Mamulka Xisbul Islaam ee Dagmada luuq oo sir culus laga heley

Xisbul_islaam_logoAfhayeenka maamulka dowladda KMG ee degmada Doolow, gobolka Gedo,Waxaa u shegay in ay heleen  qabka  ay uu dhisanyihiin  Ciidamada  Xisbul islaam  ee dagmada luuq  iyo awoododa

Cabdi Barre Cabdi, afhayeenka maamulka dowladda KMG ee degmada Doolow ayaa waxaa uu sheegay in taliyiha ammaanka ee maamulkooda — oo lagu magacaabo Sayid Cabdi Kaliil — ay howl sirdoonimo ah ugu direen dhanka Xisbul Islaam,

 

Dhowr bari ka hor   Sayid Cabdi Kaliil  waxaa uu sheegay in uu isku dhiibay dhanka Xisbul Islaam, waxana  markii dambe dib ugu laabtay  Degmada Doolow.

“Waxaa uu ku baxay shaqo la ogyahay wuuna soo gutay”, ayuu yiri Cabdi Barre Cabdi oo ka waramayay talaabada uu qaaday Sayid Cabdi Kaliil, wuxuuna sheegay in siyaabo kasta ay adeegsanayaan si ay u helaan xog ku saabsan ururka Xisbul Islaam,

Arrintan ayaa markiiba waxaa beeniyay  Taliyaha ciidamada Xisbul Islaam ee Maamulka Degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Sheekh Xasan Ciraaqi ayaa waxaa uu Sheegay in marki  uu ku soo biraay   Sayid Cabdi Kaliil ay  ka shakisanaayeen  isla markina ay xabsiga  uu taxabeen  ka dibna uu halkaas ka baxsaday , ayuu yiri Sh. Xasan Ciraaqi oo ku hanjabay in ay “ku raad joogaan ayna ka hari doonin” Sayid Cabdi Kaliil, taliyaha ciidamada dowladda KMG ee degmada Doolow.

“Hada ka dib marna ma dhici doonto waxyaabahaan oo kale  , qofkii aan ku qabano naftisa ayu ku weyn doona “, ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay .

Hayaan Media

Muqdisho – Somalia

Leave a comment