu la dhex yuuraray.
Aaqriste qormadaydan waxaan ugu dan lee yahay yaa nabad raba?
Ma ninka calaacalayaa oo leh EEBOOW nabad na sii aan ku noolaano aan Caafimaad iyo Adeegyada bulshda u baahan tahay u helno, hadana leh waa hebel in uu wax noqdaa xageen nabad ku arkayaa?
Ninkaasi Soomaali liqay ayaad raadkiisa ku taagan tahay oo inay nabad kuu keenaan daayee caruurtaada laayay mise nabadda waa mid aad Alle ka sugaysid?.
Horaa waxaa loo yiri: Doqonimo waa Shil.
Soomaaliyeey seddex Q ku taal aan ku bedeleno seddex kalle oo Q ku taal:
1-qabiil aan ku bedeleno qaran.
2-qori aan ku bedeleno qalin.
3-qaadna aan ku bedeleno quut.
Cabdi Gare
Muqdisho – Somalia