Ciidamadan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan dabaabaadka dagaalka oo ka socda Dalka Kenya ayaa soo buux dhaafiyay Tuulooyin ku dhow dhow Deeaanka Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose gaar ahaan waxaa la xaqiijiyay in ay ciidamadaani dalka Kenya ay soo buux dhaafiyeen Tuulada xaar xaar oo 7km u jirta degmada Dhoobley.
Ciidamadan oo aad u qalabeysan ayaa waxaa la sheegay in habeenimadii xalay ay ka soo ruqaan sadeen saldhigyo militeri oo dhinaca waqooyiga soodinta Kenya ay ka soo galeen , waxaana la sheegay in ay la xiriirto howlgalo dhinaca xuduuda .
Ma jiraan saraakiil ka tirsan kuwa deegaanka oo faah faahin rasmi ah ka bixiyay arinta ciidamadn ku soo qulqulaya halkaasi, waxaana ay ku soo aadayaan arimahan xili uu gobolku ka soconayay dagaalo iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo u dhaxeeyay Urur diimeedyohalkaasi ku sugnaa sida Alshabaab Almujaahidiin iyo Ururka Xisbul islaam.
Sida ay ku warameen dad gob joogayaal ayaa waxay sheegeen in ciidan uu hogaaminayo Axmed Madoobe oo shalay dagaal la galay Alshabaab uu ku sii jeedo xadka labada dal Kenya iyo Soomaaliya waxaana sidoo kale warar ka soo baxay saraakiisha Alshabaab Almujaahidiin ay sheegeen in axmed madoobe iyo ciidankiisa ay ku sii jeedaan dhanka Degmada gaarisa .
Hayaan Media Developmen
News Desk