Taliyaha Ciidanka Boolsika DFKM Gen.Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa wax uu maanta ka qeyb galayay xaflada lagu soo gabagabeynayay tababar in muda ah uga socday ciidado police ah laguna tababarayay Xerada tababarka policeka ee carmo.
Gen Cabdi Qeybdiid ayaa khudbad kooban ka jeedshay xaflada isaga oo ugu baqay caalamka iyo hayadaha deeqaha baxsha in ay daba gal ku sameeyaan miisaaniyada ciidanka Booliska loo soo marsiiyo haya’adda UNDP..
Gen.Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la dhamasytiro qalabka Booliska sida dharka iyo agabka kale ee ciidanka Booliska si amaanka ay wax uga qabtaan.
Wasiirka Amniga dawlada Puntland Gen.C/laahi Siciid Samatar ayaa isana ka hadlay xaflada isaga oo hanbalyo iyo bogaadin ujeediyay ciidamadii tabobarku u xirmey iyo saraakiishii siisay tababarka.
Waxaa kale oo xaflada ka hadlay Wasiiru dowlaha Arimaha Gudaha ee DFKM C/rashiid Maxamed Xidig wuxuuna u mahad celiyey dowlada Puntland wuxuuna sheegay ciidamada uu u xirmay tababarku ay ka yimaadeen gobalada dalka oo dhan.
Hayaan Media Development
News Desk