Maamulka Ururka Xizbul Islaam Degmada Afgooye Gobolka Sh/hoose ayaa shaaciyeen in ay dib u dhis ku samayn doonaan wadooyinka laamiga ah ee bur bursan gudaha degmadaasi.
Madaxa Dacwadaha Maamulka Ururka Xizbul Islaam Degmada Afgooye ahna Afhayeenka Maamulkaasi Sheekh Cali Sheekh Cumar ayaa sheegay in ay dib u dhisid ku samayn doonaan wadooyinka bur bursan meelaha biyo galeenka ah, isla markaana dib u furi doonaan Keymihii ay ka bixi jireen biyaha, xiliyada ay da’aan roobabka.
Mar uu ka hadlayay kalinta ay ka qadan karan shacabka afgooye waxaa uu yiri Waxan ugu baaqeeyna shacabka Degmadaasi in ay kaalin ka geystaan dib u dhiska wadooyinkaasi, isagoo shegaay in ay bilaabeen dajinta dhagxaantii lagu dhisi lahaa wadooyinkaasi.
Dadka degaan ka Afgooye ayaa arintasi aad uu soo dhaweyay waxayna balan qadeen in ay qayb weyn ka qadanayaan Dib u dhiska wadayinki burburay Sido kale waxaa soo dhaweyay Wadayaaasha gaadiidka PLka ah ee ka shaqeaya inta uu dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye
Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Maxamad Siyaad Barre wax dayac tir ah laguma samayn wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo gudaha laamiga Degmada Afgooye oo bur bur lixaad leh ka muuqdo.
Hayaan media
Muqdisho – Somalia