Waxaa Dagaal xoogan saaka barqanimadi uu ka qarxaay Waqoyiga Magalada Galkacyo Dagaalkas oo uu dhexeya Ciidamada Puntland iyo ganacsata caraysan ayaa waxa uu ka socanaya Suuqa ku yalaa Waqooyiga Galkacyo
Dagaalka oo bilowday abaara 11:30-mirir ayaa waxaa la sheegay in ay bilabeen ganacsatada Woqooyiga Magaalada oo ka Gadoodey burburinta maalintii 3-aad ka socanaysa wadooyinka Suuqa Galkacyo.
Muda yar ka dib rasaasta oo dhacaysay ayaa waxaa la sheegay in gawaarida burburinta ay gareen in ay awood ku jabiyaan goobaha qaar gaar ahaan goob ay ku badanyihiin ganacsatada Koonfurta.
Dagalka ayaa waxa la xaqiijiyay in ay ku soo biireen ganacsatada jihada Koonfureed Ee Galkacyo kuwaasi oo Dagalka sii xoojiyay sida wararku nugu soo garayaan.
Xaalada ayaa weli kacsan dhawaqa rasaastana magaalada oo idil ayaa laga maqlayaa iyadoo laga cabsanayo in xaalada ay adkaato dagalkana uu wejiya badan yeesho.
Shalay ayay ahayd marki Ciidamada Police ka Puntaland iska hor imaad koban ku dhexmaray iyaga iyo Ciidamada Mamulka Galmudug Magalada Galkacyo xili ay ku guda jireen howlgalo lagu burburinayo Dhismooyin Sharcidarada ah
Iska hor imadkaas aya waxaa ku nafwayay 1 Askari oo ka mid ah Police ka Puntland halka midkale lagu dhawacay
Hayaan media
Galkacyo-somalia