Alshabaab oo WFP ku amartay in ay si dag dag ah ugu qaybiso rashinka baqaarada ku jira dadka gargaarka uu bahan

Saving_Lives_WFPWar Saxaafadeedkan maanta ka soo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay Marka laga hadlayo howlaha ay qabato Hay’ada WFP in loo arkay inay wadanka ay kusoo daabulayso tiro aad u badan oo ah raashin bilaash ah gaar ahaan xilliyada ay beeruhu soo go’ayaan taas oo dhabar jab weyn ku ah beeraha iyo wax soosaarka Soomaaliya sida lagu sheegay war saxafadeedkaasi ka soo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab,Waxayna sidoo kale si weyn uga niyad jebisay shacabka Soomaaliyeed ganacsigii beeraha, iyadoo dhanka kalena jidgooyo u dhigatay in bulshadu isku filaansho gaarto baa lagu yiri war saxaafadeedka.

 

Sidaa daraadeed waxaa la go’aamiyay in Hay’ada WFP aysan dib dambe dalka u keenin raashin ay ka keentay meel ka baxsan Soomaaliya ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab hase ahaatee taasi badalkeedana ay raashinka ka iibsato beeraleyda Soomaalida ah si loogu qeybiyo dadka u baahan raashinkaas ee ku sugan gudaha Soomaaliya sida lagu sheegay war saxaafadeedka,taas waxay xilliga dhow iyo midka dheer intaba Bulshada Muslimka ah ee Soomaaliyeed ka caawin doontaa inay ka gudbaan ku tiirsanaanta shisheeyaha una gudbaan isku filaansho buuxda ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab.

 

Dhamaan Ganacsatada Maxalliga ah ee qandaraas-ka kula jirta Hay’ada WFP waa inay soo afjaraan qandaraaskooda inta ka horeysa 1-da bisha Janaayo 2010 ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin.

 

Ugu danbayn waxaa war saxaafadeedka ka soo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab lagu sheegay in Hay’ada WFP ay faarujisaa kaydka raashinka ah ee u dhex ceegaaga bakhaarada una qeybisaa dadka u baahan raashinkaas, waana in howshaas la qabtaa baa lagu yiri war saxaafadeedka inta ka horeysa 1-da bisha Janaayo 2010.

Hayaan Media Development

   News Desk

Leave a comment