Dowlada Giriiga oo xaqiijisay in markab laga lahaa Wadanka Giriiga lagu afduubay meel ka baxsaan biyahaa soomaalia

burcadWasiir ka tirsan dowlada Gariiga ayaa sheegay in weerarkani oo ka dhacay meel 370 Meyl u jirta xeebaha bari ee Soomaaliya ay kooxo hubaysan ka afdubteen sida uu u sheegay dowlada gariiga Kabtanka markabka.  

 Waxa uu sheegay kabtanka ilaa 9-nin oo ku hubeysan hubka fud fudud oo ka tirsan  burcad badeeda Soomaali ah ay weerar ku qaadeen markabka, iyagoona u sheegay kabtanka inuu u dhaqaaqo dhinaca xeebaha wadanka Soomaaliya.

Shaqaalaha ayaa la xaqiijiyay in ay hadda Caafimaad qabaan,iyadoo 16-ka mid ah shaqaalahaasi ay u dhasheen wadanka Filipiin waxaana 9- kalana ay dhalasha ahaan ka soo jeedaan Ukraine Romania iyo Gariiga sida uu sheegay kabtanka.

Kooxaha burcad badeeda Soomaaliyeed ayaa laba laabay weerarada ay ku hayaan maraakiibta shisheeye ee isticmaala biyaha ku dhow xeebaha wadanka Soomaaliya waxaana maalmihii ugu danbeeyay burcad badeeda u gacan galay tiro maraakiib ah.

  Hayaan Media Development

          News Desk

Leave a comment