Faallo gaaban oo ku saabsan Arddeyda Soomaaliyeed ee Waxbarasho u doonto meelaha ka Baxsan Dalkooda

Maqaalkan waxa ku qaada dhigeynaa Faallo gaaban oo ku saabsan Arddeyda Soomaaliyeed ee Waxbarasho u doonto meelaha ka Baxsan Dalkooda,

taasoo ay kala kulmaan dhibaatooyin kala duwan Sida in la Xiro ama la afduubo iyadoo madaxooda Lacag lagu raadinayo.

Waddamada Arddeyda Soomaaliyeed ay Waxbarasho u doontaan islamarkaasna ay Jaamacadahooda ka buuxaan ayaa waxa ka mid ah :Suudaan Malleeshiya,Masar iyo Yeman,waxana inta aaney arddeyddu gaarin halkii ay Jaamacadaha u doontaan la kulmaan Dhibaatooyin badan oo dhinaca Socdaalka ah.

 

 Tusaale ahaa Arddeydda Waxbarashada ka hesha Dalka Suudaan ee aan awoodin inay iska bixiyaan qarashaadka Diyaaradaha ayaa isku deyaya inay dhulka u maraan iyagoo sii dhaxmaraya Dalka Itoobiya,waxayna halkaas kala kulmaan Xarig ay u geystaan Ciidamada ilaalada amaanka Dalka Itoobiya;waxana sidaas ku maqan arddey fara badan oo socdaalkoodu ahaa Waxbarasho,iyagoo lagu tuhmaayo inay ka tirsan yihiin Islaamiyiinta ay sida weyn ula dagaashan tahay Dowllladda Itoobiya.

 

Sidoo kale Arddeyda Waxbarashada u doonta Dalka Malleeshiya ayaa waxay dhibaatooyin dhinaca Socdaalka kala kulmaan Dalka Emaaraadka Carabta oo ay Siimaraan,waxana dhacda in marmarka qaarkooda laga soo celiyo Goroomada Dalkaasi.

Sidoo kale arddeyda u socota Dalka Masar ee sii mara Dalka Suudaan ayaa dhibaatooyin la kulma iyadoo ay Ciidamada Masaarida iyo kuwa Dalka Suudaan ay qabtaan iyadoo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin dadka Muhaajiriinta ee ka hayaamaya Dalkooda si u helaan nolol ka wanaagsan tan dalkooda ay ku haysteen.

 

Si kasta ha ahaatee Arddeyda Soomaaliyeed ee Waxbarasho doonka ayaa dhibaatooyin kala geddisan la kulma,waxana arrintaas ka dhalatey dadka ka baxsanaya dagaalllada Soomaaliya oo Dunida meel kasta ka gaarey,iyadoo marka la arko qof calaamad Soomaaliyeed leh ay dalalku isleeyihiin Waa Qaxooti nolol raadis ah

Maxamed Mustaf Xaji

Sudan Khartoum

Maxamed@hotmail.com

Leave a comment