Magaalada Peshawar ee Waqooyiga dalka Pakistan ayaa waxaa ka dhacay maanta Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari lasoo saaray waxyaalaha qaraxa. Weerarkan ayaa qeyb ka ah weerarada bambaano oo ay kooxda Talibanka uga jawaabayaan weerarka ay ciidamada Pakistaan ku qaadeen xarunta Talibanka ee gobalka Wasaristan.
Qaraxyada maanta oo Jimce ayaa mid kamid ah lala beegsaday magaalada Peshawar xarun ay dadku ku caweeyaan, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 17 qof oo rayid ah. Qaraxan loo adeegsaday gaariga ayaa lala beegsaday Makhayaada Hayatabad oo kamid ah goobaha ay dadku ku dhigtaan aroosyada, waxaana halkaasi sidoo kale ku yaal dukaamo iyo xarumo ay dhalinyarada ku caweeyaan.
Weerarkan ayaan la aqoon sababta loola beegsaday goob shibil, ayadoo kooxaha Talibanka ay horey bartilmaameed uga dhigan jireen xarumaha Militariga. Todobaadkii horaantiisii ayey ahayd markii qarax bambaano lala beegsaday Jaamacada Islaamiga ee ku taal magaalada caasimada ah ee Islamabad.
Dowlada Pakistan ayaa sheegtay in weerarkii ay ku qaaday gobalka Wasaristan ay ku dishay ugu yaraan 80 kamid ah dagaalyahanada Talibanka.