Uganda oo ka jawaabtay Hanjabaada Al-Shabaab.

11Dowlada Wadanka Uganda ayaa waxaa ay ka jawaabtay hadal ka soo yeeray Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Wadanka Soomaaliya in ay weerari doonto Wadamada Burundi iyo Uganda.

Madaxweynaha Wadanka Uganda Yoweri Museveni oo galabnimadi maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Kampala ee Caasimada Uganda waxaa u sheegay in hanjabaada Al-Shabaab aysan saamayn ku yeelan doonin amaanka Uganda.

Waxaana u sheegay in hadii ay isku deyaan in ay soo weeraraan Wadankiisa,ay Dowladiisa jawaab deg deg ah ka bixin doonto isla markaana ay sii adag ula dagaalami doonto Kooxda Al-Shabaab.

”Marnaba yeeli mayno in ay nasii weeraraan Al-Shabaab,hanjabaada ay soo saareen ma ahaan mid saamayn nagu yeelan karta”,ayuu yiri isagoo sii caro leh ka jawaabayay Su’aal ahayd sida uu arko hanjabaada ka soo yeertay Kooxda Al-Shabaab.

Waxaana u ugu dambaynti sheegay in ay Xukumada Uganda ay sii wadi doonto howlaha nabad ilaalinta ay ka wado gudaha Dalka Soomaaliya,iyadoo u diiday in u ka hadlo duqeymihi shalay ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad aad u tira badan oo rayid ah oo lagu eedeyey in ay ka dambeeyeen Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay in ay weerari doonto Magaalooyinka Kampala iyo Bujumbura ka dib marki ay ku eedeyeen in Ciidamada AMISOM ay shalay xasuuq u geysteen dad rayid ah ka dib marki ay Madaafiic ku garaaceen Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Horseed Media.

Leave a comment