Boqolaal dadweyne ah oo wajiyadooda caro badan ay ka muqatay ayaa saakay isugu soo baxay Barxada weyn Xerada Ciidamada ee Maslax Dadkaas oo si aad ah uga dhiidhiyey dhibaatada lagu hayo shacabka reer Falastiin iyo bur burin lagu samayn rabo Masajidka Barkeysan ee Al-aqsaa.
Dibad baxan oo ay abaabulkisa lahayeen Xarakada Shababul Mujahidiin ayaa si aad ah looga soo horjeestay in la bur buriyo Masaajidka Al-Aqsaa oo ku yaala magalada Tarikhiga ah ee Al QUDUS
Dadkan ayaa sheegay in ay ka xun yihiin guud ahaan dhibaatada lagu hayo shacabka Muslimiinta gaar ahaan dhibaatada lagu hayo shacabka Falastiin iyo qurshaha guracan oo ay Yahuudu ku doonayaan in ay ku bur buriyaan qeyb ka mid ah Masaajidka Al-Aqsaa
Hayaan Media
Muqdisho – somalia